Suugaanta

Heestan Halxidhaalaha hore ma u Dhuuxday codkii Cumar dhuule (AHUN) iyo Maryan mursal

Hargeysa(saraarnews)Maanta waxaan idiin dooray hees hal xidhaale ah oo uu sameeyey Abwaankii weynaa Xuseen Aw Faarax Dubad(AHUN), codkoodiina ay inagu soo gaadhsiinayaan Fanaankii Cumar dhuule Cali (AHUN) iyo Fanaanada Maryan Mursal Ciise, heesta waxad ka dheehan karaysaa milgihii iyo hanaan asluubeedkii loo samayn jiray heesihii hore , waxa kale oo kuu soo baxaya sidii loogu miidaan deyi jiray ujeedooyinka ay xambaarsan tahay iyo abaartooda. hadaba halkan ka dhegayso heesta

 

 

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Heesta Erayadeeda waa sidan:

Dhuule:

Hadal kaa da’ weynoo
Lagu doodi karo iyo
Oo dawo aan ku leeyee
Dahaboow u fiirsoo

Dhulka waxaan usoo degin
Cirkana daaro ku laheyn
Ee duula ii sheeg ?

Maryan
dhulka waxaan usoo dagan
cirkana daaro ku laheyn
ee duula sheegaye

Anaad igu dayaysaye

Fiidmeerta weeyaan

Hadal kaa da’ weynood
Dib u baadi doontaa
Waa xeerka dunidee
Deyroo u fiirso

Cudurkii ku doorshee
Dadkuu helana aan dilin
Dawo yeelan ii sheeg?

Dhuule
Cudurkii ku doorshee
Dadkuu helana aan dilin
Dawa yeelan sheegaye

Adba kaama daahnee

Doqoniimo weeyaan

Waa iga digniinoo
Waa iga dardaaranee
Dabuubtaan ku leeyahay
Dahabooy u fiirsoo

Waxa socodka diinka leh
Dabeyshana ka orod badan
Een daalin iisheeg?

Maryan
Waxa socodka diinka leh
Dabeyshana ka orod badan
Een daalin sheegaye

Diintay ku taalee

Dayaxeena weeyaan

Dabarka iyo hogaankiyo
Dabaal joogto weeyaan
Waxaa la isku dagayee
Deyroow u fiirsoo

Waxa dugaaga raaco
Dibadana u hoydo
Dad la moodo ii sheeg?

Dhuule

Waxa dugaaga raaco
Dibadana u hoydo
Dad la moodo sheegaye

Diir igama saaree

Daayeerka weeyaan

Wixii daacad loo yahay
Ee lagu dadaalo
Wixii lagu dadaalo
Ee daacad loo yahay
Dariiq looma waayee
Dahabooy u fiirso

Xidigahan dusheena
Middaan uga dan leeyahee
Doonaayo ii sheeg
Doonaayo ii sheeg?

Maryan
Xidigahan dusheena
Middaan uga dan leeyee
Doonaayo sheegee

Calankeena doogaa (somaliland)

Waa taa ku daabacan

Daruur soo hillaacdiyo
Roob xalayto da’aybaan
Degdeg ugu riyoodee
Deyroow u fiirso

Qof dibiro la jiifo
Gaajana la daaco
Diidaaya ii sheeg?

Dhuule

Qof dibbiro la jiifo
Gaajana la daaco
diidaaya sheegee

Dembi kaama haystee

Waa dumarka uurka leh

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top