Wararka

Siyaasiyiin Dhulbahante ah iyo Masuuliyiin ka socda Somaliland oo la filayo inay dhawaan ku kulmaan Ingiriiska iyo Kooxo Nabad diid ah oo Raba inay Carqaladeeyaan

London (Saraarnews)-Siyaasiyiin waaweyn oo  ka soo jeeda Gobolada  Sool iyo Buuhoodle ayaa la sheegay inay dhawaan kula shiri doonaan  wadanka Ingiriiska Dawlada Somaliland si ay ugala hadlaan arimo la xidhiidha Siyaasada Xukuumada ee ku aadan Gobolada Sool iyo Buuhoodle iyo sidii loo xalin lahaa Xaaladaha  hada ka oogan Goboladaasi, uguna soo laaban lahaayeen Siyaasiyiintaasi Somaliland oo wakhti dheer ka hor  ay ka googoosteen.

Siyaasintan oo uu ka mid yahay Siyaasiga weyn ee Cali Khaliif Galaydh dhawaana la sheegay inay Somaliland ku soo fool leeyihiin, ayaa la sheegay inay  doonayaan marka hore intaanay dalka ku soo laaban inay dhinaca dawlada kala hadlaan waxa loogu talo galay ee Dawlada la siinayo iyo qorshaha Xukuumadan ee ku aadan Gobolada ay ka soo jeedaan.

Shirkan la sheegay in uu dhex mari doono  Xukuumadda  Somaliland iyo Siyaasiyiinta ka soo jeeda Goboolada Sool iyo Buuhoodle oo aan la sheegin xiliga la qabanayo iyo cida Xukuumaadda uga qayb galaysa waxa walaac weyn ka muujiyey Kooxaha Nabad diidka ah ee ka soo jeeda Goboladaasi, isla markaana ay isku beesha yihiin Siyaasiyiintan,kuwaasoo sida la sheegay ku hawolan sidii ay  u carqaladayn lahaayeen shirkaasi dhex mari doona Xukuumadda Somaliland iyo Siyaasiyiinta ay isku haybta yihiin.

Kooxan la sheegay inay si weyn uga soo horjeedaan shirkaasi, ayaa lagu soo waramayaa inay isku dayayaan sidii ay dawlada Igiriiska ugu gudbin lahaayeen dacwad ka dhab ah Somnaliland,iyaga oo ku  eedaynaya inay Deegaamada ay ka soo jeedaan Ciimadamada Somalilan Xasuuq ka gaysteen,kuna laayeen dad aan waxba galabsan la iska laayay, taasoo sida la sheegay carqaladooda fure ay uga dhigayaan.

Warku waxa uu intaasi ku daray in Kooxdani ka hor inta aanu kulmin Siyaasityiintan iyo Dawlada Somaliland ay doonayaan inay la kulmaan siyaasiyiinta uga dhaadhiciyaan fikrado ay wataan oo ay kaga soo horjeedaan Somaliland si uu u burburo shirkaasi.

Siyaasiyiinta Somaliland kala shiraya hada sidii ay ugu soo laaban lahaayeen  dhawr iyo toban sano ka dib oo ay ka mid yihiin Saleebaan Waji Xaad oo MR Waji xaad,Baashe Cali Jamac oo ay isku jifo hoose yahiin, Prof:Cali Khaliif Galaydh  oo ka mid ahaa musharaxiintii 1993 u tartamayey jagada madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo rag kale oo siyaasiyiin ah ayaa hore loo sheegay inay ku soo jeedaan dhinaca Somaliland wakhtigan, isla markaana wada hadalo la gelayaan dawlada Somaliland  oo ay  muddo badan mabdi’iyan ka soo horjeedeen.

 

Source:  Waaheen

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top