Itoobiya Oo Gacanta ku Dhigtay Xayawaan Duur-Joog ah oo Si Kootarabaan ah loogu soo Tahriibinayay Dalka Somaliland


Addisababa(saraarnews) – Dawladda Itoobiya ayaa gacanta ku dhigtay afar xayawaanada duur-joogta dalkaas oo si qarsoodi ah loogu soo dhoofinayay Somaliland.

, Saraakiisha maamulka dakhliga iyo kastamada ee Itoobiya ayaa sheegay in ay ku wareejiyeen Maamulka daryeelka duur-joogta ee dalkaas afar Harimocad ah, kuwaas oo toddobaadkii hore laga qabtay tuulada Dhambal Arabiya oo ku taalada duleedka magaalada Diridhaba.

Saraakiishu waxa ay sheegeen in afartan Harimacadka ah lagu dhex riday Kartoono lagu dhex qarinayay, isla markaana si qarsoodi ah loogu soo gudbinayay Somaliland.

Saraakiishu ma sheegin in Somaliland laga sii dhoofinayay iyo in kale, laakiin waxa ay caddeeyeen in laba qof oo xayawaanadan watay lagu amray in ay kartoonada furaan kadib markii la maqlay sanqadh ka baxaysa kartoonada gudahooda.

Sida lagu baahiyay Barta Internetka ee http://addisfortune.com Mr. Mihretab Assefa oo ka tirsan ciidamada Booliska ee qaybta Diridhaba, ayaa sheegay in labadan qof ay ka baxsadeen ciidamada oo ay galeen kayn ku dhowayd, laakiin wali ma sheegin in la soo qabtay iyo in kale.

Saraakiishu waxa kale oo ay sheegeen in markii la furay karaatoonta ay ugu tageen shan Harimacad ah, kuwaas oo laba ka mid ahi ay mar horeba bakhtiyeen.

“Ma aha markii ugu horeysay ee maamulku ay qabtaan xayawaano sidan oo kale ah” Sidaa waxa wargeyska The Fortune ee ka soo baxa dalka Itoobiya u sheegay Mihretab Assefa, waxaanu intaa ku daray “Waxa aanu marar horeba qabanay libaaxyo iyo Harimo cad badan oo la dhoofinayo”

Daniel Assefa oo ah khabiir ku takhasusay duurjoogta, ayaa sheegay in Deegaanka Kililka shanaad ee Somalida Itoobiya ay sameeyeen ciidamo u gaar ah ilaalinta duur joogta, kuwaas oo qaaday tallaabooyin lagaga hortagayo dhoofinta sharci darrada ah ee duur-joogta.

Booliska ayaa la sheegay in ay ku hawlan yihiin baadhista dadka ku lugta leh arrimahan, kuwaas oo marka la qabto mutaysan doona ganaax lacageed oo gaadhaya 30,000 lacagta Itoobiya ah.

Harimacadka ayaa lagu iibiyo suuqa madow ayuu warkan oo aanu ka soo xiganay wargeyska The Fortune sheegay in la kala siisto 5,000 dollarka Maraykanka ah, taas oo dhiirigelisa in dad badani ku lug yeeshaan.

Guji Halkan si aad u Booqato Barta Internetka ee Baahisay warkan:

http://addisfortune.com/Tax%20Auth.%20Confiscates%20Cheetah%20Cubs.htm

 

 

Source:  Togaherer

 

 

      
     
Be Sociable, Share!