Mucaaradka Djibouti oo ka hadlay Aragtidooda Somaliland

Djibouti(saraarnews)- Tartanka Ololaha Doorashada Madaxtinimo ee dalka Djibouti oo dhawaan bilaabmay ayaa Madaxweyne Geelle oo jagadda madaxtinimo u taagan markii saddexaad mudo lix sannadood ah, waxa kula tartamaya Musharraxa keliya ee aan ka tirsanayn xisbina-ba, kaasoo si madaxbanaan isugu soo taagay doorashada, ka dib markii ay axsaabta mucaaradka ahi qaadaceen inay ka qaybgalaan ololaha doorashada madaxweynenimo ee dalkaas.

 

Masuuliyiinta mucaaradka oo shalay dadweyne ugu khudbadaynayay mid ka mid ah xaafaddaha magaalada Jabuuti, ayaa qaarkood ay ku weerareen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle inaanu tusaale u soo qabsan karin Somaliland, marka laga hadlayo dhanka amaanka iyo nabadgelyada. Balse, ay ka haboon tahay inuu kaga daydo dimuquraadiyada, taasoo ay tilmaamayeen inaanay gaadhi karin Djibouti. “Ha arko Somaliland halkay taagan tahay, taas ayaa amaan iyo nabadgelyo taalaa (isbedelkii siyaasadeed ee ka dhacay doorashadii madaxtooyada ka dib).” Sidaa waxa yidhi mid ka mid odayaasha taageersan mid ka mid ah mucaaradka. “Waxaan leenahay, anagu maanta wixii ka dambeeya waxay qabsadeen awgii, waabanu aqoonsanaynaa. Waa inaan ka hadalo Somaliland iyo waxay qabsatay….amaan baananu u haynaa.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay, isaga oo ugu duur-xulayay Mr Geelle inaanu taageerada Somaliland gaar u haysanin. “Wuxuu yidhi (Madaxweynaha Djibouti), amaan iyo nabadgelyaa ka jirta Djibouti, xaguu yaalaa? Haduu sheegayo amaankiyo nabadgelyada, waxaan leenahay ha eego Somaliland oo aan la aqoonsanayn, amaankeeda iyo siday nabadgelyada u tahay iyo horumarkay gaadhay.” Ayuu yidhi. “Walaalayaal, waa laydin soo diray buu (Madaxweynaha Djibouti) yidhaahdaa, dee ma xoolaa tihiin markaa? Waar dad la dirayaa ma jiraan baanu leenahay, walaalayaal, ma maskaxdiinaa la rogayaa, waxaan leenahay maskaxdiina ka shaqaysiiya oo ka tashada.” Ayuu sidoo kale hadalkiisii raaciyay xubintaasi.

Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle oo isagu ololihiisa doorashada sii-watay, ayaa shalay dadweyne isugu soo baxay goob fagaare ah, waxa uu ugu ballanqaaday in hadii la doorto uu horumarka halkiisii ka sii wadayo, isla markaana kobcinta horumarka la gaadhsiin doono guud ahaan dalka. “Hadii la yidhaahdo waddanku waa magaalo keliya, waa guuldarro, hase ahaatee, waa inaan dalkeena qorshaysano.” Ayuu yidhi Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Isaga oo ka hadlayay dhanka shaqooyinka iyo horumarka dadka iyo kuwo uu ku tilmaamay inay iyagu dhalinyarada adeegsanayaan, waxa uu yidhi, “Shaqo-xumo ma jirto ee dad-xumaa jirta….waxaan doonaynaa dad tayo leh oo nabda ilaaliya. Dadku waa inay iska diidaan kuwa soo diraya ee dabada ka soo riixaya ee odhanaya ‘ordaya wax soo kharbuda’ sidaas weeye. Dhalinyarow dalkan idinkaa leh, anagu waa ka gabownay aan wada ilaashano.”

 

Ogaal

Be Sociable, Share!

One Response to Mucaaradka Djibouti oo ka hadlay Aragtidooda Somaliland

  1. Maxaamad Cali March 29, 2011 at 6:32 am

    Warku waa cad yahay, waa in aynu taageernaa mucaaradka, iyagaa inooga dhow ninkan caloosha wayn leh, waxa laga yaabaa in ay ina ictiraafaan, siiba ninka kaliya ee la tartamaya oo ah in Cawaale. Wixii dadkeen jabuuti degan ee ah muwaadiniin reer Jabouti uugu rida foodka Ina cawaale isagaa boqolkiiba boqol inoo dhaama Ina geele, Ina geele waa nin nacas ah oo indhaha inaga lalinaya oo ina diidan oo doonaya Soomaliya iyo in ay Somaliland ku noqoto gumaysigii ay ka soo baxday  ee ay iska xoraysay . Isagoo Ina geele cadaawadaa intaa leeg inoo qaba ayaa hadana dumarkeena baartiyo u sameeyaan ay ku taageerayaan, taasi waa la yaab, anaku hadaanu somaliland nahay ma doonayno Ina cumar geele waxaanu doonaynaa ninkaa balan qaaday in uu ina ictiraafayo hadii uu guulaysto  (Ilaahay guusha ha siiyo waayo wuxuu la tartama keligii taliye bilaa akhlaaq ah oo xigto iyo jaarnimo midna tix galin) .

Warning: scandir(): open_basedir restriction in effect. File(/customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/../../../../) is not within the allowed path(s): (/customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www:/customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.private:/customers/b/3/5/saraarnews.com/tmp:/customers/saraarnews.com/saraarnews.com:/var/www/diagnostics:/usr/share/php) in /customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/footer.php on line 10 Warning: scandir(/customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/../../../../): failed to open dir: Operation not permitted in /customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/footer.php on line 10 Warning: scandir(): (errno 1): Operation not permitted in /customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/footer.php on line 10 Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/footer.php on line 12