Beelaha Awdal iyo Sool ma Garxajis ayay ka wanaagsan yihiin? qallinkii

1960 markii Somaliland si bilaa shuruud ah ula midawdgay koonfur Somalia ayaa waxa uu midawgaasi midho dhalay cadaalad daro laga dagaalamay waxaanay  mujaahidiintii xaq u dirirka ahaa ee SNM ku guulaysteen dibna usoo dhiciyeen Madaxbanaanidii Somaliland  kadibna dhamaan Beelaha Somaliland dagaa ay shir iskugu yimaadeen Burco halkaas oo lagaga dhawaaqay Dib ulasoo noqoshada Madaxbanaanida Somaliland iyadoo la raacayo Xuduudihii 1960 ka hor ama  wakhtigii Istacmarka oo ay Somaliland lahayd Xuduudo Muqadas ah.
 
Hadaba markii dawladnimada Somaliland dib loo dhisay ayaa shir Axdi Qarameed ah oo ay iskugu yimaadeen Beelaha Somaliland oo dhan lagu doortay Marxuum Cigaal iyo Cabdiraxman Tolwaa Halkaas oo la isku dhaarsaday Magaalada Borama kuna  kulmeen 150 Ergay oo ka kala socday Dhamaan Beelaha Somaliland daga waxaana Halkaasi la isku dhaarsadsaday laguna heshiiyay  in ay dawladnimada Somaliland iyo Xuduudaheeduba tahay Muqadas Beel walbana iyadoo ku faraxsan ayay ogolaatay Go’aamadii Axdi qarameedka.
 
Iyadoo ay sidaas tahay ayaa Daba yaaqadii 1993 waxa uu Madaxweynihii ugu horeeyay Somalilnad Cabdiraxman Tuur  uu kaga dhawaaqay Addis Ababa in aanay jirin wax Somaliland la yidhaahdo taasi oo ay ku taageereen Qaybo  ka mid ah Beesha Garxajis Isla wakhtigaas Go’aankaasi waxa uu ahaa kii dhaliyay in  1994 in  qaar ka mid ah  Gobolada Somaliland ka bilaabmeen Dagaalo sokeeye oo dhex maray Beesha Garxajis iyo Dawladii Wakhtigaas oo ay u dhamaayeen Dhamaan Beelaha Somaliland daga Haday yihiin Reer Sheekh Isaxaaq  iyo Hadii ay yihiin Samaroon, Ciise iyo Harti waa loo dhamaa dagaalkaasi lagu qaaday Garxajis.
 
Waxaa dagaalkaasi sokeeye ku naf waayay dad badan iyo Maal badan oo ku burburay  labada dhinacba Hadaba iyadoo ay sidaas tahay Reer Sheikh Isaaq-na isku dishay kuna colowday Dawladnimada Somaliland miyay tahay manta in la naasnuujiyo Beelaha Kasoo jeeda Awdal iyo Sool oo Axdi qarameedkii ka talaabsaday Iyagoo meelaha qaar kaga dhawaaqay Maamul Gaar ah oo Somaliland ka madax banaan ?
 
Miyayse tahay in la baryo ilayn umada Axdi ayaa xidha  iyo heshiise? Ragna Qawl baa xidha dumarna Meher ayay somalidu tihdaa, Beelaha Sool iyo Awdal miyaanay ku jirin Dagaalkii Sokeeye ee Ka dhacay Qaar ka mid ah Gobolada Somaliland iyagoo kasoo horjeeda Go’aankii Beesha Garxajis ?
 
Mida kale waxaa is waydiin leh Goormay Qaldan yihiin Beelaha Awdal iyo Sool sobobtoo ah Markii ay SNM wadanka qabsatay way u niikinayeen mujaahidiinta SNM  Mujaahidiintuna Cafis ayay u fidiyeen iyagoo awood u laha in ay Dagaal ku quwad leh ku qaadaan ayay ka door bideen walaaltinimo.
 
