Faallo: Hadda saadooy Ana goobta waa joogay !
Hadii lagu sheego waa la is sheelaa hadii lagu sheelana waa la is sheegaa !
waxaan idiinku soo gudbinayaa qiso suugaaneed. Qisadaas oo ku saabsan Heesta Saado Cali ka dhigtay inay Isaaq u dooday oo ay u heestay "Ileen hadal oo ma yidhaaho "
Heestaa Waxaa la yidhaahaa Dhawaaq murugo waxaana Midhaheeda sameeyey horaantii sanadkii 1989-kii Abwaan Axmed Nuur Yuusuf (AHUN)oo ku dhashay Degaanka Baargaal intii aan laxanka la saarin aniga ayaa gacantayda ku qoray heestaas maadaama oo aanu saaxiib ahayn Abwaankaas, welibana ku daray heestaa beydadka ay ugu faanayso dadka isaaqa ah, mana sheegan karo waa xeerka halabuurka soomaalida in dhawr tuduc la isku soo tuuro oo aan la isu sheeganin, waxayna ahayd xarunta Ururkii dhalinyada soomaaliyeed ee xarunta u ahayd kooxdii aan markaa ka tirsanaa. Waxa arintaas markhaati ka ahaa nin reer boorame ah oo la yidhaaho Axmed Siciid Diiriye ( axmed tacab) oo aanu kooxda ka tirsanayn.
Abwaan Axmed Nuur Yuusuf oo ahaa nin aad u qiimo badan Hadaanan kulmin Maalintaa ta ku xigta waxaanu ku kulmi jirnay xarunta Kooxdii Dhalinyarada, waxana uu ka mid ahaa Abwaano badan oo aanu ka wada qayb galay Xul tartan suugaaneedkii lagu qabtay Hotel al Curuba 1987-kii isaga iyo axmed siciid diiriye ( halkan ka akhriso xul suugaaneedkaas)
Fili maayo sidaan xogogaal ugu ahay inay xitaa saado cali heesta malaa ujeedadeeda u fahamsan tahaye, heestu waxay ku jirtay heesihii dareenka Fanaaniinta ee soo baxay sanadakaas , hadaba la soco heesta ujeedadeeda xaga hoose ayaan kaga sheekayn doonaaye.
Abwaankaasii heestaa oo keliya uma dhiibin Saado Cali Warsame laakiin waxaa jirtay silsilad heeso ahayd oo abwaan Axmed Nuur yuusuf sameeyey oo ay wada qaadi jireen Maxamed Cabdi sheekh carab oo ka tirsanaa kooxdii Iftin, oo xitaa halka lagu duubay ay ahayd xaruntii kooxda aan ka tirsanaa ee Muqdisho, qaarkeedna aan la toos toosiyey. Hadaba silsiladaa Qaxooti miyaad rabtaa waqti kalaan ka hadli doonaaye waxay ahayd heestii labaad ee abwaankaasi leeyahay ee ay qaado Saado cali warsame.
Daawo heesta oo dhegayso
Qisada heesta:
heestu waxay soo baxday markii odayaashii Soomaalida iyo siyaasiyiintii wadanka Magaca ku lahayd siyaad barre u soo jeediyeen inuu talada wadanka ka dego oo joojiyo xasuuqa uu ka geystay gobolada Somaliland, ka dibna odayaashaas oo dhan uu jeelka iyo xabsiga ku guray. Odayaashaas oo ay ka mid ahaayeen, Aadan cabdulle Cismaan, Cali barduuro, Maxamed cawaale liibaan, xaashi weheliye, Maxamed Abshir haamaan, prof Abyan iyo jirde Xuseen. hadaba Abwaanku isagoo ka xumaaday sida Xukuumada siyaad barre ula dhaqan tahay ragaas odayaasha ah oo qaarkood abawaanka ay aad isu xigeen ayay ka dhalatay.
waana Raga heestu ka hadlayso ee mid mid u sifaynayso
Beydka saado cali ku faanayso ee ah (dhamaan reer waqooyi aaway, Maxaa odayadi ka dhirifshey) waxay ka mid ahaayeen toos toosintii aan heestaa ku daray maantana saado cali Libteeda iyadaa sheegatay bal adba.
