Sawirka maanta: Siilaanyo iyo Rooga Cas

Hargeysa(saraarnews) Kooxaha Dir sooreedka ku shaqaysta Hogaamiyaha waayeeloobay ee Somaliland Mujaahid Axmed Maxamed maxamuud Siilaanyo, Ayaa tahli kari waayey inay u toosiyaan Nidaamka  habmaamuuska  (protocol) madaxweynaha oo is dhexyaac  farabadani ka muuqday beryahan u danbeeyey oo dhan tusaale ahaan:

 

 

 

  1. Barbaryaaca Shaqaalaha madaxtooyada oo nidaam xumo aawadeed dhinac kasta iska taagaya madaxweynaha halkii ay ahayd marka Madaxweynuhu meel booqanayo inuu dhinaca midig iska taago masuulka goobtaasi ama wasiirka warbixinta hay'adaa ka siinayaa  ama uu dhinac geli lahaa iyaguna baalaha kale ama ka danbayn lahaayeen.
  2. Nidaam la'aanta hadalada madaxweynaha uu ka jeedinayo munaasabadaha uu booqanayo sida hadalkiisii u danbeeyey markuu Berbera u baxayey oo uu sheegay inuu tegayo wadamo mandaqadeena ku yaala oo kala ah Kuweyd iyo Imaaraadka carabta, kuwaas oo qofka u sii fiirsadaa moodayo Inuu Madaxweynuhu booqanayo Itoobiya, Yaman ama  Djibouti.
  3. Gaadhiga madaxweynaha oo aanu la socon oo lagu Arkayo Suuqyada Magaalada Hargeysa  isagoo dhex maraya iyada oo aanu la soconin Madaxweynuhu ama lagaga dukaamaysanayo Magaalada  welibana calankii u saaran yahay. halkan daawo

 

 

 

 

 

Arinta ugu sii daran ayaa  dhacday  Todobaadkan markii Khalkhal aawadiis Madaxweynuhu barbar maray Rooga cas (red carpet) ee loo dhigo Masuuliyiinta wadata Xurmada iyo Karaamada qaran leeyahay, Ciidan sooreedka iyo shirkadaha ganacasiga ee  ku shaqaysta wakiiladoodu waxay tahli waayeen inay tillmaamaan madaxweynaha, mana jirto Baaq iyo afgarasho ka dhaxaysa madaxweynaha iyo gacanyarayaashiisa.

Daawo sawirka halkan:

 

 

 

 

Kooxdan ayaa waxay dhaqan u leeyihiin nin kasta oo ka soo horjeeda ama diida Nidaamxumadooda iyo Qashaabiirka ay qaranka kula dhex jiraan inay sameeyaan dacaayado cuqdadeed aad u balaadhan oo ay ka mid tahay inay qofkaas ku sheegaan in.

  1. Inaanu Waxba Yeeli karin oo aanu miisaan lahayn
  2. inuu cid kale lacag ka qaatay oo u shaqaynayo.
  3. Amaba inuu HabarJeclo-nimadii ka baxay oo qaarkood laga yaabo inaanay weligood caday u jebinin ee lagu ilaalin jiray.
  4. Inuu Noqday nin qaranka ka soo horjeeda.
  5. inuu Doonayo in Mansab la siiyo oo xil loo dhiibo.
  6. Inuu Lacag baad ah doonayo in la siiyo.
  7. In qoladooda iyo Raaska madaxweynuhu Col yihiin.

 

Sida muuqata waxay noqon doontaa inaan Siilaanyo dalka Somaliland sii maamulin ceebtuna waxay saaraan doontaa Shirkadaha ganacsiga ee ku shaqaysta iyo Beesha uu ka soo jeedo oo ay ku noqon doonto Boog iyo Naanays aan ka hadhin taariikhda.

Canaasiirtani waxa laga yaabaa Siilaanyo inaanay u geysan waxtar iyo abaal toona oo looga dhiidhi badnaa, loogana halgan badnaa sidii uu kursiga u kori lahaa, laakiin waxa uu ku soo dhoweystay ay tahay Raasnimo hoose iyo Maslaxad ganacsi oo ay cid kale leedahay.

waxaanu u sheegaynaa Been ma sheegayaasha aan maalintii Siilaanyo Qaawanaa Marada ku qaban karaynin maantana Ehelka u noqday, imika uun bay inoo bilaabatay ee yaanay idin la qadhaadhaanin hadhowto, Is qoomamayn maynee ha is qoomamaynina. waxaana inoo balan ah inaanu Hadh iyo habeen idinkula hadalo Luuqada Qudha ee aad fahantaan ah oo ah ta xumaanta.

Waxa ay u badan tahay SIILAANYO inuu Daacad ka yahay laakiin dhibaatada oo dhami ka socoto kuwan meesha uu dhigtay, ee u samaysan Aflagaadada, cunsur qabyaaladeedka  hoose, xinka, Xaasidka, iyo Cuqdada Gaamurtay.

Waayo haday nasteexo u hayaan Arintii Shacabka badidiiisu ugu codeeyey ee qawlku ka dhacay Maanta may yidhaaheen Guddi u saar Ururada furashadooda ee waxay kula talin lahaayeen inuu arinta isaga riixo dhinac hay'adaha Sharci dejinta, inta uu yidhaaho anagu xukuumad ahaan waanu ogolaanay ee Golayaasha sharci dejintu ha sameeyeen Xeerkii kala hagi lahaa dib u furashadooda.