Waxaan daawaday Cajalad laga duubay Ibrahim Maygag Samatar oo u qudbaynaya Maxaabiis ay qabteen oo ka mid ahaa Ciidankii Faqashtii ee  Xeebta Galbeed (lughaya) waxaanu yidhi Ibrahim “walaalayaal wax dhib ah idiin gaysan mayno Hadii aanu qadno waad nala qadaysaan oo nala gaajoon Hadii aan wax cuno waad nala cunaysaan Balse ha horjeegsanina Xabada ku socota Afweyne Barre iyo Xukumadiisa” 
 
Hadaba Hadiiba ay beelahaasi ogolaadeen Somaliland dhisitaankeedii Maanta oo dawladnimo iyo dimuqraadiyad hana qaadayna siday u odhan karaan  maamulo ayaan samaysanay oo Somaliland ma nihin ? Marka Su’aasha waxay tahay ma SNM qorigeeda ayaad iska weecinayseen markaad lahaydeen Somaliland Ha noolaato, Somaliland Waa muqadas,Somalia dooni mayno.
 
 Mida kale Beesha Awdal miyaanay Ceeb u ahayn in ay ahaayeen Hormoodka Somaliland oo 1993 Borama lagu qabtay Shirki Axdi qarameedka sidoo kale miyaanay Beesha Awdal  ku jirin Hogaanka Sare ee wadanka Somaliland mudadi labaatanka sano ee ay dhisnayd ?  Beesha  Sool waligeedba miyaanay ku jirin Hogaanka Sare ee Dawlada Somaliland sida wasiiro iyo Gudoomiyeyaasha Golayaasha Xeer Dejinta ? Mida kale Somaliland miyaanay ahayn mid  ay isku dhaarsadeen 150 Ergay oo ka kala socday Beelaha Somaliland daga oo dhan? labaatan Sano dabadeeda Saamigii aad ka heshay Axdi Qarameedkii miyay tahay inaad saluugto ilayn Nidaamka Dawladnimada iyo Saamiga Beelaha waxaa la dhisay  Labaatan sano ka hor adigoo waliba raali ka ah kuna qanacsan wixii aad ka heshay?
 
Dawlada Somaliland waxaan leeyahay Dawladnimada Somaliland waa muqadas xuduudaheedu waa muqadas Umada axdi ayaa xidha,Kitaab ayaa la isku dhaarsaday, Dadkuna Hadalka ayuu isku afgartaa Waxaa marag ma doon ah in Somaliland lagu heshiiyay dhismaheeda 150 oday oo oo dhartay kana soo  kala jeeda Dhamaan Beelaha Somaliland daga oo Axdi dhigtay  sidaas darteed xukuumada Somaliland maaha in ay barido cidii kasoo horjeedsata Dawladnimada kana talaabsata Qodobadii Axdi Qarameedka Hadi kale waxaa furmi doonto in ay Beela waliba u dhaqanto sida ay doonto sidoo kale  Hadiiba ay sidaas dhacdana  Dagaalkii Qadhaadhaa ee Garxajis lagu qaadayna miyaynaan odhan Karin  waxa uu ahaa Baadil iyo Xaqdaro kol hadii aan dawlada Somaliland beelaha kale ee Awdal iyo Soolba aanay dagaal ku qaadin ?
 
Dadka leh wixii ay Reer Sheekh Isaxaaq ka dagaalameen ayay beelaha Sool iyo Awdal diidayaan waxaaa marag ma doon ah inanay labadaa xaaladood isku mid ahayn Reer sheikh isaxaaq waxay ka dagaalameen Cadaalad daro cad loomana ogolaanayn wada hadal iyo in ay gudbistaan Cabashadooda wuxuuse amarku ahaa uun in la xasuuqo macal maatidooda waxaanan taariikhda ku haynaa in diyaaradii Garoonka Hargeisa ka kacday ay isla Hargeisa duqaysay, laakiin Xukuumada Somaliland waa mid ogol cid kasta oo wax tabanaysa soona dhawaynaysa jecelna nabada iyo wada noolaanshaha, inta jeer ee Siilaanyo uu Gogol nabadeed fidiyayna waan ka war haynaa waxaa kale oo aynu ognahay sida uu Siilaanyo u duudsiyay beesha uu kasoo jeedo (Habarjeclo ) oo uu ka hiiliyay dagaalkii ka dhacay kalshaale isagoo iska fogaynaya in la yidhaa Siilaanyo ayaa beeshiisa u hiiliyay isagoo Beeshiisa oo xaqooda dhacsan jirtay karaamadoodii dhulka la dhacay una suldaaray Beesha sool.
 
Beelaha Awdal iyo Sool waxaan leeyahay Axdiga ilaaliya iskana qabta dadka fidmada wada ee idinku dhex jira sobobtoo ah hadii qabiil iyo is xigsiisan wax tarayo Reer sheikh Isaaqa kaleba lama dagalaameen Garxajis oo ay isir yihiin Sidaa Darteed waa muqadas in aad dhawrtaan Dawladnimada Somaliland iyo Axdi qarameedkiiba, Hadiise aad wax tirsanaysaan, tabashooyina jiraan  mar walba miiska wada hadalka ayaa idiin furan Cabashadiinaa soo gudbista, waxaad ka cabanaysaan iyo waxaad u baahan tihiinba u sheega Madaxda dalka.
 
Fuaad Abdillahi Hassan
Fuaad_phy@hotmail.com

Be Sociable, Share!

19 Responses to Beelaha Awdal iyo Sool ma Garxajis ayay ka wanaagsan yihiin? qallinkii

  1. mm April 20, 2011 at 9:41 pm

    ac\kum bacda salaan 

  2. mm April 20, 2011 at 10:03 pm

    ac\kum bacda salaan ilaah baa mahad dhamaan teed iskaleh waxaan rabaa in aan in yar ka idhaahdo ninka maqaalkan soo qorray oo ay kamuu qato qabiil nimo aan qar soodi lahayn soona geliyay web saydka dhib malah dee qofkastaa rayigiisa ayuu cabiraa mar wuxuu ku  cabiraa wax yaabaha waa qiciga ah marna wuxuu ku cabiraa wax yalo hore u dhacay marna wuxuu ku cabiraa wixii markaa maskadiisa uu ka keeno markaa ninkan hada maqaalka  qoray waxaan o dhan karaa maskax diisa ayuu ka qoray  wayna ula e kaatay in uu qaa biilo iskadhan ku sifiiyo waxaan maskaxda geli karin tusale ahaan wuxuu  soqaty dagaalkki habar habarta anigu o dhan mayo garxajis waa laysugu tegay sida uu sagu  leeyahay waxaan uga jeedaa horta beelaha aad keentay meesha sida sool ama awdal waa dad derisnimo kadhaxayso beelaha waqooyi dega sida isaaq ama beelaha kalaba waxa aad kasoo sheekaysay ee ah wax baa lawada dhistay oo laysku dhaarsay adeer angu mahayno meel laysku dhaar saday oo heshiis awood qaybsi lakala saxeeday tu saala ahaan anagu wan naqaan heshiisyada laka saxeexdo aduunku sida dalalka aan africanka wadaadno tusale tii kadhacday sudaan kenya gongo iyo wadama badan oo kale markaa waxaan leeyahay hadii wax cad lakala saxeexday maxay u muu qan wayday oo aduunku u arki wayay markaa taa macne heedu waxa weeye waxba lama kala saxeexan run ahaanatii dadka aad kasheekaynasana eee aad cabsantahay aad leedahay snm baa sidaa iyo sidaa kamasuula ama aad ku sheekayso mujahidiin sub xanalaha waxaan leeyahay yaga laftooda ayaa dalka iyo dadkab danbi kagalay waxayna layeen dad badan oo kasoo jeeda gobolada sool sanag cayn iyo awdal oo shacab ah tas macnaheeduna waxa weeye haday ladagaalamayeen dawladii somaliya ee sharafta badbayd dee yadoo kale soo noqon mayso baan filayaaye maxay ku layeen dad aan waxba galabsan oo beelaha sool iyo awdal  sanagba kasoojeda bay layeen markhaati madoon weye markaa sxb waxan ku leeyahay dadkan aad ka hadlayso waa dhig yacabayaal waxaana kaw ka ah silaanyo markaa hadal waxaan kusoo gabagabaynayaa dakan isaaqa derisnimadu kadhaxayso waxay doonan bay samaysanayaaan yaan caadifadi kula tegin dadkan dhiig yacbayaasha ahina oo silaanyo  ugu horeeyo haku cadab mudan wabilahi tawfiiq

  3. Ru N SHEEG April 21, 2011 at 2:35 am

    S/A markahore waxaan hAmbalyo iyo bogaadin u dirayaa qoraaga

  4. runsheeg April 21, 2011 at 3:35 am

    waa faallo tilmaamaysa runta iyo sida tahay inkastoo runtu aanay qancinayn  qof la nool been iyo humaag aan jirin Soomaalina ku maahmaahdo runtu raga madisho ee way ka nixisaa.Waxaanan kula talin lahaa dawlada soomaaliland in iyadoo aan cidna la dulmayn in aanay ayadu isdulmin oo baryada badan iska joojiso marmarka qaarkood cid walbana waajibkeeda iyo waxa la gudboon loo sheego oo lagula dhaqmo.

