Wararka

Wadadii madaxtooyada oo Riyaale kooxdiisu ku gooyeen Baabuur waawey iyo ciidan wata gaadiid tikniko ah

Hargeysa(saraarnews)Gudoomiyaha oo ay gelbinayaan umadii reer somaliland yar iyo weyn ayaa imika soo gaadhay afaafka Hore ee madaxtooyada , hase yeeshee Ciidmada u daacada ah Riyaale kaahin ayaa ku gooyey wadadaas Gaadiid waaweyn iyo ciidan wata  TIKNIKO, waxayna u leexdeen wadada dhinac marta Dhaqtarka Hargeysa , halkaas oo la isugu tegey Xarunta Xisbiga KULMIYE, meel la istaagaa ma jirto ilaa afaafka Hore ee guriga Madaxweyne ku xigeenka, dumarkii ayaa Ciyaar qabsaday, meel kasta waxaa ka baxaya Heesaha Inagu KULMIYnu nahay , iyo Waa geesigii aan godob lahayn.

Hadaba Markaad eegtid sida jawigu yahay Ma ka tirsan somaliland oo sida maanta loo soo dhoweeyey Muj Siilaanyo loo soo dhoweeyey, waxa la sugaaba waa Gudoomiyaha oo dadka kala hadla Xarunta dhexe ee Xisbiga KULMIYE.

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top