Jabkii Ugu xumaa oo ku dhacay Kooxdii SSC & ciidamada Somaliland qaybahoodii u horeeyey oo Galay Buuhoodle

Buuhoodle(saraarnews) Ciidamadda Somaliland ayaa jabkii ugu xumaa ee la kulma  Abid gaadhsiiyey Kooxda nabadiidka ee SSC isla markaana gacanta ku dhigay maxaabiis cadadkeedu badan yahay, waxa kale oo la sheegayaa in Ciidamada somaliland  saldhig ay ka degeen Gudaha Magaalada buuhoodle. 

 Dhinaca Buuhoodle Dhimashada soo gaadhay Kooxda SSC ayaa mardhoweyd naloo xaqiijiyey  inay dhan tahay 18 qof,  dhaawaca ayaa isaguna maraya 63 qof oo qaarkood dhaawacooduna halis yahay, waxa naloo xaqiijiyey oo kale in maxaabiis ahaan looga qabtay 32 qof.

Dhinaca kale nin ka tirsan Qoyska Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha ayay Si badheedh ah u dileen kooxda SSC iyagoo ku eedayanay inay is xigaan Masuul somaliland ka Tirsan.

Dhinaca Ciidanka Somaliland ayaa naloo xaqiijiyey inay tahay labo dhimasho ah,  dhaawaca soo gaadhay dhinaca somaliland ayaa naloo xaqiijiyey 3 askari.

Dhamaan Goobihii lagu dagaalamay iyo Goobo badan oo cusub oo fadhiisimo u ahaa Kooxda nabadiidka ah waxaa ku sugan Ciidamada qaranka Somaliland.

Ciidamada Qaranka ayaa amarkii ugu danbeeyey lagu siiyey inay cagta mariyaan Kooxdaasi nabadiidka

la soco wararkii u danbeeyey shabakada 

 

Be Sociable, Share!

41 Responses to Jabkii Ugu xumaa oo ku dhacay Kooxdii SSC & ciidamada Somaliland qaybahoodii u horeeyey oo Galay Buuhoodle

  1. Ahmed Mohamed February 7, 2011 at 11:05 am

     
    Muuse Saaxiib ninna ma jecla in tolkii laga adkaado markay qabiil Vs qabiil tahay. Arrintu  waa dowlad iyo jabhad. Xaajada badhbaa la huwiyaa Huga la saaraaye, waa kugu dhimay oo kaa dhimay. dad isku hayb iyo dhiig ah ayaa labada dhinacba jooga jooga Somalilander iyo Somalilandiid. Reer Buuhoodle labada dhinacba way ku jiraan. markaa waxa ila haboon inaan lagu farxin dhiigga. Xal in la gaadho oo la soo afjaro ayuu ciidanka qaranku ka fursan waayay. 

  2. halyey qaran February 7, 2011 at 1:23 pm

    s/c waar dadka dhimanaya iyo dhaawaca ah uma baahna inamo yar yar oo ka maadaysta ama af labada beelooda ku hadla iyagoo aan weliba aan ahayn beelaha aysheeganayaan.
    illahay dadka abaarta iyo colaada haka jebiyo labadan beelood waligoodba way isdili jireen oo heshiin jireen iminkana sidii unbay ku danbeynaysaa oo heshiis baa laga gaadhi.
    markaa ciyaalkiinan cayda qorayoow joojiya af xumada hadii aad dagaal rabtaana taga meelaha ragu isku hayo nacnac looma baahna iyo fule meelaha ka baalixooftooda e
    saraarnews na waxaan leeyahay warka caadifada ka daa oo wax xaqiiq ah qor hadii kale websiteka is ka xidh waa khasaara e waayo nin weynoo been qoray wax ka xumi ma jiro.

  3. gedlabka isaaq February 7, 2011 at 1:29 pm

    asxaabtu waay salamantahay
     waar maxaa ku dhacay libaax yadi ssc ee ayna rag is arag ee la ordayaay ak  ee islaha cidanka qaranka ayaadun wax ka qadidonta waar joogso ayaa laga waayay wax kaguro jaabka kudhacay ssc

  4. ghg February 7, 2011 at 1:44 pm

    warku waa cadaan doonaa ilaa galabta markaa qoluuunbaa aamusi doonta ' lakin raga qaarkii ha iska ilaaliyan inay sida dumarka u hadlaan

  5. Gujiz February 7, 2011 at 2:57 pm

    maydaan bbc-somali dhegaysaan waar saaka salaadi ba lala kacaay somaliland diidki ku adeegta magacyada qabiilka umada haradaay.
    waxa la yaab lehe dadkaan markay website ka qoryaan waa bun buniyaan xogagaa hebla iyo hebeel markay idacadaha ka hadlayanaa shicib xoola dhaqataa ah ba la xasuusaqay ba yidhadaan dagalka noocan ah wa maxay?

  6. warsame February 7, 2011 at 3:03 pm

    Waar ilayn futo-xun beenta kama xishooto Ciidamada qaranku  waa kuwee ma kuwii saaka salaadii lagu Luq-Luqday.adeer hadaad qaran sheegataan iyo hadaad qabiil sheegataaba rag is hayee.Walee nimakii madmadoobayaal dhibaaxo kulubaa ka dahcaday.Wax kale oo iidiinyaalaa majiree Futaoa Siil-Laayo ha idin Qaado

  7. faarah February 7, 2011 at 4:06 pm

    anigu ku farxi maayo dad muslimiin ah oo isl laayay oo qaa lalaayay lkn waxaan layaabanahay ragan ku dagaalamaya magaca reerka ee laga kari la’yahay waar nabada inoo ilaaliya. mana fiicna in reer lagu sheego
    dhalniyaradana waxaan u sheegi lahaa inay qabyaalada faraha kalbaxaaan taas oo lgaranayo inaanay cidna u wacnayn
    waanad salaamantihiin

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone