Ina keen ina keen aaminaay inaabtaynu nahee aaminaay codkii Ibraahin garabyare

Hargeysa(saraarnews) Marba waa dhinace Maantana waxaan idiin saari doonaa hees qaraamkii hore ka mid ah oo uu inoo qaadayo Fanaankii iyo Abwaankii ibraahim Garabyare heesta halku dhigeedu yahay Ina keen ina keen aaminaay inaabtaynu nahee aaminaay, fanaanka heesta qaadaya oo ka mid ahaa ragii caanka ahaa ee hormuudka ka ahaa fanka Djibouti iyo Somaliland labadaba waxaan filayaa inay xusuus gaara idinku reebi doonto hadaba dhegaysi haboon.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Halkan ka akhriso heesta Midhaheeda.

Ina keen ina keen aaminaay
inaabtaynu nahee aaminaay
hayga iga eexaninee aaminaay
 
Ina keen ina keen aaminaay
Iga daa xasadkoo aaminaay
 
ifka waan ka tegoo aaminaay
aakhiraan u dhowee
waad ogsoon tahayooo aaminay
aawadaa u dhintee aaminaay
 
Ina keen ina keen aaminaay
inaabtaynu nahee aaminaay
Iga daa xasadkoo aaminaay
 
aduunkoo idil baan aaminaay
adi kaa arkayaa aaminaay
inaabtaynu nahee aaminaay
 
Ina keen ina keen aaminaay
inaabtaynu nahee aaminaay
Iga daa xasadkoo aaminaay
 
 
adigaan aawadaa aaminaay
anfacowga go’ee aaminaay
inaabtaynu nahee aaminay
iga daa xasadkoo aaminaay
 
Ina keen ina keen aaminaay
inaabtaynu nahee aaminaay
ha iga eexaninee aaminaay
 
axdigaynu lahayn aaminaay
ma ilaawi karee aaminaay
inaabtaynu nahee aaminaay
iga daa xasadkoo aaminaay
 
Ina keen ina keen aaminaay
inaabtaynu nahee aaminaay
ha iga eexaninee aaminaay
 
 
Be Sociable, Share!