Abaabul ka saarku muxuu Yahay? By Jaamac Cali Muuse

Waa salaamanyahay dadkaaygu meel kastaay jogaan, wixii kula kulma ee yaab kugu kenaaba wixii kale ka daran, waxaa habeen dhaweeyd mediaha Somaliland igaga soo baxday Af-soomaali malaha dadkii sheegayay aay wax aad muhiima ku sheegayeen balse aniga Af-Soomaali ahaan aan  fahmi kari waayay, anigoo weliba ah qof isu haaystaa inuu soomaaliga meel wacan ka gaadhay murtidiisana wax ka qora ayaan haba yaraatee—as af-somaali ahaan iyo af—Siyaasad ahaanba meel aan u saara garan waayay waxaay Af-Somaali looga jeedo, kasoo ahaa  Abaabul ka saarka Qaranka—waa maxay waxani? Waa sharci maxay quseeya? muxuu yahayse? Kelmadu ma sentence dhanbaa??Ma XIGMAD ahaan ama Grammer ahaan ayaa wax ka maqan yihiin, ma af-qalaad oo Soomaali lagu turjumaa, sida My Shop was stand Up—Dukaankaaygii wuu kacay???Yaabka yaabkii aniga oo isla yaabsan ayaan Af-Soomaaligan weydiiyay 2ba nin oo midna 2ba buug qoray midna hal buug oo Af-Soomali ah qoray waxaayna labaduba igu qanciyeen inaanu waxani ahaayn Af-Soomaali dhan. Hadaba waxaan dhamaan mediaha iyo dadka wax qora ka codsanayaa inaay waxaay turjumayaan ku turjumaan af-Soomaali la garanaayo oo dadku fahmaayo.

Waayo? waxaad wax u qortaan ama dadka aad soo gaadhsisaan fariin hadii fariintaa waxaad u jedaan la fahmi waayana mishkiladeeda ayaay leedahay? Af-Soomaaligu waa mergi waxa waxa looga jeedo waa la mutuhin karaa balse waxaa muhiim inaay ummadaad wax u qoraaysaan waxaad qoraysaaan  dadku fahmo, Qaadina amaba isticmaalin  Kelmed ama sentence khaldan oo cidaan garanaayni soo qortay ama markii u horeeysay saas u jiheeysay, waa muhiim in waxan loo jeedo la fahmo, waxanan ummada ka codasnayaa Medieaha iyo dadkaayga caadiga ahba inaay iga caawiyaan waxa looga jeedo isbaabulka qaranka?? iga caawi bal? umadani hada wixii la doona la qoraa waxbana laayskama weeydiiyo? waxaan indhahaayga ku arkay London warqad yaroo local govermentska xaafadaha loo turjumay oo lagu qoray, hadaad tihiin Dumarka dhali doona? Nin ilaacad ka hadlayaa oo leh—Geelii oo macaa nikoodii la socdo, nin Heesaya oo ku qaadaya haduu caawa igu yidhi badda cagaha geliyoo soo xidho cunaabiga? Runtii dadkani waa iga yaabiyeen mise anaaba khaldan. Hadii waxani sharci yahay muxuu yahay waxa abaabulka laga saarayaa, ma dhulkaa, ma dadkaa,? ma duur joogtaa??? wuxu haduu xeeryahay miyaanay ahaayn inuu clear noqdo sida Xeerka waxaa iyo waxaa, xeerka saxafada, xeerka kala xidhka iyo xadaaynta Degmooyinka, Xeerka ciqaabta ect.war bal af-soomaaligan iga soo caawiya.

Salaamad

Jaamac Cali Muuse

London

 

Be Sociable, Share!

2 Responses to Abaabul ka saarku muxuu Yahay? By Jaamac Cali Muuse

  1. Dirane March 4, 2011 at 9:01 pm

    Jaamacow ilaa shalay baan isweydiineyey macnaha magacan iyo masuuliyadda hay'addan, cilladdu waa maahaha guurtida iyo gleyaaha e waa saxaafadda oo aan haba yaraatee fahansanayn hawsha saxafigu waxa ay tahay. 
     
    Mawduuca inay sharrax ka bixiyaan weeyi inta aanay bal ansixintiisa ka hadal illeen way muuqataa inay hay'ad cusub tahay oo aan hore u jirin mar haddii iminkuun la ansixinayo e

  2. Mohamed March 5, 2011 at 4:21 am

    Abaabul ka saarku waa " Demobilisation".
    Waxaa jirta haayadana la yidhaahdo" National Demobolisation Commission", Waana haayad qaabilsan dib ugu soo celinta bulshada dadkii dagaalalada ka qayb qaatay ee raba inaay shicib dib u noqdaa. Waa barnaamija la yidhaahdo Disarmamanent,Demobilisation and Reintegration.
    Markaa sharcigii habayn lahaa arimahaas ayaa la ansaxiyay