Wararka

ISU SOO BAX BALAADHAN OO LAGU SOO DHAWAYNAYO MUJ:SIILAANYO OO MAANTA KA DHACAY BURCO.

Burco(saraarnews)Isusoo bax balaadhan oo ay ka soo qayb galeen dadwayne aad u tiro badan , masuuliyiin ka tirsan xisbiga kulmiye salaadiin iyo waliba wax garad aad u tira badan ayaa saaka gelinkii hore gilgilay qaybo ka tirsan xaafadaha magaalada burco ee xarunta gobolka togdheer.

Isusoo baxan ayaa ahaa mid ay dadwaynaha reer burco ku muujinayeen sida ay u soo dhawaynayaan uguna Qayb qaadanayaan soo dhawaynta Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee kulmiye mud.Axmed maxamed maxamuud siilaanyo oo maanta gelinka hore ka soo degi doona madaarka Diyaaradaha ee magaalada Hargaysa.

oo sida wararka aanu ku helnay ay ku sugayaan dadwayne aad u tiro badan oo ka qayb qaadan doona soo dhawaynta Mr Siilaanyo.
Hadaba dadwaynaha reer Burco ayaa dhankooda soo abaabulay isusoo bax aad u Balaadham oo ay kaga Qayb qaadanayaan soo dhawaynta siilaanyo.

Halkaasi oo dadku ay isagu soo urureen isuguna yimaadeen xarunta xisbiga kulmiye ee magaalada Burco halkaasi oo ay buux dhaafiyeen Dadwayne aad u tiro badan .

Dadka ayaa ruxayay calamada Xisbiga Kulmiye iyo caleemo Qoyan waxayna isugu soo urureen Barxadda xarunta ama Xafiiska Xisbiga KUlmiye ee magaalada Burco.

intaa kadib waxa dadka kula hadlay halkaas madax ka tirsan xisbiga kulmiye oo Uu horkacayo Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Mujaahid:maxamed kaahin ,Xildhibaan maxamed ducaale oo ka tirsan baarlamanka somaliland,Gudoomiyaha awal bari c/laahi M. c/raxmaan ,

Sidoo kale waxa halkaasi gabayo iyo waliba maansooyinka soo jeedayay Qaar ka Mida Dadwaynihii ka soo Qayb galay so dhoweynta Mujahid Siilaanyo ,waxana ka mid ahayd SIRAAD MAXAMED waxay halkaasi kasoo jeedisay Buraanbur ay ku dhiiri Gelinayso Gudoomiyaha xisbiga mucaardka ah ee kulmiye muj:siilaanyo iyo waliba Shacabka somaliland …….

Isku soo wada Duub oo banaanbxan ayaa ahaa mid ay ka soo Qayb galeen Dadwaynaha reer burco oo oodahooda wata ,
Kuwaasi oo wajiyadooda laga dheehanayay sida ay ugu faraxsan yiin soo Dhawaynta mujaahid siilaanyo ,kuwaasi oo ku Dhawaaqayay erayo soo dhwayn ah Iyo waliba erayo lid ku Ah xukuumadda madaxwayne rayaale.

Source: togaherer

Be Sociable, Share!

The Latest

To Top