Xukuumadda Somaliland Oo Diiday Xidhiidh Ay Dawladda Israel Ugu Yabhooday Inay Somaliland La Yeelato, Iyo Safiirka Israel Ee Dalka Ethiopia Belaynesh Zevadia Oo Arrinta Ka Hadashay

 

 

 

Addis Ababa (saraarnews)– Safiirka dalka Israel u fadhiya magaalada Addis Ababa haweenayda lagu magacaaboBelaynesh Zevadia ayaa iyadoo u waramaysay telefishan laga leeyahay dalka Israel oo la yidhaahdo Isra Tv waxay kaga hadashay xidhiidhka Israel iyo dalalka Beriga Afrika.

Belaynesh Zevadia waxay si qoto dheer uga warantay xidhiidhka u dhexeeya dalka Israel iyo Dawladda Ethiopia iyadoo sheegtay inay Israel gacan weyn ku leedahay kala shaqaynta dawladda Ethiopia dhinaca ammaanka, iyo horumarinta arrimaha bulshada, waxay sheegtay inay Israel ugu deeqday dalka Ethiopia 2.6 Mitric Tone oo raashin ah markii abaarahu ku dhufteen gobolada dalka Ethiopia, waxay sheegtay in xidhiidka Israel iyo Ethiopia yahay ka ugu wanaagsan ee ay Israel Afrika inteeda kale la leedahay.

Belaynesh Zevadia oo xilkani dhawaan loo magacaabay isla markaana dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Ethiopia ayaa waxay markii ugu horaysay ka warantay khatarta kooxaha xagjirka ah ee ka jira gudaha dalka Soomaaliya iyadoo sheegtay inay Israel u aragto kooxahaasi inay khatar ku yahiin danaha Israel ee mandaqadda waxay sheegtay inay gacanka dhinaca sirdoonka iyo militeryga ahba ka siiyaan dawladda Ethiopia sidii loola dagaalami lahaa.

Belaynesh Zevadia oo wax laga weydiiyey danaha Israel ee mandaqadda bedda cas waxay sheegtay in Israel ay xidhiidh wanaagsan la leedahay dalalka bedda cas ay wadaagaan.

Safiiradda dalalka reer galbeedka Addis Ababa oo ka qayb gallaya xaflad loo sameeyey magacaabista Belaynesh Zevadia

Mrs Belaynesh Zevadia  waxay markii ugu horaysay carabka ku dhufatay xidhiidh ay Israel la yeelato Jamhuuriyadda Somaliland iyadoo sheegtay in Xukuumadda Somaliland ay diideen mar ayey tidhi safiirkii iyada ka horeeyey uu isku dayey inuu xidhiidh la sameeyo Somaliland “waxaanu isku daynay inaanu la hadalo qaybaha Soomaaliya ee xasiloon, Somaliland waa goob degen oo ku dhawaaqay inay ka madax banaanadeen Soomaaliya inteeda kale, runtii waanu soo dhawaynayna inay madaxdoodu ka shaqeeyeen nabadgelyada, dimuqraadiyadda iyo xasiloonida gobolkaasi ka jira, waxaanu isku daynay inaanu la xidhiidhno oo isku dayno inaanu Somaliland caawino, sannadkii 2005-tii ayaa safiirkii iga horeeyey wuxuu waraaq u qoray Dawladda Somaliland waraaqdaasina naloogama soo jawaabin, dhawr jeer oo aanu isku daynay inaanu masuuliyiintoda mar ay halkani Addis Ababa yimaadeen la hadalnana way naga gaabsadeen” ayey tidhi Mrs Belaynesh Zevadia

