Siilaanyo oo cadaystay Colaadiisii ku jeeday Beelaha Axmed Faarax una adeegsaday Karaaniyaasha Dahabshiil

Burco(saraarnews) Shirweyne degmada qoryaale uga furmi lahaa  Beelaha Gaashaan Buur Ahmed Faarax ayaa la sheegaya in xukuumada Siilaanyo khalkhal ku furtay si aanu u suuragelin, Xukuumada oo adeegsanaysa  Karaaniyaasha shirkada Dahabshiil  iyo Xubno xidig la wareer ah oo uu dhowaan magacaabay ayaa dhaqaale ku bixisay inaanu shirkaasi dhicin.

 Beelaha Gaashaanbuur Axmed Faarax oo waxgaradkooda Gudaha iyo debeda u soo diyaar garoobeen sidii ay shirkaas uga qayb geli lahaayeen iyadoo lagaga hadlayo horumarinta degaamada ay degaan ee dhinaca waxbarashada, caafimaadka , biyaha iyo masiirkooda siyaasadeed ee danbe, ayaa Siilaanyo oo colaad gaar ahaaneed iyo cuqdad siyaasadeed ka qaba beello badan oo habarjeclo ah oo beelahani ka mid yihiin isku deyey inuu joojiyo shirkaas.

Beesha Gaashaanbuur Ahmed Faarax oo ah Beesha ugu badan dhinaca taageerada siin jirtay Xisbiga KULMIYE ayaan ku qanacday inaanu Siilaanyo u soo wadan wax maslaxad ah iyo danta reerka ah. Waxaana la filayaa in la dhawaaqi doono bayaano Arintaa lagu Cadayn doono dhowaan , marka shirku soo dhamaado ee ay dalka soo gaashaan Xubno badan oo muhiim ah oo Debeda laga sugayaa.

Beesha Gaashaanbuur Ahmed Faarax ayaa sida la ogyahay ah beesha ugu degaanka balaadhan uguna tiro badan Beelaha Degaanka gobolka togdheer, waxaana xaqiiqo ah Xisbiga ay taageeraan inuu noqon doono ka guusha Doorashadu raaci doonto, Beesha ayaa Waxay ka kooban tahay Beelaha:

1- Mohamed Ahmed oo ay ugu waaweyn yihiin  (Badeed, Raage, Buraale Mohamed)

2- Abokor Ahmed oo ay ugu waaweyn yihiin ( Cali , Cabdi abokor)

3-Biniin Ahmed oo ay ugu waaweyn yihiin (Cali iyo Guuleed Biniin)

4- Reer Abdidoon (Abtidoon Ahmed)

5- Reer Saalax ( Xasan Ahmed)

6- Cabdi Xildiid (xildiid Ahmed)

7- Reer Xaad (Xaad Ahmed)

8- Rooble Ahmed (Iidle)

9- Faahiye Faarax

10-Bayle Faarax

Be Sociable, Share!

48 Responses to Siilaanyo oo cadaystay Colaadiisii ku jeeday Beelaha Axmed Faarax una adeegsaday Karaaniyaasha Dahabshiil

  1. sooyaan July 18, 2011 at 1:13 pm

    waar reerka ha ceebeeynina ee wax la garto ama la fahmo soo qora, Madaxweynahana meel aha kaga dhicin, wixii arkay aad bay idiila yaabeen

  2. Suuroodegumarsalo July 18, 2011 at 1:22 pm

    Habarjeclo Nusqaan siilaanyo iyo Dhiigshiil ka weyni taariikhdooda ma soo marin, ayaamo dhoweyd wuxuu doonayey inuu isku diro Axmed faarax iyo Daahir faarax , markay u socon weyday, hada wuxuu duulaan ku yahay axmed faarax dhexdiisa isagoo adeegsanaya, kuwii warqadahaha dhiigshil dadka u gee geyn jiray,,,,, Abokor Axmed Ragii laga dilayna Siilaanyo ayaa ka danbeeyey , Sidee ina Ayaanle aduunyada u marmaraa iyadoo labo nin Abokor axm,ea hi ku maqan yihiin

  3. Waa runtaa July 18, 2011 at 1:27 pm

    Siilaanyo Habaryoonis iyo Axmed Faarax wuu neceb yahay waa Run taasi walaahay , laakiin ishooduu ka arkay tiro badani waxba tarto ileen laangaab uma taliyeene, Habaryoonis walaakii bay dileen 1992 oo xaarwada kaaraha agtiisa lagu dilay, Axmed faarax iyo reerkiisa aadan madoobe waa col, taas buu u colaadinayaa, waana run in Rag abokor axmed ah ay laayeen , Boodhigaadhka siilaayo

  4. Geelo57 July 18, 2011 at 1:32 pm

    waar illaa hadal oo ma yiraahdo bal dadkan dhintay waxay meesha ku qoreen eega ilaahay halaga baqo cuqdadu ha dhacdo waxaninina qofka qoray fekerkiisa nacaska ah ma dhaafsiisna

  5. ayaan July 18, 2011 at 5:10 pm

    layaab
    axmad faarx muxuu ku cunayaa siilanyo markuu necebyahay waa niman tolkiiya war dadku yaanay idin maqline waxaasoo kale ha soo qorina dadkana cuqdad haysu galinina dadka madaxwaynahana meel hakaga dhicina

  6. Fahiye100 July 18, 2011 at 5:13 pm

    waxaan layaab lahayn dadkan shebekadu u soo dhaweysey wax dhihidii ayna u noqotey go ama cumaamad uu qofku isku qariyo.maxaa yeeley afgaab iyo madhane oo dhami balaayo xijaab ayay u noqotey.
    Aniga waxay ila tahay in ay haboontahay haddii aanad cadeyn hayn in aamusku wacan yahay qof umadiba caleemo saaratey waa qadef in laysa xag xagtaa wax dadka u cuntamana maydaan sheegin. Marii siilaanyo ladooranaayey maxaa u sheegiweydeen intaa iminka oo ay dhaharatey sheegeysaan.Haddii aydun wax cadeymo ah haysaan ii soo qora saleebaan s, Hassan fahiye100@gmail.com.
    Haddii kale raga odayaasha idiin ah aflagaaddada halaga daayo.

  7. Joog555 July 18, 2011 at 5:28 pm

    wiilka saalax war maad aad yar cago dhagtid reerka burushka uskaga la wareegaysid joojisid. kula yaabi maayo adiga iyo laangaabkiinaba ucqdad baad idinhaysaa tirina mahaysaan awoodna mahaysaan umadan aad isku xoqaysidna waa ka horayaan.
    mar aad tiraahdo lacag ayaa layga dhacay marna aad tiraahdo reer hebel ayuu neceb yahay meel ku gaadhimaysid.

    waad garanaysa kan la hadlaaya waa wiilak laangaabkaa uqdada qabaa…

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone