Wararka

Dagmada Ballidhiig Kuwaabarii​satay Saaka Tiifiiga Caalamigaa Ee Horn Cable TV iyo Wariyaha Ruug Cadaagaa Ee Kayse Digaale

Balidhiig(Saraarnews.com)- Dagmada Balidhiig ee xarunta dagaanka Beliweynta oo koobsata 20Tuulo oo ayxarun u tahay Dagmada Balidhiig ayaa waxa baryahan ka bidhaamaayey Cadceed dhaqdhaqaaq oo kala duwan hadii ay tahay waxbarashada raadinta biyaha caafimaadka Mahad weyn oo diiniya oo laga furaayo magalada iyo IskuulkaSare Ina Sanwyne ee Boodhanka isna ay ka socoto dhismahiisu kuna dhowyahay dhamaad dhakhtar weyn oo isna ladoonayo in laga hirgaliyo magaalada Balidhiig raadinta ceel biyood laga rabo in laga hirgaliyo Dagmada Ballidhiig iyo ganacsiga oo isna laga dareemaayo inuu soonoolaanayo lana arkaayo dhakhdhaqaaq xoogan oo ka jira magaalada Balidhiig.
 
 
Waxa baryahan ka jiray magaalada Balidhiig dhaqdhaqaaq ayna magaaladu lahayn labaatankii sano ee ina dhaafay kaas oo hada soonaaladay kala ah arimaha bulshada aadno moodo inuu jiro baraarug hada ay indha ku kala qaadeen dadka dagaanka ka kooban 20 tuulo laguna qiyaaso inay ku nool yihiin ilaa 50.000 oo qof kaas aywadaan qurba jooga reer Ballidhiig iyo dadka dagaanka Balidhiig oo hada aad moodo inay kasoo kaceen hurdo una eeg kuwa baraarugay.
 
Goordu waa 7:00 subax nimo cirkuna uusan lahayn wax daruura jawiga aad u fican yahay ayaa waxa indhahayga ku dhacay Weriyaha caankaa ee aadka looga jecel yahay gobalka togdheer Kayse Digaale  iyo kamaradaha wax duuba iyo gaadhiga aad u qurux badan iyo qurba joog wada socda oo dhaxtaagan magaalada meel farana kala hadlaaya dadka qaarkis dhalinyaraduna ku xoon santahay salan kadibiyo bariido fiican iyo kaftan wadag.
 
Waxa la,iisheegay inay u yimaadeen inay duubaan Mahad ka diinigaa oo indhawayda laga waday magaalada Balidhiig oo lasaadalinaayey in lafuro inta aan iskuulada lagu noqon kaas ay hirgaliyeen qurba jooga reer Balidhiig ee ku maqan qaarada Yurub iyo Ameerika iyo bulshada dagaanka ku dhaqan oo iskaashanaaya iyo mashaariicda kale ee ka socota magaalada Balidhiig oo ay ka wadan qurba jooga taas oo u badan dhinaca wax barashada iyo caafimaadka.
 
Waxa aynu sugnaaba waa muuqaalka quruxda badan aynuna ka daawano Tiifiiga caalamigaa ee Horn Cable Tv iyo codka wariyaha Kayse Digaale ,Mahadkan ayaa waxa aad u soodhaweeyey dadka dagaanka ay koobsato magaaladu waaxanad ku arkaysaa dadka kalayimi magalooyinka Coodanle Dharyalay Dhagaxdheer Sibidhlay Taalabuur Dhoqoshay jaamac qabar maxamaded Ugaas oo dhaman u yimi mahadkan.
Iskusoo wada duuboo waxa aad moodaa inay magaalada Balidhiig ay qurba joogeedu dhaxda u xidhay inay magaalada Balidhiig soogaadhsiiyaan magaalooyinka kale ee Somaliland hadii ay tahay dhinaca wax barashada caafimaadka iyo arimaha bulshada iyo dhamaanba waxyaalaha u ah asaaska nolosha,Dhanka kale xukuumada Somaliland ayaan iyadu haba yaratee ka gaabisay inayn howshaa ay wadaan dadka daganka iyo qurba jooga oo iskaashanaya inay wax kudarsato halka aanad ku arkayn magaalada wax haayada oo mashaariic ka wada iyadana.
 
Ahmed Nuur Faarax
Dagmada BBalidhiig Xarunta dagaanka Baliweynta
Togdheer
 
 

By: Ahmed Nuur Farax

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top