  5. Abdirashiid April 21, 2011 at 9:33 am

    S.C WARAHMA
    Nimanyahow waad mahadsantihiin dhamaantii horta
    Dadka aan ildheer garadka ahayn  waxa lagu gartaa inta ay idhohoodu qabato ayay ka sheekeeyaan ama ay maqlaan, waayo? Awood umalah inay wax darsaan ama baadhitaan sameeyaan… hadii taariikh iyo sooyaal loosoo dhigo wuxu ku odhanayaa maan maqal sida ninkan sita mm oo kale, adeer adigu haddaanad maqal waxani waa taariikh lamana badali Karo, arinta uu qoraagu kasoo sheekeeyayna waa siday ugu dhignayd kutubaha taariikhda Somaliland…
    Mida kale Sxb ninkii aayadaha diin diiday kuwii ladagaalamay inay mujaahidiin ahaayeen maxaad ku diidantahay suuratunisaa ayuuba beeniyee
    Malaha mujaahidkaad si kale u fahan santahay e aan kuuyar balaadhshee sxb waxa weeyaan qofwaloo difaac diintiisa dadkiisa iyo dalkiisaba waa mujaahid  
     waxa kuu gu daliil ah maxaa nin AK sidaa uu u jabiyay nin diyaarado wata iyo tangiyo? Hadaan meesha gar gaar ilaahay kujirin iyo geesino dheeraadi…..siilaanyana taariikhdiisa soo baro.

  6. Xasan April 22, 2011 at 5:35 am

    Waad Salaamantihiin. Dadku wuu kala fikir iyo aragti duwan yahey. Qoraagu fikirkiisuu cabirey midbaase ku darsan hala kala saaro arimaha oo halakala qalo. Dagaaladii Soomaaliya ka dhacey intooda badani dulmi bey ahaayeen waana fikir aniga iigaara. Gadhxajis hadii lagu duuley kaasina dulmi buu ahaa. Laakiin arintoodu weyka duwan tahey tan Awdal iyo Sool.
    Gadhxajis waa laan hoosaadka tirsan beel Soomaaliyeed markaasna kursigaa midna ku dagu degaalmaayey. Cidaad mujaahid utaqaan ninkaley dulmiile u yihiin. Dadka reer Awdal iyo dadka R.Hargisa/Burco daris wanaag iyo is xaqdhowr ayaa ka dhexeeya. Siyaasadina waligeed Muqadis manoqoto ee waxeyku xidhantahey holba intii meel wada degtaa wixii ay isku raacdo. Hadii beelaha Galbeedku ku dhawaaqeen maamul ugaara ineys ameystaan maxaa iniiga gishiisha ileyn Waa Samaroon halkii dowlada lawada lahaan lahaa sow jees iskuma koobin.
    Yeynaan isku xadgudbine nabad halagu wada noolaado waayo Soomaaliya ka hor jaarku wuu jirey, Ingriiska hor jeerku wuu jirey, Soomaaliland iyo Soomaaliland la'aanteedna jeerku wuu jiri. SMN ta uuka dhawaajiyeyna sxb qori dhul aanad laheyn laguma heysan karo xaqiiqdu waa sidaa. Awdalna wax aan faduul aheyn oo lagu sheegtaa majiro. Hadii wax la sexeexeyna wa la sixi karaa, laga bixikaraa inkstoonan arag waxla saxeexey. Ma nin waayeela oon wax akhriye karin oo saxeexla yiri ayaa shaqeeya, Awdal dadkii waxgarka ahaa umuu dhameyn nabadaa la siku raacey maantana nabada in la wad dhowraa waa daruuri dowlad aaney rabbinse lagu qasbimaayo.

  7. mahamed April 22, 2011 at 2:15 pm

    qoraagu taariikhuu na soo  xasuusuyay  la soo dhaafay wakhti hare waxaana layidhaa taariikhdu iyadaa is qorta beena maaha ee dib ha loo eego