Wararka

Xisbiga KULIMIYE Oo Maanta Yeeshay Shir Aad Ay Kaga Hadleen Arrimo Door Ah.

Xisbiga KULIMIYE Oo Maanta Yeeshay Shir Aad Ay Kaga Hadleen Arrimo Door Ah. Hargeysa(Saraarnews) Hogaanka xisbiga KULIMIYE,Xubno ka socda gudiga fulinta,golaha dhexe iyo garabyada haweenka iyo dhalinyarada ayaa manta shir aad u xaasaasi ah ku yeeshay xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE ku leeyahay caasimada Hargeysa kaga dooday arimo doora ah. Shirkan oo uu gudoominayay gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”,isla markaana ay ka soo qayb galeen xubno ka tirsan hogaanka xisbiga oo uu ka mid yahay xoghayaha guud ee xisbiga mudane Keyse xasan,gudoomiye ku-xigeenka afraad ee ee xisbiga C/raxmaan maxamed Talyanle,Murashaxa M/weyne Ku-xigeenka C/raxmaan Seylici iyo xubno kale oo isugui jiray hogaanada xisbiga waxa lagaga dooday arimo door ah. Inkasta oo aanu jirin war rasmi ah oo ka soo baxay shirkaasi hadana nuqul ka mid ah ajandaha shirkaasi lagaga hadlay oo shabakada wararka ee Saraarnews heshay waxa uu u qornaa sidan:- Qodobka 1-aad :- Kulamo aan caadi ahayn A- Kormeer aan caadi ahayn [Drop in Meetings] oo madaxda xisbigu ku kala bixiyaan bulshadu u badantahay,waxaana looga waramayaa dadweynaha halka ay wax marayaan siiba arimaha doorashooyinka. B- Dadweynaha oo la dhegeysto fikirkooda ku aadan arrimaha doorashooyinka iyo sida ay ugu muuqato. C- Maxaa looga baahan yahay xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga si aynu u gaadhno guusha doorashada gaar ahaana dhinaca dhaqaalaha iyo muraaqibiinta. Qodobka 2-aad :- Mudaynta Xilka M/weyne Riyaale. A- Sidee ayey u muuqataa mudada dabada furan ee xilka xukuumada Riyaale. B- Shaqada guddiga iyo qunyar socodka komishanka ee fulinta qododabadii heshiiska lixda qodob ahaa. C- Darar-gelinta hawlaha komishanka iyo xidhiidhka xisbiga ee komishanka iyo Deeq-bixiyayaasha. Qodobka 3-aad :- Kulamo/dodo ay madaxda xisbiga ee gobolada ka furan xarumaha degmooyinka iyo gobolada. A- Shirar aan caadi ahayn ee gobolada iyo degmooyinka. B- Qoraalada/wararka ka soo baxa shirarka xarumaha dhexe loogu diro xarumaha gobolada ee xisbiga si ay ula socdaan heerka ay marayaan hawlaha doorashooyinku.” Shirkaas oo ku dhamaaday jewi is af-garad isla markaana ay ka hadleen xubno doora oo isu jira garabyada xisbiga waxa lagu balamay in maalmaha soo socda ee todobaadkan kulan dambe la isugu yimaado kaas oo lagu wado in go’aamo laga soo saari doono. Dhinaca kale xubno ka tirsan hoogaanka sare ee xisbul-xaakimka UDUB ayaa lagu wadaa inay maalmaha soo socda ku biiraan axsaabta mucaaradka ah kuwaas oo aan si rasmi ah loo shaacin magacyadoodada hadan waxay warar u dhuun daloola ay tibaaxeen inay ka mid yihiin xubno ka tirsan gudiga fulinta ee xisul-xaakimka UDUB,Kuwaasoo la sheegay inay ka biyo diideen siyaasaadada xukuumada M/weyne Riyaale eek u aadan xisbiga UDUB iyo hogaaminta talada dalka. Saraarnews Online Hargeisa

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top