Halkan Hoosena ka fahan Nuxurka heesta iyo Bayd kasta ujeedada ay ka hadlayso oo aan ka horaysiinayo waana sidan:
- Beydadkan wuxuu kaga hadlayaa xaalada murugsan ee Soomaalida haystay iyo sida quusta looga joogsaday xukuumadii iyadoo markii xoriyada la qaatay ay ka soo wareegtay 30 sanadood.
Xalaan dhadhaboo riyooday
Dhawaaq murugaan maqlaayey
Markii aan calanka dhidibnay
Ma sodon guuraynu dhaafnay
Halkii dheef laga filaayey
Miyaan dharababa ka weynay
Ma juun baan dhega barjawnay
Ma luulyaan dhaxal ka waynay
Dhibaha na hayaa tar weynaa
- Beydadkan hoosena wuxuu kaga hadlayaa rag ka mid ahaa SYL oo ka mid ahaa xubnihii aasaasay waqtigaas dadka la xidhay ka mid ahaa iyo tijaartii ay ka mid ahaayeen Jirde xuseen iyo Xaashi weheliye , aqoonyahankii ay ka mid ahaayeen Prof Abyan iyo culimadii kale ee lala xidhay.
Ragii gobanimada dhaliyey
Miyaa dhulka lagu xumeeyey
Dharaar xabsi loo taxaabay
tijaartii miyaa dhab loo xiray
aqoonyahan miyay dhirfaayaan
Ma culimaan dhimana Noolayn
Ma dhiilo col baa baxaysa
ma dhiigii dadkaa qulqulaya
dhurwaayo miyaa cabaaya
- Beydadkan wuxuu kaga hadlayaa Aadan Cabdulle Cismaan oo ka mid ahaa Raga la xidhxidhay oo ahaa madaxweynihii ugu horeeyey ee soomaalidu yeeshaan
Dhunoo dhaygagnoo wareernee
Ninkii madaxweyne dhaarta
Dhoobada dalka ugu horeeyey
Dhambaalka midnimo saxeexay
Dhigiisa markii la doortay
Xukunka xaragada u dhiibay
Makastu ma inay ku dheeshaa
- Beydadkan oo ahaa qaybta aan abwaanka ku biiriyey ee Marqaatiga uu ka yahay Axmed siciid Diiriye (tacab baa tanaad leh) isla markaana saado cali ugu tar sheegato Qabiilka somaliland u badan waxay ka hadlayaan dhibaatadii Nidaamkii siyaad barre ka geystay dhulka somaliland sanadkii 1988-kii waxayna ahaayeen sidan:
Dhamaan reer waqooyi aaway
Maxaa odayadi ka dhirifshay
Haweenkii maxaa dhameeyey
Maxaa dhalinyaradi laayey
dhalaankii maxaan u weynay
Aheey way aheey way (laxankaa keenay intaas)
Maxaa dhan walba u bas beelshay
Guryihi aan wada dhisaynay.
- Beydadkani soo socdaana waxay ka hadlayaan Maxamed Cawaale Liibaan oo ah nin Reer soomaaliya u aaminsan yihiin inuu sameeyey Calanka Buluuga ah ee xidigta cad leh sanadkii 1954.
Ninkii dhigay dhalan buluuglay
Isagoo xidigteeda dhawri
Lafdhabarkii kama xishoone
Ma dhaafe askare ma dheelmay
- Beydadkani soo socdaana waxay ka hadlayaan ninkii Halgamaaga ahaa ee ka mid ahaa ragii gumaystihii talyaaniga aadka uga hor yimi oo isagana raga la xidhay ka mid ahaa.
