Wararka

Hees Wadani ah oo xusuus kugu reebi doonta codkii Maxamuud X cali gaywaroow

Qoryooley(saraarnews)Heesaha wadaniga ah ee xusuusta wadanimo lahaa sanadkii 1977 waxaa ka mid ahaa heestan Qaranimo oo aan filayo inay xaaddu iskaa taagi doonto, heesta waxa codkiisii dahabiga inagu soo gaadhsiin doona Fanaankii Maxamuud Xaaji Cali Gaywaroow , inkasta oo berigii hore ee idaacada loo duubay ay ka daba Jiibinayeen hablihii Kooxda Fanka ee Xusuus imika aan dhegaysano

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

 

 

Erayada Heestuna waa Kuwan:

1-

Qaranimo waxaa hela

Qoyskii walaalo ah

Qaybsada dhibaatadoo

La Qaraara gumaysiga

Qoonsoo Cadaawaha

Yuu Ku dhaafin Qayrkaa

Haw qaadan

quudka Isticmaar

Inuu yahay Xalaal

Qoortoo lagaa jaraa

Dhaantee ha qaadan

Qaan weeye ha qaadan

Qurux malee ha qaadan

Qiil buu ka dhigane ha qaadan

 

 

2-

Qaniinyada Gumaysiga

Qoonkii Xanuunsaday

Waa kuwaa qaboowgiyo

Qaayo wacan kuwada Nool

Qiiraa Lagaa rabaa

Qabanqaabo gobanimo

Haw qaadan

quudka Isticmaar

Inuu yahay Xalaal

Qoortoo lagaa jaraa

Dhaantee ha qaadan

Qaan weeye ha qaadan

Qurux malee ha qaadan

Qiil buu ka dhigane ha qaadan

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top