Mucjiso: Nin Naag Jin ah Guursaday 1948-kii caruur 14 ahna ka dhalay oo ka sheekaynaya
Hargeysa(saraarnews) Xasan Olol ayaa sanadkii 1948 guursaday Naag jin ah oo la odhan jiray Aamina suldaan oo 7 caruur ah isku mar u dhashay mar kasta oo ay umushoba, qisadan oo ah mid mucjiso ah, sida meherku u dhacayo,sida aroosku u dhacayo iyo sidii aabbaheed u siiyey oo shan halkan baad ka daawan doontaa , uma baahna inaan kuu fasiro daawasho wanaagsan:




Odaygan khalkhalay ee kala garan ra', runta iyo riyada ee bussaraddu waashay. Allaylehe abtiyaashii buu ku riday oo yidhi Jib bay ahaayeen oo qolodoodu ahayd, illeen xilligaa uu ka hadlayo, ninka 15-jirsadaa wuxuu ahaa qof isu dhamays tiran, dadka iyo haybtooduna tacliinta kaliye ee qofku ka soo baxo ayay ahayd.
Malaa, inuu buuraha macdan ka baadho ayuu doonayaa, xitaa inoomuu sheegin waxa uu qaban jirey marka jinku ka dareero, ee ay maalintii hawlahooda qabanayaa. Isagu miyuu uun hurdi jirey, midda kale muddadaa uu buuraha ku jirey miyaa cidba is arkin illeen waxa uu inoogu sheekeeyey inay naagtu sagaal billood qaadaysey, Muxuu farsamo ah ka soo bartay muddada uu inoo sheegay oo noqonaysa illaa saddex sano ee uu Jinka la deganaa.
Odayga, dhakhtarka ha la geeyo, wuu bukaaye. Midda kale Illaahay dambi dhaaf ha weydiisto, isagoo guursaday buu hadana inagu yidhi waan tuban jirey.
Odaygani waa la yaqaan waa dhulbahante isaga iyo diiriye baalbaalka uu ka sheekaynayaa, odygan Xasan Olol Waa Naaleeye Axmed, waxaan BBC ka dhegaystay 1982-kii
fekerka wiil ssc baan la qabaa waayo waxaad ka dareemaysaa khal-khal odayga ku jira iyo sheeko u eeg film, waa wuu jirey nin bbc-da ka hadlay berri hore, markaa ma isku hal ninbaa mise waa kala laba nin?
waan ka maqlay barigaa bbcda laakiin yaa huba inuu isagii yahay iyo inuu mid kale yahay
sheekdani waa sheeko aan maqlay waa hore inkasta oo runteeda iyo beenteeda midna aanan wax ka sheegi karaynin hadana waa sheeko layaable
waxan ku sheegaya inaan habarjeclo iyo jinku isguursan
ee cida ku cadahay ee ka sheekaynasa ha ku ekaato
kkkkkk. horta waa layaab lkn waxaan xusuustaa sanadkii 2002 gii anagoo joogno magaaladad BERBERA ayaa nin la odhan jiray XASAN ADUUNYO oo reer berbera ahaa markaa, wuxuu ka sheekeeyay qiso isaga iyo naag jin ah dhexmartay waxyaabihii uu naaga sheegay waxaa ka mid ahaa maalin ayay guureen maan daama ay ahayeen dad xoolo dhaqato ah jin ah kadib reer kii ayaa degiba waayey markaas ayaan ku idhi naa miyay naa degaynba waxay iigu jawaabtay naagtii jinka ahayd waar hadaanu guurno madegno!!! yacni waa wax dhici kara balse khatar ah ilaahay ha ianaga hayee