Beesha Wacays Aadan(Axmed Garaad) oo sheegay inay Gogoshii nabada aqbaleen si dhab ahna u qaateen

Buuhoodle (saraarnews)- xubno ka mid ah waxgaradka iyo odayaasha beesha Wacays Aadan ee gobolka Buuhoodle ayaa sheegay inay aqbaleen oo taageerayaan wada hadalada nabadeed ee Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ugu baaqay deegaanada Sool iyo Buuhoodle.

odayaasha iyo  Beesha Wacays Aadan oo xalay khadka Telefoonka ugu waramayay Warbaahinta iyagoo ku sugan magaalada Buuhoodle ayaa sheegay inay beeshoodu go’aansatay inay si buuxda uga qeyb qaataan wada hadalada nabadda ee Madaxweynaha Somaliland iclaamiyay.

“Haddii aanu nahay waxgaradka beesha Wacays Aadan ee gobolka Buuhoodle oo ah beesha ugu soo xigta dhulbahante dhinaca Somaliland waxaanu diyaar u nahay inaanu si buuxda ugaga qeyb qaadano wada hadalada nabbadda iyo gogoshii uu Madaxweyne Siilaanyo u fidiyay beelaha Sool iyo Buuhoodle, sidaa waxaa yidhi oday Ismaaciil Cali Yuusuf (Fayaan) oo ku hadlayay magaca waxgaradkan.

Waxaanu intaasi ku daray “Waxa kale oo aanu diyaar u nahay inaanu Xukuumadda Somaliland kala hadalo danaha beeshayada waxaana aanu rajaynaynaa in aanu si buuxda isu fahmi doono.”

Waxa kale oo weheliyay sadex xubnood oo kale oo magacyadoodu kala ahaayeen Oday Maxamuud Nadiif Muuse, Oday C/Kayd Faarax Cabdille iyo Bashiir Cali Maxamed waxaanay tilmaameen inay ka qeyb qaadanayaan beel ahaan sidii nabad buuxda looga dhalin lahaa deegaanka Buuhoodle isla markaana ay wax ula qabsan lahaayeen Somaliland.

Be Sociable, Share!
© 2015: SARAARNEWS, All Rights Reserved | green Theme by: D5 Creation | Powered by: WordPress