Wasiirka Warfaafinta oo hadal cunsuriyad qabyaaladeed huwan kula kacay xil. mahdi Buubaa

 Muddooyinka dembe waxa siyaasadda Somaliland ku soo kordhay Ajende Siyaasadeed oo cusub oo halis ku ah guulihii uu shacbiga Somaliland uu isku duubani ka gaadhay la soo noqoshadii Xorriyadoodii sida fudud uga siibtay gacantooda 1960kii, taasoo ay dhaqdhaqaajinayaan xubno ka soo jeeda Mucaaradka oo isugu jiray Xildhibaano ka tirsan Dawladda iyo qaar ka mid ah Masuuliyiinta ugu sarreysa ee Xisbiyada Mucaaridka oo ay ugu dembeeyaan Mudane Mahdi Ibraahin Buubaa iyo Maxamed Rashiid Sheekh Xasan.

 

Aan idiin saree waxa ajendahaa siyaasadeed ee lagu soo dhex tuurayo bulshada Reer Somaliland yahay mid laba ujeeddo xambaarsan oo kala ah, in marka hore ajendahaasi Mujtamaca dhexdiisa ka noqdo mid ay ka doodi karaan, marka labaadna laga shaki geliyo Masiirkooda oo ay ku mideysnaayeen tan iyo 1991kii, kadibna ugu kala qeybsamaan Beel-beel iyo Gobollaba.

 

Ajendahan oo soo hadal qaadkiisu dembi iyo xaaraanba ku ahaa in lagu soo hadal qaado shacbiga dhexdiisa iyo Qarankaba, ayaa waxa dhawaana lagu daabacay Wargeysyada dalka qaarkood iyo Web-site-yadaba, kaasi oo ah in Qadiyada Madaxbanaanida iyo jiritaanka Somaliland ay waxba kama jiraan yihiin iyadoo ayaa guuldarradeyda dusha ka saarayo qeybo ka mid ah hay’adaha Qaranka ka mid ah sida Wasaaradaha Arrimaha Dibedda iyo dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

 

Waxa" jamhuuriya Cadadkeedii 4029 ee 18kii Nov, ee 2009ka" ka soo baxay Wareysi uu siiyey Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo Ciwaannada ku xardhanaa ka mid ahaayeen "Waxan rumeysanahay in ilaa talada laga wareejiyo UDUB in aan laga midho-dhalin karayn qaddiyada Somaliland" Ictiraafna yahay baabacadaas oo timo ka soo baxaan.

 

Weedhahani ka soo yeedhay Xildhibaanka oo ka mid ah kuwa laga sugayey inay ka biyo-keenaan qaddiyada madaxbanaanida JSL, ayaa waxa mid nasiib-darro ah inuu kusoo dhex tuuro shacbiga oo uu yidhaa UDUB-baa ka masuul ah, hase-ahaatee waxa geeshta kale nasiib wanaag ah in la helo meel loo raaco hadalladoo dhawwnahan ka soo baxayey Sheekh Shariif iyo Ra’iisal Wasaaraha Cumar C/rashiid oo iyagu caalamka u sheegayey in Somaliland wada hadallo hoos hoos ahi u socdaan raga ka tirsan dawladda iyo Aqoonyahannadaba.

 

Haddaba, horta mid waa iska macquul oo waxa la odhan karaa waxa Xildhibaanku u janjeedhsaday mabda;ii soo celinta midnimada Jamhuuriyadda Somaaliya ee uu hore u go’ansaday Adeerkii Ismaaciil Buubaa, haseyeeshee waxa ay ahayd inaanu Tashwiish ku dhex abuurin bulshada Reer Somaliland ee uu yeelo sidii Adeerkii yeelay oo uu Xasarad la’aan iskaga dhoofo Xarunta Ceelka dumay ee Midnimadii iskeed u laalantay Jan,19991kii mooyee Wax kaloo aan Rasaas ahayn oo lagu jirin ka dego, (Waa Muqdisho’e)

 

Waxan filayaa waxa xildhibaanka u sii nugleeyay inay ka soo yeedhaan hadallo lid ku ah jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland, markii uu Musharaxa ay isku Xisbiga yihiin "UCID" ee Maxamed Rashiid Sheekh Xasan oogta ka qaaday Waxyaabo karaamo dhac ku ah dadka Reer Awdal iyo Qarankaba oo meelo kale laga soo maleegay, isna kusoo dhex tuuray Reer Somaliland isagoo leh "Qurba jooga iyo Aqoonyahanka Reer Awdal ma Aaminsana Somaliland oo ay hoggaankeeda hayaan"

 

Xaqiiqo ahaan haddaanu Xildhibaanku Ujeeddada aan soo sheegnay ka lahayn hadallada dhaawaca iyo kala geynta shacbiga mooyee aan habayaraatee waxa kale soo kordhineyn, inuu fikirka uu qabo qaddiyada raadinteeda usoo bandhigo golaha uu ka tirsan yahay,una soo qaddimo caddeynaheeda si looga doodo oo looga hortago hadii ay caddaato, balse marnaba mid looga fadhiyo ma ahayn Xidhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa inuu kaga farxiyo Cadowga Somaliland waxan jirin, dhinaca kalena ka welwel geliyo shacbigii u dooray inuu ka hawlgalo raadinta iyo halganka qaddiyada gooni- isutaaga ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Tartanka dhexdeena ee ku wajahan doorashada soo fool leh, yaanay xadka innaga tallaabin, hana ku ekaadaan dhaliisha waxqab la’aanta iyo soo bandhig wax-qabasho, sidoo kalena waxa Xaaraan ah in tartankaasi loo adeegsado waxyaabaha dhaawacaya dareenka iyo damiirka shacbigeena karaamada halganka loogu jiro xaqiijinta gooni-isu-taaga Somaliland.

Allaa Mahad Leh,

 

Axmed X. Daahir Cilmi

Be Sociable, Share!
Warning: scandir(): open_basedir restriction in effect. File(/customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/../../../../) is not within the allowed path(s): (/customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www:/customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.private:/customers/b/3/5/saraarnews.com/tmp:/customers/saraarnews.com/saraarnews.com:/var/www/diagnostics:/usr/share/php) in /customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/footer.php on line 10 Warning: scandir(/customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/../../../../): failed to open dir: Operation not permitted in /customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/footer.php on line 10 Warning: scandir(): (errno 1): Operation not permitted in /customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/footer.php on line 10 Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/footer.php on line 12