43 Maxaabiis SSC oo ay ku jiraan labo wiil oo dalbac dhalay, Ciidamadda Qaranka oo ku sugan Kaantaroolka Buuhoodle
Buuhoodle(saraarnews) Ciidamada qaranka Somaliland ee jiidaa deegaanka Buuhoodle ayaa jabiyay kooxda nabad diidka ah ee qalalaasaha ka wada deegaanadaasi oo saaka soo weeraray saddex fadhiisan oo ay degan yihiin Ciidammadda qaranku, waxana la sheegay inay imika ku sugan yihiin koontaroolka magaalada Buuhoodle
Sida uu waxa sheegay Afhayeen u hadlay ciidanka oo la yidhaahdo Xasan Cabdi Yuusuf oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaarada Warfaafinta wuxuu ku eedeeyay kooxdaasi nabad diidka ahi inay soo weerareen ciidanka qaranka waxaanu yidhi “Abaaro 5:30 subaxnimo ayay kooxda nabad diidka ahi soo weerareen ciidanka qaranka laba fadhiisin oo ay degan yihiin waxaan idiin sheegayaa in lagu jabiyay maleeshiyaddii dagaalka soo qaaday waxaanu ka qabanay 2 Baabuur oo tikniko waa la iskala tagay Hagoogle iyo maygaagle waxay Ciidanka qaranku hadda marayaan duleedka magaalada Buuhoodle.”
“Waxa kale oo aanu qabanay 20 maxbuus oo uu ku jiro laba wiil oo uu dhalay ninka la yidhaahdo dhalbac ee dhawaan la goostay sadex baabuur oo tikniko ah oo uu markii hore ka soo soo goostay Puntland,”ayuu yidhi Afhayeenka u hadlayay ciidanka qaranku waxaanu ku dooday inaanay jirin dhimasho ah oo soo gaadhay ciidanka qaranka.
Inkasta Oo afhayeenku sheegay tiradaas hadana warar madaxbanaan oo degaankaa ka imanayaa sheegayaan in tirada Maxaabiista ee la qabtay tahay 43 Xubnood iyo 4 gaadiidka dagaalka ah.
Sidoo kale, Agaasimaha Guud ee wasaarada Warfaafinta iyo wacyi-gelinta Somaliland Md. Faysal Cali Sheekh, oo ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa ammaan u soo jeediyay ciidanka qaranka oo uu ku bogaadiyay geesinimada iyo tallaabooyinka ay ka qaadeen kooxda nabad diidka ah ee soo weerartay.
Md. Faysal Cali Sheekh wuxuu intaasi ku daray in ciidamada qaranku aanay wax dhibaato ah u geysanayn dadweynaha ku dhaqan jiidaha ay dagaaladdu ku dhex marayaan ciidamada qaranka iyo kooxaha nabad diidka ah.
Dhinaca kale, Agaasimaha guud waxa uu sheegay inay dhawr askari ka dhaawacmeen ciidanka qaranka, hase yeeshee aanu jirin cid dagaalkaasi ku dhinteen.
Goob joogeyaal ku sugan magaalada Buuhoodle, ayaa sheegay in la geeyay magaaladaasi dhaawac farabadan qaar kalena la soo wado.
wararka ugu danbeeyey waxaanu idiin soo gudbin doonaa dhowaan





alaahu akbaar lakiin maxa kuwan maxabista lagu sheegayo halkooda loogu toogan wayaay ilaay dagaal ma yaaqanaan oo markiba gacmaha ayay taagane maxay ka soo lugaaynyaan tolow.kkkkkkkkkkkkkkk
Ninka is dhiiba in la dilo maaha, waayo waa nin aan dagaal diyaar u ahayn ee la soo qasbay, dadkuna haday daris yihiiin waa in la ilaaliyaa maxaabiista wixii xumaan iyo cadaawad keenayana la iska ilaaliyaa . Nabadiid iyo deris wanaag diid xagga ilaahay ayuu ka jabayaa .
waar saaka way tustay ina kaahin waar miyaanay ogayn in inakaahin yahay ninkii bad baadiyay 1991 uucararay abo hood siyaadbare walee haduu idiin soo jeesto meelaad marteen laidin arki maayo habaarka waxba haysku dalinaian
IIDOOR BEENTA MIRQAANKA IYO SAKHRAANKA HA ISUGU SHEEKEEYEEN.
IDINKAA AABIHIIN AHAA HABAR IYO GAALO.
warya snm ti waxw alba wey isugu sheekeyen Adeer ninki dhoof ku yimi bay geridu dhibaysa langab xunba tahay malinti hoorena dhimashadadu 70 kor wey u dhafaysay Mantana Meydki Ina Kaahin Futo Xuma waa Adiga Jiitay Snm Fuck Damn shit Landhere Dhulbahante ah Darawish England banw asay mise waa Isaaq Xun xun
Idinku beenta isugu jiiibiya, xaqiiqaduse waa caddahay.
Hadalkana lama badiyo waayo nuxurkaa ka taga, waxaase cad in dad badan ay afka uga hadhay.
Shabakadaha reer muqdishana soo arkaye xilliyadii dagaalankoodee, wali ima soo marin dad si marin habowsan wax uga qora dhacdooyinka aan laga been sheegi karin.
Waxay ahayd isla shabakaddan markay qortay bishan todobadeedii in ciidamada SNM galeen buuhoodle.
halkan ka akhri adiguba;
http://saraarnews.com/?p=5667
waxay su'aashu tahay, miyaydaan beenta iska qaban?
Yaase rumeysan kara wax kasta oo aad qortaan.
Waxaan ku dhammeynayaa, idinku amba isu jiibiya, amba baroorta, amba jeesjeesa, amba reero caaya, war jiraaba cakaaruu iman
War waa yaabe nimankan shabakaddan qoraayi ma hal il bay wax ku arkaan.
Waxaan u egtahay in ay habeenkii oo dhan qayilaan, oo intay cabbaan cirka galaan, dabadeedna wax iska qoraan.
Anigu waanba ku maadeystaa waxyaabaha ay qoraan, waxaad mooddaa in juxaa u qoray ama maxamed Al-saxaafkii saddam.
Kuwa ku beer qabowsanaya beenta meeshan lagu qoroow, bal shabakadihiina kale eega oo barbar dhiga waxay nimkan cabsani iska qoraan.