Taliyihii Hawlgelinta booliska gobolka sool oo La khaarajiyey
Laascaanood(saraarnews)Taliyihii Qaybta Booliska ee Gobolka Sool Cismaan Faarax cabdi (suxufi) ayaa la sheegay in caawa fiidkii lagu dilay Gudaha magaalada Laascaanood.Sarkaalkan oo u dhashay Degaankaas Gaar ahaan beesha hayaag ee Dhulbahante ayaa la sheegay inay xasaasiyad ka abuurtay magaaladaas, Weli waxaa soconaya Baadhitaano lagu xaqiijinayo cidii ka danbaysay dilkaas , inkasta oo warar la isla dhex marayaa sheegayaan inay tahay xaalad abuur kale oo ay xukuumadu doonayso in lagu ilaawo ama lagu danbabaso Dilkii Taliyihii Ciidamada qaybta 12,aad Marxuun Cismaan Yuusuf Nuur Ilaahay ha u naxariiste taas oo ay cadaatay inay khaarajintiisa ka danbaysay Xukuumada Riyaale.


