Tababaraha Caalamiga ee Jama Aden (Karaciin) oo Guddoomay Billadii Ugu Sareeysay ee La Siiyo Tababare U Dhashay Waddamada Carabta

DUBAI(saraarnews)- Waxaa Maalintii Arbacada lagu qabtay Magaalada Dubai Xaflad weyn oo ay diyaarisay Guddiga Dubai Sports Council oo uu u madax ka yahay The Crown Prince of Dubai, Chairman of the Executive Council for Dubai Government and Chairman of Dubai Sports Council H.H. Sheikh Hamdan Bin Mohammed Bin.

 

Waxaa madashaa aad loo agasimay lagu guddoonsiiyey Tababaraha Caalamiga Coach Jama M. Aden Karaciin Shahaadada ama Billadda ugu Sareeysa ee La siiyo Tababare U dhashay Waddamada Carabta. Waxay Billadani ahayd tii nooceeda ee ugu Horreeysay ee uu goddoome Tababare Carbeed. Waxaa halkaa ka muuqatay sharafta iyo qaddarinta loohayo Tababare Jama, iyadoo aad loogu dheeraaday Guulihii Is daba joogga ahaa ee uu Jama ka soo Hooyey Ciyaarihii Olympics iyo IAAF ee Europe, ama Caalamka Carabtaba.

 

Waxaa Jama kala Qayb galay Xafladdi lagu guddoonsiinayey Billadaa Xaaskiisa Sucad Omer iyo carruurtiisa. Waxaa sidoo kale ka Soo qaybgalay dadweyne Somaliyeed oo aad ula dhacsanaa una soo dhaweeyey guusha lama illaawaanka ee uu Dhaliyey Jama Aden.

 

 Waxaa Tababare Jama uu yahay shaqsi ku caan ah Caalamka Ciyaaraha Fudud. Waxaa uu tababare sare ka noqday labaatankii sannadood ee ina soo dhaafay 9 Waddan oo ay ugu badanyiin U.S.A, Africa iyo Caalamka Carabta.  Waxaa halkaa ka muuqatay in Waddan waliba uu doonayo inuu Jaamac u noqdo tabare. Waddanka England ayaa ahaa kii ugu dambeeyey ee kula loolama Qatar in Jama uu National ugu noqdo, laakiin Jama Ayaa doorbiday Qatar oo ku tilmaamay wadan dhallintiisa firfircoontay.

 Jama Aden oo ah nin reer Somaliland ayaa wuxuu ka dhashay qoys uu hibo ilaah u siiyey ciyaaraha fudud. Waxaa sidoo kale jira walaalkii Ibrahim Aden oo ah nin aad looga yaqaan waddamada U.S.A iyo Europe dhanka orodada dhexe. Waxaa uu imika Ibraahim U wareegay Tababarka Ciyaartoyda caalamiga, wuxuuna ku tabaraa ciyaartoygiisa Cairo, iyo waddamada Europe.

 

 

Be Sociable, Share!

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone