Dabacaada Lacagta Cusub Maxay Ka Tari-Kartaa Sixir Bararka Baahsan ee Ka Jira Somaliland (Hoos U Dhaca Doolarka Iyo Kor U Kaca Miciishadu)

Dabacaada Lacagta Cusub Maxay Ka Tari-Kartaa Sixir Bararka Baahsan ee Ka Jira Somaliland (Hoos U Dhaca Doolarka Iyo Kor U Kaca Miciishada) ???
 Qaybtii 1aad…….,

Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi
Marka hore waxaan halkan ka salamayaa dhamaan shaqaalaha mareegaha saxaafada Somaliland meelkastoo ay joogaan

Salaan ka dib, inkastoo ay jiraan dad badan cilmi ahaan dhinaca dhaqaalaha si gaara ugu takhasusay,isla-markaana takhasus dheer u leh  igagana aqoon badan ,ayaan hadana doonayaa inaan anigu rayigayga ku cabiro, lacagta cusub ee la soo daabacayo iyo waxa ay ku soo kordhin-karto wadankeena.
  Waxaan la soconaa in ay Cabooshiyin badan ay baryehan ka soo yeedhayeen dadweynaha Somaliland,taas oo la xidhiidha meecashada ama qiimaha dollarka oo ganacsatada iyo sariflayaashu sida ay doonaan ka yeelayaan, Taasina ay saamayn weyn ku yeelatay noloshii bulshada, Waxaana haboonayd  in laga wada shaqeeyo sidii wax looga qaban lahaa dhibaatan waxyeelaysay noloshii dadka isla markaana wax looga bedeli lahaa qiimahan sarifka doolarka,  qiimo dhacan dollarka ayaa lagu tilmaamay in uu ka dhashay markii ay yaraatay kaashkii lacagta shilinka Somaliland ee laga isticmaalo wadanka, sababo badan dartood oo aan ku faahfaahindoono qaybta soo socota, "haddii Allaha awooda lihi ogolaado.".
   Somaliland ayaan lahayn wax soo saar sidaasi u weyn oo ay suuqyada adduunka u iib-geyso, marka laga reebo xoolaha nool ee loo dhoofiyo dalalka Khaliijka carabta , oo dhaqaalaheenu aad ugu tiirsanyahay, waxaa kaloo muddooyinkan dambe dalka ka bilaabmay warshado yaryar oo soo saara Saabuunta , furaashyada , Biyaha iyo Sharaabka, iwm, Sidoo kale Somaliland ayaa waxa ay la soo degto ayaa aad uga badan waxyaabaha ay u dhoofiso debadda, taas oo dalkan gayaysiisay dhaqaale la’aan iyo shaqo la’aan ay dhalintii wax baratay tuban yihiin dariiqyada magaalooyinka waaweyn ee dalka, Sidoo kale dalku malaha Baanan jira oo adduunyada ku xidhan, mana jirto xeer barlamaanku ogoladaay oo lagu maamuli karo xitaa bangiyo ganacsi haddii ay iman-lahayeenba , waxaanu hadda aan ku tiirsannahay oo keliya Ganacsiga gaarka loo leeyahay  oo si xawli ah u soo kobcaaya, dakhliga soo galla wadanka sannadkii waxaa lagu sheegaa qiyaas ahaan ilaa  $ 550 Malyuun US oo dollarka maraykanka ah taasi oo lacagta badankeedu ay ka soo gasho Xawaaladaha oo dadka qurba- joogta ahi ay eheladooda u soo diraan.
 Wadankeena waxyaalaha cajiibka waxaa noqday halkii aynu lacagteena ka ilaalin lahayn inaynu ilaalino lacagta dollarka, dhaqaallaha dalkuna inta badan wuxuu ku xidhan yahay lacagta debeda laga soo diro, tusaale ahaan qofkii loo soo dirayay $ 100  waxa ka go’ay $ 20dollar oo ka maqan iminka . Dadka qaar ayaa ku dooda dollarka oo maanta maraya halkii $ 1, sarifka lacagta Somaliland  5000 Sh, ha lagu celiyo 6000 s/lnd sh, Sidii uu markii hore ahaa, Laakiin haddii  halkiisii lagu celiyo, ma iman kartaa mushkilad kale oo ganacsatadu markasta way kordhinayaan maceeshada,ganacsatada iyo sariflayaasha ayaa waxay noqdeen haayado qarsoon oo aan sharciba qaban.
  Hadaba Marka ay arrimuhu ay caadi yihiin ama hoos u dhaca dhaqaalaha , sicir bararka iyo arrimaha kale ee la xidhiidha is-bedelada dhaqaalaha ay jiraan , waa arrimo loo arko in Dunida oo dhan ay soo maraan isbeddelada meeraysta, iminkana dalal badan oo dalka Maraykanka uu ka mid yahay ayaaba culays iyo hoos u dhac dhaqaale oo weyn ka jiraa, isla-markaana hay’adaha dowladda iyo musuuliyiinta ku shaqada leh siiba kuwa dhinaca dhaqaalaha ayaa waajib ka saaran yahay in ay mar kasta taxaddir arrimhaasi ka qabaan kana hortagaan ama maareeyaan haddii hoos u dhac dhaqaale, sicir-barar, shaqa yaraan iyo arrimaha la xidhiidha ay dal la soo dersaan. Adduunka oo idil, Bangiyada Dhexe ayaa ah hay’adda sida gaarka ah uu waajibku uga saaran yahay la socodka, ka hor-tagga iyo maaraynta sicir- bararka iyo arrimaha la xidhiidha lacagaha.
  Sidoo kale, marka xaalku caadi yahay, dowladuhu noockasta ha noqdeen (kuwo hanti-goosi ah ama kuwo hanti-wadaag ah ),  dawr ama kaalin aad u weyn oo sanad walba sii xoogeysta, ayey ka ciyaaraan habsami u socodka dhaqaalaha dalkooda, Arrimaha dhaqaalaha, dhinaca ay mar kasta dowladuhu gacanta weyn ka geystaan waa dhinacyada ku saabsan dakhliga, wax-soo-saarka guud, maal-gelinta, ganacsiga caalamka ah, shaqo-la’aanta iyo gaar ahaan arrimaha la xiriira lacagta qiimaheeda iyo sicir-bararka.
 
