Dhiigshiil ha dhigan Codkii Saado Cali warsame
Nayroobi(saraarnews) Ma kula fiican tahay Fanaanad ka mid ah kuwii loogu hanweynaa Fanaaniintii Qaranka Soomaalida inuu hal mar sidaasoo kale Karaamadiisa Dhulka ugu dhufto isagoo waxa kelifayaa yihiin Qabiilka uu u dhashay inuu difaaco oo keliya.
Bal ka dhiibo fikrada aad ka qabto waxa kelifay in Fanaanadani Maryaha Madaxa ku duubato oo Qabiilooyin dhan oo sheekh iyo shariif leh ku labo laxaadsato Aflagaadada ay u geysanayso.
Fanaanadani waxay imika dhawr cod oo kala duwan ku qaaday Heestan aan halka soo gelinay oo mar uu sheegtay inuu sameeyey Daahir Calasow, marna uu sheegtay nin kale oo la yidhaaho Cali Rooble imikadana Saado cali tidhi Anigaaba Sameeyey.
Inkasta oo aan shirkada Dahabshiil la odhanin Dhiigshiil hadana ujeedada ugu balaadhani waxay ka tahay inay itaalka isku daydo inay waxyeelo u geysan karto.




Waaryaa webmaster,
Inaadeer maxaa kugu dhacay? waar waxan meesha ka saar, sawtii la yidhi wax wacan ku hadla ama iska aamusa. Tan oo kale aamuskaa iyo ignore-garayntaa lagaga badiyaa illeen haddii aad hadal la waddo waa intay rabaane.
Please ka delete garee oo waxan dadkeenna hagaasan ka hor qaad.
Mahadsanid,
Waar inaadeer please waxan ka saar meesha munaasib maahee. saw innagan dacaayaddii ssc inakii fidinnay
Hora loo yidhi Ilaahay dulbadanaa miyaanay ogayn in qofwalba suaali utaalo ilaahay hortiisa xaasidku ilaahay hortiisa waxwnaagsan kuma laha
iminka mubaarak ma ka raallibaa waxan ay ku hadlayso habarta waalani
illeen waa kan daaqadda hore soo dhigtaye
yaaaaaaaaaaaaaaaaaab
Wallee waa yaab iminka ninkaas ilaahay wax siiyey ma waxa lagu caayayaa ee lagu dagaalayaa
muxuu ilaahay wax kuu siiyey ilaahay hallaga cabsado oo xaasidnimada iyo risiqmaanacnimada halla iska daaayo
Ta kale mubarak qoorubaxay isagaaba shaqaale ka ahaa wakhtigii uu dalka joogay ee muxuu dacaaayadaha Dahabshiil ka dhanka ah u fidinayaa
Mise webka ayuu xayeysiin soo gashan waayey oo adna hunguri ayaa caydiisa kuu geeyey
yaaaaaaaaaaab
xaasidku ma aflaxo, ilaahay baa dahabshiil wax siiyay ee orodoo ilaahay la dagaalan, walaalayaal waxan wajigeeda naga qariya Please .
Habartan waalan nama metasho ee cid kale ceebta iyo calool xanuunka la doono ku dhaha. Tolow, ma cid baa kaam odhan weydey. Yaa yidhaah; naa aakhurul cimri baad joogtaa Eebbe u toobad keen oo isawalaaqa iyo afxumada iska daa.