ciidamada itoobiya iyo kuwa ismaamulka soomaalida ee kililka shanaad oo dad shicib ah ku xasuuqay deegaanka xamaro ee gobolka fiiq

Fiiq(saraarnews)warar ka ka imanaya deegaanda somali galbeed ama ismaamulka somalida itoobiya ayaa sheegaya in ciidamada isugu jira itoobiyaan iyo kuwa deegaanka oo loo yaqaano liyuu booliis ay dad shicib ah ku laayeen meesha looyaqaano xamaro oo kamid ah gobolka fiiq usbuucaan gudihiisa wararku waxa ay sheegayaan in ciidamadan oo ku raad joogay ciidama la sheegay inay katirsanaayeen jabhadda xoreynta ogaadeeniya ee ONLF ay soo galeen magaalada markii ay halkaa kawaayeen ciidankii jabhadda ayay horay usii kaxeysteen saddax haween ah oo laba kamidaahi midi umul ahayd midina ku jirtay bishii arooskeeda markii ay magaalda banaanka uga baxeen ayaa saacada kadib waxa lasoo helay sadaxdii haweyn oo meed ah taas ay aad ula yaabeen kana wada xumaadeen dadkii ehelkooda ahaa iyo kuwa deegaankuba sida uu noo xaqiijiyay mid kamid ah dhalinyarada deegaanka oo lagu magacaabo c/rashiid

dhibka iyo xasuuqa lagu haayo dadka soomaalida ee ku dhaqan deegaanadaasi ma ahan mid cusub ee waa mid si joogta ah uga halkaasi tiiyoo aanay jirin cid udoodeysa dadkaasi laxasuuqayo habeen iyo dharaar taasoo ay iska indha tirayaan kuwa isku sheegaya inay udoodan xuquuqda insaanka
 

By: axmed xasan indhooy

Be Sociable, Share!

2 Responses to ciidamada itoobiya iyo kuwa ismaamulka soomaalida ee kililka shanaad oo dad shicib ah ku xasuuqay deegaanka xamaro ee gobolka fiiq

  1. Omar_2010 August 15, 2011 at 1:40 pm

    naclad baa kutaal xabashi qof somali ah naf uma hayaan

  2. Axmedismaaciil August 29, 2011 at 10:29 pm

    Soomaaliyey inagaa halkaa isdhignay markay kala qaybsanay ee reer isu kala saarnay.