La soco qaybta 2aad,
 
…..Golaha Wakiiladda ayaa  ansixiyey inay Xukuumaddu soo daabacato lacagta noodhadhka 5000 iyo 1000 oo isku yaalla oo Shiling Somaliland ah, halka markii hore qiimaha lacagta isku taalla ay ugu badnayd 500 Shiling oo Somaliland……Daabacaada Lacagta cusub ayaa baahi weyn wadanku u qabaa ,isla markaana la naawilayaa in ay wax ka tarto sicir bararka faraha baas ku haya maciishada Somaliland , sidoo kale waxaa ka soo dhex-baxaysa faaidooyin badan sida lacagtii hore ……. waxa laga maarmayaa lacagtii doolarka ahayd ee aad marwalba u baahanaysay……
 
By, Adan Yusuf Elmi , West Midlands /Uk

Be Sociable, Share!
Warning: scandir(): open_basedir restriction in effect. File(/customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/../../../../) is not within the allowed path(s): (/customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www:/customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.private:/customers/b/3/5/saraarnews.com/tmp:/customers/saraarnews.com/saraarnews.com:/var/www/diagnostics:/usr/share/php) in /customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/footer.php on line 10 Warning: scandir(/customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/../../../../): failed to open dir: Operation not permitted in /customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/footer.php on line 10 Warning: scandir(): (errno 1): Operation not permitted in /customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/footer.php on line 10 Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/footer.php on line 12