Mar la weydiiyey waxay u sababayn karto sababta madaxda Somaliland ay u saluugeen xidhiidh ay Israel la yeeshaan ayaa waxay tidhi “ma garan karo, iyaga ayey qumantahay in la weydiyo, Israel markasta waxay danaynaysa ammaanka iyo horumarka gobolka, waxaad ogtahay inaanu nahay dal biyaha bedda cas la wadaaga dalal kale waxaananu jecelahay inaanu markasta xidhiidh la samayno cid kasta oo nala wadaagta dhinaca bedda iskana kaashano wax walba” ayey tidhi Mrs Belaynesh Zevadia

mar la weydiiyey waxyaabaha ay ka caawin karayaan Somaliland waxay tidhi “kollay ma qumana inaan halkani ka sheego, hayeeshe waxaanu fahansanahay inay Somaliland tahay dal doonaya madax banaanni inay hellaan Israel waxaa ugu yar ee ay wax kala qaban karaan waa inaanu iskaashano, aad ayey noogu muhiimtahay inaanu fahano oo kala sheekaysano danaha naga dhexeeya dal aanu wadaagno biyaha bedda cas” ayey tidhi Belaynesh Zevadia

Sawirkani bidix ka bilaw Diana Diiriye, Dhexda Wasiirkii hore arrimaha gudaha Ciro, Midig Cabdilaahi Diiriye

Sawirkani bidix ka bilaw Diana Diiriye, Dhexda Wasiirkii hore arrimaha gudaha Ciro, Midig Axmed Cabdilaahi Diiriye

sannadkii 2006-dii ayaa Madaxweyne Rayaale wuxuu xilkii Safiirnimo ka qaaday safiirkii u joogay magaalada Addis ababa Somaliland ka dib markii uu socdaal waagaasi ku tagay magaalada Televiv, socdaalkaasi oo safiirku ku sheegay wakhtigaasi mid caafimaad balse ay Xukuumaddii Rayaale saluugtay, Wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda ee Somaliland ilaahay caafimaad ha siiye oo mar la weydiiyey siduu u arko xidhiidh somaliland iyo Israel dhex mara ayaa ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo arrintaasi, Marwo Diana Diriye oo ah Gabadh Aabaheed Somalilander yahay balse hooyadeed British tahay oo ka mid ah Saaxiibadda Britishka Israel oo iyaduna la xidhiidhay Halbeegnews ayaa sheegtay inay Dawladda Madaxweyne Siilaanyo ku gacan saydheen mar ay isku dayday inay isku xidho Somaliland iyo Israel

Xukuumadda Somaliland ayaan ka bixin faahfaahin dheeraad ah sababta ay u saluugsantahay xidhidh ay Israel la samayso maadama oo dalalka carabta badankood aanay liqi karin aqoonsi caalami ah oo Somaliland bulshada caalamka ka hesho, Israel ayaa leh Dalladda dunida ugu weyn ee isku xidhan oo la yidhaahdo AIPAC, taasi oo ah dallad u ololaysa Israel iyo weliba dalalka xidhiidhka la leh kuwaasi oo ay aqoonsanyahiin dhammaanba dawladaha waaweyn ee dunidu.

Belaynesh Zevadia ayaa 29-kii bisha February loo magacaabay Safiirka Israel ee dalka Ethiopia, Belaynesh Zevadia  waa gabadh asal ahaan ka soo jeeda dalka Ethiopia, waxaanay sannadkii 1984-kii waxbarasho u tagtay dalka Israel, waxaanay hore u ahayd xidhiidhiyahii militeryga ee Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Ethiopia magaalada Televiv, waa gabadh ka soo jeeda qoomiyadda Oromadda ee dalka Ethiopia

source:Halbeegnews

Be Sociable, Share!

2 Responses to Xukuumadda Somaliland Oo Diiday Xidhiidh Ay Dawladda Israel Ugu Yabhooday Inay Somaliland La Yeelato, Iyo Safiirka Israel Ee Dalka Ethiopia Belaynesh Zevadia Oo Arrinta Ka Hadashay

  1. idriz ali March 8, 2012 at 4:14 pm

    aniga waxaay ilaa tahaay in somaliland khalaad aay samaaysaay wayo inaanu laa xidhidhno waay ficaan tahaay isreal  iyo somaliland waa inaanu dantena ka fakarnaa gacaan saaydh yanaan la samaan ee haa la soo dhaweeyoo 

  2. kawsar March 18, 2012 at 10:35 pm

    waa khalad ay samaysay somaliland halkaa waxa ka cad in aanay somaliland doonayn inay hesho aqoonsi caalami ah hadaynu aqoonsi doonayno waa wadanka kaliya ee cidwalba ka dhaadhicinkara qadiyadeena

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone