Wararka

Gabar waa jin la ogyahay, Garoob waa Jin lagu kabay, Guumays waa Jamaamure, Cajuuso jinnigay ka walax tahay, Codkii Cali Jareere

Sidaanu idiin balanqaadnay waxaanu idiin soo gubinaynaa heestii cali jareere ee ay ka mid ahaayeen midhaheeda

sadex waa jin la ogyahay

sadex waa jin lagu kabay

sadex waa jamaamudan

sadex jinigay ka walax tahay

 anaga oo sidii aanu balanqaadnay  ku dedaalay inaanu idiin fududayno inaad fahantaan oo qoraal ahaan idiinku diyaarinay hadba halkan ka dhegayso heestaas.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

midhaheeda halkan hoose ka akhriso

daya oo hoo hobeey daya

qaafku waa quraan dhigan

qaadir waa ilaahay

quruxdiyo xumaatada

ninka qaybiyaan ahayn

qabarkayga dhegaysada

intan warka qaafka guda gelin

waxaan soo qadimayaa

inuu dumarku qaali yahay

ninkii qaatayoo qaba

qarihaaya waa qalad.

 

Daya oo hoo hobeey daya

gebertii qumane dhalay

labo qaar u kala taal

afku qalin madoow yahay

qoortu laylin baac tahay

ninka qaali gaystaye

ka qudbaysta liibaan

intuu qawl la keensaday

la quraacday hiiradii

qadadiina u dhiman tahay

qosolkeeda dhegaysaday

qalbi waw fayow yahay

Qado wayga badan yahay

 

Daya oo hoo hobeey daya

weli qodob kalaa dhiman

ninka qurux ku dheelkaa

qaribaaya naagaha

qaawinaaya lama rabo

warku inuu qaboowyahay

ayay qiimo badan ku leedahay

qadafkiyo xumaatada

iyo qasdiyadiyo quursiga

qaylo hiiro lama rabo

waa ku qalindaroowda

qarka waa ku dumisaa

 

 

in qilaafku liid yahay

qof keliyi wax qaban karin

qaar dadoow ma aragteen

iyadoon quraaciyo

qado loo qalqaaliyey

ayoow qamandhuur u yaalaa

qaraabadii timaadana

qambigoow ka hogayaa

qaxwe looma dayi karo

qasaarada ma aragteen

 

Daya oo hoo hobeey daya

qacdii kale waxaan iri

adna qalanjo luuleey

adiga qayrkaagi aa dhiman

hadii lagu qalqaaliyo

qudbo lagugu soo xiro

adigu qaar dumis inaad tahay

iyo inaad qaylo badan tahay

oo qaraabada u daran tahay

qaadirkaan ku dhaartaye

marna kuguma qaarsama

Daya oo hoo hobeey daya

sadex yaa xariiriya

sadex yaa ku daba xira

sadex yayska gawraca

gobta yaa xariiriya

gunta yaa ku daba xira

gumaystaha yayka gawraca

caaqil yaa xiriiriya

caadil yaa ku daba xira

cadow yayska gacraca

diinta yaa xiriiriya

dadka yaa ku daba xira

duleeyaha yayska gawraca

Daya oo hoo hobeey daya

sadex waa jin la ogyahay

sadex waa jin lagu kabay

sadex waa jamaamudan

sadex jinigay ka walax tahay

gobtu waa jin la ogyahay

guntu waa jin lagu kabay

kuuba waa jamaamure

amxaar jinigaw ka walax yahay

geelu waa jin la ogyahay

lodu waa jin lagu kabay

Ari waa jamaamure

dameer jinigaw ka walax yahay

gabar waa jin la ogyahay

garoobi waa jin lagu kabay

guumays waa jamaamure

cajuuso jinigay ka walax tahay

  

Daya oo hoo hobeey daya

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top