Tiro Koobka Ka Dhacaya Uk Oo Markii Ugu Horaysay Lagu Kala Saarayo Reer Somaliland Iyo Somalia

London(saraarnews)-Tiro-koobka dalka UK ka dhacaya badhtamaha bisha April 2011-ka ee lagu sameeyay dadka Ajaanibka ah ee dalkaasi ku dhaqan ayaa la sheegay in markii ugu horaysay Bulsahada ku dhaqan dalkaasi ee Soomaalida, in Diiwaangelintooda loo kala saari doono Somaliland iyo Somalia.

Diiwaangelintan lagu kala saarayo Bulshada Somaliland iyo Somalia ka soo kala jeeda ee dalka Ingiriiska gobolladiisa kala duwan ayaa lagu macneeyay, in Bulshada Somaliland ay leedahay Dawlad iyo maamul u dhisan oo loo tixraaco, halka Bulshada ka soo jeeda Somalia- ee Colaaduhu ka taagan yhiin ay tibaaxuhu sheegeen, in Dawlada Ingiriisku ay u wayday Dawlad iyo maamul ka dhisan Somalia oo ay kala xidhiidho, taas darteed-na ay go’aansadeen in Somaliland iyo Somalia ay laba dal u kala saaraan, isla markaana ay ku kala Diiwaangalinayaan laba Aqoonsi oo u kala gaar ah oo ku kala suntan Somaliland iyo Somalia.

 

Talaabada ay Dawlada Ingiriisku markii ugu horaysay ku kala saarayso Tirikoobka bisha April 2011-ka dhacaya dalkaasi oo markii ugu horaysay Shacbiga reer Somaliland ee dalkaasi ku dhaqan la siinayo Aqoonsi u gaar ah madaxbanaanida Somaliland ayaa muujinaysa in Dawlada UK ay soo jiidatay horumarka dawladnimo ee Somaliland ay ku talaabsatay muddadii ay jirtay. 

 

Haatuf

Be Sociable, Share!
© 2015: SARAARNEWS, All Rights Reserved | green Theme by: D5 Creation | Powered by: WordPress