Wararka

war deg deg ah: Gudoomiyaha KULMIYE oo Si weyn Loogu soo dhoweeyey Washington

washington(saraarnews) Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE iyo waftigii uu hogaaminayey oo ay ka mid ahaayeen Marwada Gudoomiyaha iyo Xoghayaha Arimaha Debeda ee Xisbiga KULMIYE ayaa waxay gaadheen Magaalada washington ee Cariga maraykanka.

Gudoomiyaha Iyo Waftigiisa iyo Diyaaradii ay la socdeen ayaa halkaas gaadhay 8:00 Am (subaxnimo) ee waqtiga Washington, waxaana halkaas si diiran ugu soo dhoweeyey Jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan wadankaas oo ay ugu horeeyaan Taageerayaasha Xisbiga Siyaasiga ah ee KULMIYE oo aan u kala hadhin. mana jirin wax culays ah oo ay la Kulmeen intii soo dhoweyntu socotay.

Waxaana sidaas shabakada wararka ee Saraarnews u xaqiijiyey Gudoomiyaha jaaliyada Reer somaliland Eng. Xaashi Ismaaciil Nuur oo aanu khadka telefoonka imika ku waraysanay oo hogaaminayey dadka reer somaliland ee Ku dhaqan Washington.

Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyo waftigiisa ayaa ku yimi Booqasha Rasmi ah iyagoo Casuumad ka helay Dawlada wadankaasi Maraykanka si ay ugala xaajoodaan Arimo badan oo Khuseeya Mandaqada geeska Afrika iyo Wadanka Somaliland.

Gudoomiyaha Ayaa la filayaa inuu Dawlada maraykanka Ka codsan doono inay Hormuud ka noqoto Aqoonsiga Somaliland oo ah furaha Dawladnimadii uga dhiman si ay uga mid noqoto Bulshada caalamka ee Dumqoraadiga ah.

Gudoomiyaha ayaa la filayaa inuu kulamo kale la yeelan doono inta uu joogo wadankaas maraykanka qaybaha Kala duwan ee Bulshada somaliland ee ku dhaqan wadankaas.
Waxaanu ku dadaali doonaa inaanu idiin soo gudbino wararkii iyo Kulamada uu Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE la yeesho Madaxda Caalamka.

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top