Dhegaysso: Dood BBC Africa qabatay oo si xun loogu bahdilay bahal la daaqa Cabdi Ismaaciil Samatar
Halkan ka dhegayso doodaas:
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Barnaamijkii Xalay ee ka baxay Laanta Afka Ingiriisiga ee BBC Africa Have Your Say oo soo galay Xalay 7dii ilaa 8dii Fiidnimo ayaa cashar lama ilaawaana loogu dhigay mid ka mid ah Labada nin ee Xaasidnimadu madax martay ee Ilma Samatar gaar ahaan Cabdi Ismaciil Samatar oo si idho la’aana ugu soo horjeestay Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland. Waxa dooda si toosa uga wada qayb-galay Wakiilka Somaliland ee UK, David Shine (Safiirkii hore ee US ee Dalka Ethiopia, Cabdi Ismaciil Samatar, Laba Aqoonyaha oo kala jooga Nigeria iyo Uganda, Mary Harbour oo ah Wariye BBCda ka tirsan oo dhawaan soo booqtay Somaliland iyo dad si toosa u soo wacayay Dooda.
Halkan ka dhegayso doodaas:
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Waxa qadiyada Somaliland si la yaab leh u qaadaa dhigay Wakiilka Somaliland ee UK, sida oo kale waxa xog waran fiican ka bixisay gabadha la yidhaa Mary Harbour oo Somaliland soo boqotay wakhtiyadii ugu horaysay ee dalku burbursanaa iyo dhawaan oo ay timid Somaliland. Waxay Mary si la yaab leh uga sheekaysay wixii ay ku aragtay Somaliland wakhtiyadii 1991/2 oo ay ku sifaysay magaalada Hargeysa meel baaba’a oo dhagax mooyee wax kale aanu oolin, iyada oo sidoo kale sheegtay socdaalkeedii dhawaa inay meeshii barigaa hore sidaas ahayd ay maanta tahay magaalo aad la yaabayso sida ay u horumartay loona dhisay.
Waxa kale oo dooda si toosa uga qayb-qaatay Safiirkii hore ee Dalka Maraykanka ee Ethiopia David Shine si adagna u taageeray Qadiyada Somaliland, kana soo horjeestay dood aan aqoon ku dhisnayn oo caadifad iyo Xaasidnimo ka muuqatay oo uu meesha uu soo dhigay Cabdi Ismacil Samatar. Waxa uu David Shine sheegay in Midawga Africa looga baahan yahay inay Talaabo qaadaan oo Qadiyada Somaliland si dhab ah u eegaan, waxa sidoo kale Qadiyada Somaliland si adag u taageeray laba khabiir oo u kala dhashay Dalalka Nigeria iyo Uganda oo si adag u taageeray in Somaliland aqoonsi la siiyo iyo in talaabo degdega loo qaado sidii loo aqoonsan lahaa Somaliland, madaama ay horumar la taaban karo ay samaysay ay buuxisayna shuruudihii dal looga baahnaa. Waxa kale oo labada khabiirba sheegeen inayna haboonayn in la isku xidho Somaliland iyo Somalia. Wax ka dhexeeya oo la iskugu xidhaana aanu jirin haba yaraatee. Waxa kale oo iyaduna si la yaab leh u taageertay go’intaanka Somaliland Gabadh u dhalatay Dalka Uganda oo intii Barnaamijku socday la soo xidhiidhay oo si cilmiyana u sheegtay inay Somaliland xaq u leedahay in la taageero oo ay ka mid noqoto Qaramada Caalamka. Waxa Sida oo kale cashar lama ilaawaana loo dhigay Cabdi Ismaacill Samatar oo dhamaan dadkii iyagu sida tooska uga qayb-gelayay doodu ay waxba la’aan ka soo qaadeen wixii uu ku doodayay Cabdi Ismacil Samatar oo markii doodii lagaga adkaaday ku meeraystay waa in Afti Somalia oo dhan laga qaadaa oo la waydiiyaa inay go’odo Somaliland iyada oo lagu yidhi Somaliland iyada ayaa midawga la tagtay Somalia kana hor xorowday Somalia ee midawgu kamuu iman doonitaanka labada dal. Hadana meel kale ka fadkugiyay oo sida caamada u hadlay oo yidhi Qabiil weeyaan Somaliland iyo hadii la aqoonsado Somaliland waxa kala burburi Africa oo dhan.
Halkan ka dhegayso doodaas:
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Dadkii dooda ka qayb-gelayay ayaa marlabaad haba yaraatee, waxba aan ka soo qaadin wixii uu la shir yimid Cabdi Ismacil Samatar oo doodii oo oohin kala huleelay ka dib markii daliilo waadax ah la hordhigay ee waliba si cilmiya loo tusiyay Qadiyada Somaliland. Waxa dadka u cadaatay intii doodu Socotay inuu Cabdi Ismacil Samatar yahay Maskaxda ka danbaysa waxa la yidhaa Awdal State oo ay yihiin isaga iyo Walaalkii dadka ka danbeeya.
Waxa sida oo kale si la yaableh u qaadaa dhigay Qadiyada Somaliland iyo waxa ay qabsatay Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka Ingiriiska. Sida oo kale waxa la waraystay Aqoonhan joogay Borama oo si xarago leh uga yaabiyay dadkii dooda ku jiray ka dib markii Wariyuhu waydiiyay hadii Somaliland la aqoonsado maxaa u soo kordhaya. Waxa aqoonyahankaasi si cilmi iyo aqooni ku jirto Caalamka ugu sharaxay in hadii Somaliland la aqoonsado ay horumar iyo Nabad gelyo ku soo kordhin doonto Geeska Africa iyo Caalamka Guud ahaanba, inay Xalka Somalia ka qayb-qaadan doonto, waayo aragnimadeedana ku soo kordhin doonto dadaalka beesha Caalamka, iyo in Dhalliyarada Somaliland ee Jaamacadaha ka baxday shaqo heli doonaan, taasi oo ka horjoogsan doonta inay ku biiraan Ururada Argagixsada ah ee ka jira Somaliland ama ka qayb-qaataan Dagaalada Somalia ka socda iyo inay nolosha Shacabka Somaliland is badeli doonto oo Caalamkana wax la qaybsan doonaan. Waxa aan la hilmaami Karin dadkii shalay Mudaaharaadka ka waday London oo iyagana waraysiyo laga soo qaaday.
Halkan ka dhegayso doodaas:
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Saraarnews + Yuusuf S. Rooble
Hargeysa , Somaliland







Mujaahid waxba kuma jiraan meesha e bal farsamee
Alla Soomaalidiidka maxaa cuqdad ka badatay war cidkasta ma daba galaysaan, professer Samatar waa nin qiima badan oo ID giisa cadeeya oo dhaha Soomaali baan ahay San kaana uga daloolaa marka maxaa lagu haystaa waa cajiibe? Samatar hanoolaado Somalia ha noolaato soomaaliya hays raacdo. Soomaalidiid walee meesha aad ku socotaan baa iga yaabisay war Soomali in lakala jaro marna idinka yeelimayno anagu haddaanu nahay SSC wxii caqlilana waa idin layaabayaan.
Mr Cabdi Samatar has told the reality to the ignorant peaole. We as ssc and awdal state friends are with Cabdi and agree with him. He made a clear simple point to thouse never understand. Somaliland is one tribe and therefore doesn't deserv a recognition what so ever. How can one single tribe be recognised? There are other tribes who don't want this tribe wants so are they ants and insects? I don't think so. Finally, long long live.
Well done Mr Ambassador, you have said it all, this cheap argument of the geography teacher has failed to convince anyone, he was barely a loner in his position. This is not the first time he put himself in that position i really feel sorry for him.
As for those terror group members in the comments section, well, you know you are a punch of trouble makers wasting your kids lives in a lost cause. Xagla toosiye will see surrender and the village of Buhoodle will be taken. So why waste you time, just come to your senses and lay down the little rusted weapons left behind by the your defeated uncle.
ina samatar waa ethopain somali mental extremist
ina xafajo nacalatulahi dawarsiga
ina samater is not somalilander
noora doqonimadaada makula tahay dadka ad ku tilmaamayso indha xafajo ayaa isku fikir noqon dontaan adigoo isaaqa kkkkkkkk walee idoor maxan layabay aad ayay u fikir gaaban yihin walee meeshui waa isaaq land sanka ayaa idinka daloola inaad raacda somalia hadii kale reer binu binu ciraaq ayaad ku noqon dontaan
kkkkkkkkkk war waxba ma sheegayaan wax hada muhiima oy kadooyaan majirto soomli cid kala goyn kartaa ma jirto inta nin samaroona nool yahy ama xafajo yirahda ama ha oranina samroon waa soomaliweyn borama iyo muqdisho cid kala saaraysaa ma jirto