Maadaama kuwa maanta Siilaanyo looga tegay ee cid kastaa ku nacday yihiin kuwa ku xeeran ee Ehelnimada Labada dhinaca ka socota ku yimi, Wuxuu Siilaanyo   maah maah odhan doonaa maalin xeedho iyo fandhaal kala dhaceen kursigana aanay jirin cid ku hayn doontaa iyaguna way ka yaaci doonaan sidii looga yaacay  kii  Ivery Coast.

Be Sociable, Share!

37 Responses to Sawirka maanta: Siilaanyo iyo Rooga Cas

  1. admin April 16, 2011 at 8:52 am

    Cadho Caqaar Sxb , IP adress-kaagu waa sidan 188.29.120.122. waxaanu awoodnaa inaanu kaa xidhno oo aadan dib u soo booqan shabakada.

     

    Shabakada

  2. Calasow April 16, 2011 at 4:34 pm

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk Gurigayagaba Roog Cas waa yaalayee muxuu macno ah oo uu samaynayaa, ma UN ta ayuu xafiis uga furayaa kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk wala ba'ay.

  3. c.fataax April 16, 2011 at 10:11 pm

    waar dee yerkan webkan leh waxa madaxmertey siiraanyo nacayb siiraanyo dhaliilo waa uu leeyahay dhaliiilihiisuna way badanyihiin laakiin dee meesha mataal in hj iyo dhaliilaha siiraanyo la mataaneeyo waa khalad runtii hj shaqo kumalaha ee mushkiladu waxay ka tagantahay ciise muse oo uu odeygu inan oo odhfanada ka soo baxay oo cise mise lagu sheegey iyo sacad muse iyo xirsi reer miyi

  4. Khadaaaro April 17, 2011 at 4:31 am

    Waar waa wareey horta ninkan waxan qoray haduu yahay ninka meeshan iska maamalula xor ayuu u yahay in uu qoro wax allaaale wixii uuu isyidhaa cadhada uu u qabo odayga way kaa baabi,in,..
    Waxaase ka quruxbadanaan lahayd in uusan ka farxin cadawgeena, Waar hadaynaan isu xilqarin oo aynaan is asturin yaaa ina asturi yeynu se iska celin,, markaa
    waa gurigiisii halkan aynu kujirna… Horta Saraarnews waa Muwaadin dhaba markay cadawga Somaliland gaadho maaha sida Qarannews kalla baxay ee Qudhmay markuu riyaaale dagay,
    Sxb Sacad muuse ahaan anigu waxaan Qabaa  in wallaaladay Ciise muus Ay inyar isyara dajiyaan qajeelay haysteen haday dhisayaan warshadee.. Misee waxay dee wadaan Anaku hadaanu dhisan wayno cidkallena dhisan mayso kklkk.. Ka daaya Wallaalayaal. Habarjeclo wallaahi iyo billaahi waaa rageedii.. Noolaada Dhamaantiin reeer Sheekh isaxaaqow oo cadaw badan ayeynu leeene inaga daaya yeynaan inaku isdaba dhigane,, Hana la ixtiraamo Raga madaxda ah Qabiilkay doonaaanba ha ka soo jeedaane,,

  5. yusuf April 17, 2011 at 6:45 pm

    qarmaaje cadho ka kacday jago ayaa kula fogaatay
    oo aad web u samaysatay
    waxaa fiicnaan lahayd inaad cadhadaada qarsato
    cid kastaa way ogtahay inaadan ahayn mucaarad wax toosinaya waxaaban akhriyey adigoo warqad cabasho lacag kaamaqan aad ku sheegaynayso aad webka soo dhigtay waar ninyahaw gobonimada ha jka tegin
    anigu h\jeclo ayaan ahay walaahay aadan madoobahana col ayaan ahayn laakiin ninkaas markuu madaxnoqday waxba yuu cidna tarin laakiin waan iska taageeraa
     
    qarmajaw yaan hunguri ku qaadin

  6. layaab April 17, 2011 at 9:34 pm

    Dameer aan dushiisa saarnahay dhuusadiisu maxay iga dhibaysaa  kkkkkkkkk
    Haddaadan xishoonanayn waxaad doonto iska dheh ina qoor ubaxayow

  7. dige April 17, 2011 at 9:34 pm

    waar maxaad webmasterka ka rabtaan hadii uu odayga asaasaqay dadka tusay.
    habarjeclooy muuse waa kaaskkkkkkkkkkkkkkkk
    anagu hadaanu habaryoonis nahay waanu iska ogeyn in aanay habarjeclo talo qaban karin oo ay sida dhulbahantaha in askar laga dhigto ku fiican yihiin.
    ninka webkan qoraana wuxuu u dhaqmayaa sidii joornaaliistuhu u dhaqmi jirey habarjeclana waxay leedahay meesha meel qabiil ka dhig.
    saaxiib waad fiicantahay hadii aan dhaliilaha la sheegin xumaanta ayaa badanaysa ileen cidiba ka hadli maysee sidaasi darteed ha u joojin ee hawshaada quruxda badan wado.
    kuwa habarjeclonimadu qaadayso ee moodaya in meeshaba habarjeclo leehayna waxaan leeyahay
    ogaada in maalin aan fogeyn lagala wareegi doono kursiga isaga oo aan waxba ku kordhin meesha wax uu kala dhaco mooyaane waayo waa habarjeclo oo intuu gocashada ku maqan yahay ayuu waqtigu ku dhamaanayaa.

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone