Wararka

Wareer baa ka haysta kuwa aaminay in qiyaamihii dhacayo 21 december 2012

london(saraarnews) Ilaahay keliya uun baa og goorta Saacada qiyaamuhu dhici doonto Rasuulkuna(scw) wuxuu inoo sii sheegay calaamadaheeda kuwa waaweyn iyo kuwa yar yar , hase yeeshee Mudooyinkan u danbeeyey oo dhan warbaahinta wadamada reer galbeedka iyo Indhoyarta waxay aad uga faaloonaysay in 21 December 2012 oo ah maalin jimce ah ay tahay maalintii ugu danbaysay ee Aduunyada aynu ku noolnahay, waxayna ku andacoonayaan in maalintaas Qiyaamuhu dhici doono. Dadka arimahan ka hadlaya ayaa u badan dariiqooyin ka tirsan diimaha kiristaanka iyo yuhuuda iyo weliba dadka Budistaha loo yaqaan ee caabuda waxaan waxna u taraynin waxna yeeli karaynin ee Sanamyo caabudka ah.

Qaar badan oo ka mid ah dadka arimahan aaminay ayaa maalkoodii iyo aduunkoodii qaybiyey ama cid kale siiyey maadaama oo ay filayaan inaan waqtigaas 21 december 2012 wixii ka danbeeya aduunyadu taagnaan doonin.

Arin kale oo wax lagu qoslo ah ayaa ahayd wiigan gudihiisii markii Tuulo dariiqeed diinta kiristaanka ah oo ku taal wadanka Faransiiska laguna magacaabo Bugarach ay dadkeedu sheegteen inay tahay meesha keliya ee ka badbaadi doonto marka qiyaamuhu dhaco sida ay sheegteen waqtigaas ay u mudaysteen. Sidaa aawadeed tuuladaas ayaa waxaa waxaa isugu soo ururaya dadkii ka tirsanaa dariiqadaas iyagoo ka kala imanaya daafaha caalamka , ujeedada ugu weynina tahay inay ka badbaadaan Maalinta ay qorshaysteen ee ku beegan 21 december 2012. Taas oo ah xili taariikheed ku sargo'an dhamaadka aduunka oo ay aaminsan yihiin dadka isticmaala jaantus taariikheedka loo yaqaano MayaCallender.

halkan ka daawo sawirka tuuladaas.

 

 

 

Arintan ayaan ahayn mid ku kooban dad yar laakiin fikradan ayaa noqotay mid ay ku faafiyeen malaayiin dad ah oo kale oo ku kala filiqsan daafaha caalamka. Mida kale ma ah markii ugu horeysay ee ay sidan oo kale sheegaan inay dadku nolosha ku sii dardaarmaan oo qiyaamihii dhacayo, 21-kii bishii May ee sanadkan 2011 ayaa ahayd waqti ay u mudeeyeen inay tahay Maalintii aduunyada ugu danbaysa jiritaankeeda taas oo ay imika ka soo wareegtay mudo bil keliya ahi.

Welwelka ay dadkani qabaan ayaa waxaa lagala soo dhex bixi karaa ugu yaraan inay rumeeyeen in aduunyada qiyaame ka dhici doono oo aanay sii taagnaan doonin.

dadka islaamka ah ayaan looga baahnayn arimahan oo kale inay rumaystaan maadaama Illaaha qaadirka ah oo keliyihi ogyahay waqtiga saacada qiyaame dhacayso laakiin waxaa looga baahan yahay in qof kastaa la yimaado camal iyo cibaado wanaagsan oo ilaahay raali ka noqdo.

hadii aad u baahan tahay macluumaad dheeraad ah oo warbixintan ku saabsan ka sii akhriso bogagan

Google.com/qiyaamaha gaaladu ku wareersan tahay

http://www.aftonbladet.se/nyheter/article13188575.ab

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top