Markay dhaqaaq xoriyadeed
Dhulkeena laga bilaabay
ninkii dhagaxii u horeeyey
gumaystihi dhacay ku tuuray
ninkii dhaawacu ku gaadhay
Dhiigiisu u hooray ciida
Dhiirane ma ifkay ka qariyeen
- Beydadkani soo socdaana waxay ka hadlayaan nin la odhan jiray Barduuro oo la sheego in Irbad sun ah lagu muday Irbadaas oo la doonayey in lagu dilo cabdillaahi Ciise maxamuud mar uu doonayey inuu ka hadlo qaramada midoobay si soomaalida talyaaniga xoriyad loo siiyo kana soo qaaday maamul hoosaadkii uu madaxweynaha ka ahaa, ninkaas oo ka mid ahaa kuwii waqtigaas siyaad barre xidhay.
Markii ergaygeenu dhoofaye ( Cabdillaahi Ciise Maxamuud)
dhawaaqeen UNada geeyey
Xoriyo loo dhan yahay dalbaayey
Ayaankii ninkii la dhaafshay
halyaygii naftiisa dhiibee
Duriinka dhibaatadiisa
Bilaha dhinaca ula yaalay
ninkii dhimasho u badheedhay
Miyaa xabsi dhagaxa jiifa
- Beydadkani soo socdaana waxay ka hadlayaan wuxuu abwaanku waydiinayey Afweyne barre ma cid aan adiga ahayn baa wadanka ka talisay oo dhibaatada intan leeg ummada u geysatay, bal is weydiiyoo maxaa dadkii la kaceen ee lagaaga hor yimi.
Dhabtii amakaag la yaabee
War yaa dhaanka ceelka geeyey
Maxaa dheeliga u keenay
Maxaa caynka dhabarka mariyey
Dhoomaha biyihii ka daadshay
Maxaa naga wada dhawaajay.
Waxaan sheekada kaga baxayaa hal hays uu odhan jiray oday noo awoow ahaa ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyee oo marka uu arko nin arin iyo xaajo uu goob joog u ahaa si kale u sheegaya ama arin aan meesha oolin soo gelinaya ayuu ku odhan jiray : "Hadda Hebeloow Ana goobta waan joogay"
Qallinkii M M Nur Qawdhan



Hadaad wax soo qorayso wax run ah baa la soo qoraa heesta waxaa sameeyay (AHN)
Abdi Muxumud AAmin oo abwaanadii waaberi ahaa.Maxaa Ahmed Nuur Yuusuf heesihiisa Saado u keenay Sado waaberi bay ahayd isaguna Iftin. Adeer Sadohaday qaaday heesta lib kuma sheegato waayo dad walaaleheed ah oo ay u arkaysay in ay dhibaataysan yihiin bay u hadalaysay. iminkana dee hadaad Faras cad kortaan way idinka deginaysaa oo hadii ay idin daba gasho meel aad marteen dib loo arkimaayo ee garaabaday idinku daraysaa idinka iyo kaba calfta Amxaarada ah ee aad wadataan kkkkkkkk waar yaa yidhada afkiina haysta ayay bada idinku darinee masaakiin yahay dheelalawsani.
Warsame saaxiib adiga uun maaha ee dad badan baa u haysta inuu sameeyey Abwaan cabdi Muxumud Aamiin,, Heeshaa dareenka Fanaaniin ta ku jiray ku jiray,, Cabdi Muxumed Aamiin wuxuu lahaa,,, Laankuruuser gado, Minii la yaabo yaasiinka iyo Dalkayga waan jeclahay, Heesta Allaylehe Shil baa dhacay waxaa lahaa Kaariye, Heesta ninka Yaw warama waxaa löahaa Barre Maxamed Fiidow, waxaa isna hees lahaa Abwaan Yuusuf Aadan allaale Cismaan askari walaalkii.
Markaa heestu waa sidaa abwaanku u sheegay waxaana lahaa Abwaan Axmed Nuur yuusuf oo ah Nin Majeerteen ah oo reer Baargaal ah.
Waa wareey!!!!!! Maxay soo kordhinaysaa heesta xilliguu wadanku faraha ka baxay la qaaday. Waa la ogaa markaa inaan waxba hadhin in lays daba raaciyo mooyee. Cid kasta oo tirsayba waxba kama bedelin wacdigii waagaa jirey.