Articles

Arki jirey, maqli jirey By Xaamud Ducaale

“Qoloqoladan loo degey kama dhalan dadwenaha daadihiyayaashu maamulkay ku duran yihin”. Maxamed xaashi Dhamac (Gaariye)
Hamud Duale
Akhristow  sheekadan waxaa ii soo gudbiyey weedh-xayir, war-xayir amma war dadabe kolba kaad u taqaano. Wuxuu soo akhriyey wararkii ugu danbeeyey ee xaadhimaha internet-ka lagu faafiyey todobaadkan.
 
Sida aad warbaahinta ka aragteen  waxaa jira  shir beeleedyo bulshada Somaliland mid waliba gaarkeeda iskugu habar wacanayso, oo la doonayo in xusbiyadii jiray looga diga rogtey hab beeleedkii hidaha iyo dhaqankeena aan u lahayn,  islamarkaana aan kuwa hor leh cidina u  furan.
Waxaa todobaadkan innagu soo fool leh,  ka dhici doonaa magaaladan London shir ay iskugu immanayso,  beesha saaxiil iyada oo udbaheedii iyo dhigaheedii wadata.
Shirkan oo la leeyahay coofaadh iyo heeliyo loo kala hadhi maayo, waxaa hormood ka ah baa la yidhi qabanqaabadiisa la taliyayaasha Madaxweynaha ee beesha, xildhibaanadeeda, culimadeeda, aqoonyahankeeda, gancsatadeeda rag iyo dumarba iyo weliba Gud. ku xigeenka xusbiga UDUB iyo Xubnaha beesha ee ka tirsan golayaasha dhexe ee sedexda xusbi qaran, iyo dabcan odayaal dhaqameedkeeda oo daadihiyayaal ka ah.
Shirkan oo ujeedooyinkiisa lagu qeexin warbaahinta, qarsoodi ma  ah ee  waxaa Xaadir ah TV-ga HornCable , waxaa la tuhunsan yahay in la taliyayaasha soo qabanqaabiyey ay M/weynaha adhadh ka haystaan oo sheekadu qaybi oo xukun tahay oo ay sidaa ku heshiiyeen oo ay isla ogyihiin, amma ay dareemeen in uu hab beeleed M/weynuhu  wax  ku maamulayo oo ay la ficiltamayaan, oo xayntooda intay goori goor tahay isku dubaridanayaan. Waa yaabka yaabkii.
Waxaa kale oo jirta in shir aan loo kala hadheen hal iyo awrtoona ay  beesha ina ceergaabo islamarkaana ah ah ina Burco, islamarkaana ah ina Hawd , islamarkaana ah ina Salaxley, islamarkaana ah ina Hargeysa, islamarkaana ah ina Saaxil  ay isku habar wactay oo ay shirkaa Saaxil shir la mid ah loo qabanqaabiyey.  Shirkana waxaa hormood  ka ah qabanqaabadiisa shirkaa Saaxil inta soo qabanqaabisay dhigooda. Madaxda soo qabanqaabisay waxaa la tuhunsan yahay in ay UDUBsan tahay oo Qaramaysan tahay oo UCIDeysan tahay.
Waxaa kale oo intaa wararku ku dareen in Chief of Staff Mr. Xirsi, oo ka soo jeeda beesha beelaha kor ku xusan  u dhiganta ee ina Togdheer,  uu ku sugnaa magaalada Burco todobaadkan isaga oo beesha ku wergelinayey baa la yidhi  in ay diyaarsadaan  jaanleefahooda, midiyahood, madiilahooda, tooriyahooda, galxadkooda, bilaawahooda, warmahooda iyo eebooyinkooda, laakiin qoriga iyo rasaastu ay reeban yihiin, islamarkaana la socdaan shirarka iyo dhaqaaqyada beelaha kale. Wuxuu u sheegay beesha ayaa la leeyahay in aan shirkii Gar adag shir uga  danbayneyn,  go’aankuna kii yahay, weli laga midaysan yahay, hawluhuna sidii loogu talagalay u socdaan. Haddii loo baahdo shir kale wuxuu noqon doonaa shan sano ka dib iyo cala laheeda.
Mar la weydiiyey maxaa u dhexeeya dawladii UDUB  ee hore iyo tan uu ka tirsan yahay ee Kulmiye?
Wuxuu ku jawaabey wuu  cad yahay faraqa u dhexeeyaa labada dawladood.  Tii hore waxay ka duuleysey habka saami qaybsiga (Share holders) oo beelaha yaryar  iyo kuwa waaweyniba saami bay ku lahaayeen inkasta oo la kala badsanayey oo dhabtii libaaxa iyo xusbiga UDUB saamiga ugu badan lahaayeen. Habkani oo ay ku shaqayso shirkada Qaran oo aad la socotaan in  dad badani saamiyo ku leeyihiin.
Dawladan Kulmiye waa ganacsi keliyaale (Sole trade) waa sida shirkada Dahabshiil oo kale oo ku tanaaday saami qaybsi la’aanta. Beelahan iska dhex doon doonaya  iyo xusbiyaduba may garan habka dawladan cusubi ku shaqaynayso.
Mar kale waxaa la weydiiyey furashada xusbiyada maxaa laga yeelayaa?
Habka dhaqankeenu  inna furayo,  diinta islaamkana waafaqsan tahay,  waa habka beelaha ee aan hidaha iyo  dhaqanka u leenahay oo weliba lagu fadhiisiye xikmada ah iyada oo aan lab iyo dhidig la kala soocayn:  “Habeenkiina waa habar habar, maalintiina waa oday oday”. Waxaa dawladu xoojineysaa shirarka beelaha sidii kii Garadag ee guulaha waaweyn u soo hooyey Somaliland.  Berigii hore shirarka beelaha qaarna way la xishoon jireen, qaar way ka faani jireen, qaarna qarsoodi buu ahaa.  Immikase shaaca laga qaadayaa,  go’aamadoodana warbaahinta lagu faafinaya. Markay beelaha kale  qabsadaan shirkii Gar adag oo kale waxba la isla diidi mayo. Xusbiyadu way jiri doonaan magac ahaan si loo raaligeliyo deeq bixiyayaasha ku hawlan meelmarinta dimoqraadiyada.

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top