Waxa dhawaan aad ka warqabteen inuu jiray nin la yidhaahdo Cumar Faaruuq Cabdulmuttalab oo u dhashay Nigeria oo damacsanaa, inakstoo shaki badani ku geedaaman yahay, inuu qarxiyo dayuurad laga leeyahay dalka Maraykanka.

Ninkaas Cumar la yidhaahdo aabihiisa oo ahaa nin bangi madax ka ah, kana mid ahaan jiray golaha wasiirada ee dawladdii hore ee Nigeria wuxuu u sheegay safaaradda dawladda Maraykanka inuu inankiisu ku lug leeyahay kooxda al-Qaacida. Safaaradda Maraykanku oo magaca inankaas Cumar Faaruuq Cabdulmuttalab uu liistada kombiyuutarka ugu jiro ayaa haddana siisay fiise ah inuu dhawr jeer geli karo oo ka bixi karo dalka Maraykanka (multiple visa). Waxa inta dheer wiilkaas oo aabihii qabo gabadh Yemeniyad ah, lana shaqaysto shirkad kontaraag ku haysta hubka Nigeria laga iibiyo DICON (Defense Industries Corporation of Nigeria) oo ay maamulaan ciidamada sirta ee Yuhuudda ee loo yaqaan MOSSAD, dadka uu Yemen ugu tegay waxay ahaayeen niman laga soo daayey Guatanamo xilligii uu George Bush madaxweynaha ka ahaa waddankaas Maraykanka oo ku xidhnaa jeelka Guatanamo oo lagula taliyay madaxweynaha inaanu sii deyn nimankaas khatarta aha ee dad dilka aha balse qaar kale oo farabadan oo aan waxba galabsan oo ku jira jeelkaas la sii daayo. Nimankaas oo la kala yidhaahdo Maxamed Caadiq Al-Xarbi (oo Guatanamo ka ahaa Maxbuus Lam 333) iyo Saciid Cali Shariici ((oo Guatanamo ka ahaa Maxbuus Lam. 372) waxa loo dhiibay dawladda Sacuudiga oo iyaduna markiiba u tallaabisay xuduuda Yemen kuwaasoo mukhaabiraatka Sacuudiga iyo dawladda Maraykanku ay isla ogaayeen lana filayo inay u immika u shaqeeyeen dawladda Maraykanka. Waxa intaas dheer in wiilkan ay labo garyaqaan oo lamaane ah, oo ku sugnaa madaarka Schiphol ee Holland, kuna takhakhusay sharciga qoyska (Family Law) ay indhahooda ku arkeen, dhagahoodana ku maqleen iyadoo uu nin hindi u eegi uu ku leeyahay mid ka mid ah shaqaalaha albaabka dayuuradda laga fuulo taagan, “Wiilkani [Cumar] baasaboor ma haysto ee wuxuu doonayaa inuu dayuuradda fuulo”. Waxa Cumar loo geeyey maamulihii madaarka halkaas oo markii ku xigtay ay lamaanahaas Cumar ku arkeen markay Michigan ka degayeen ee la yidhi ninbaa is-qarxinaya. Labadaa garyaqaan ee is-qaba oo la kala yidhaahdo Kurt Haskell iyo Lori Haskell waxay caddeeyeen inay hubaan in Cumar dayuuradda lagu soo saaray bilaa baasaboor. Waxay ku adkaysteen lamaanahaasi in la soo saaro fiidiyowgii (Video) ay kamaradaha fara badan ee ku rakiban madaarka Schiphol la soo saaro, hase ahaatee FBI-du way ku qosashay. Illaa immikana waxa xoog loo rumaysanyahay in arrintani ay ahayd mid laga soo shaqeeyey oo ujeedadeedu ay ahayd in magaca muslinka la xajiimeeyo loona tuso dadka reer galbeedka ah in muslinku ay cadow yihiin oo waddanka Yemen sidii loo baabiiyey Ciraaq iyo Afqaanistaan loo baabiiyo.

Waxaan arrintan uga gol leeyahay in iyadoo waxaas oo shaki ahi uu ku geedaaman yahay arrinta Cumar Faaruuq Cabdulmuttalab ayuu madaxweynaha Maraykanka Barack Obama uu qaatay oo aqbalay inuu isagu masuul ka yahay arrintaas dhacday ee ah inuu wiilkaasi sidii uu doonaba ha ku soo gaadho ciidda Maraykanka eh uu isku dayey inuu dilo dad maraykan ah.

Qaladaadkii ay hay’adaha sirdoonka sameeyeen oo dhan isaga ayaa dhabarka u ritay oo aqbalay inuu masuul ka yahay arrintaas. Wuxuu yidhi, masuuliyaddu halkanay ku joogsataa (The buck stops here), taasoo micnaheedu yahay meel kale oo masuuliyaddaas la isaga sii riixaa ma jirto ee madaxweynaha ayey tahay inuu aqbalo masuuliyaddaas. Obama wuxuu aqbalay nin xil qaaday eed qaad. Wuu ka war qabaa shakiga iyo tuhunka ku geedaaman kiiskan balse wuu aqbalay masuuliyadeeda waayo waa masuulkii ugu sareeyey waddanka ee ka masuul ahaa wixii waddanka ka dhaca. Isaga ayey tahay inuu hubiyo inaanay mar dambe waxaas oo kale dhicin.

Inaad fahamto intaas uma baahna inaad haysato shahaado jaamacadeed iyo inaad nin siyaasadda ruug caddaa ku ah aad tahay balse waxay u baahantahay caqli wanaagsan oo ah inaad fahamsantahay xilka ku saaran inta uu le’egyahay iyo inay kugu xeeran yihiin dad caqli fiicaan oo arrimaha siyaasadda, dibloomaasiyadda iyo sida wax loo maamulo yaqaana oo daacad ah. Nasiib darro, Daahir Riyaale midna ma laha intaas. Waxa ku xeeran niman u sheega waxa dhegihiisu jecel yihiin inay maqlaan. Isaguna maaha nin caqli wanaagsan u dhashay.

Waxa waddankeena beryahan ka dhacayey dilal is-daba joog ah oo lagu hayo madaxda Somaliland ee gobolka Sool iyadoo ujeedad ka dambeysaa ay tahay in loo eekeysiiyo Somaliland inay tahay meel xasilooni darro ka jirto oo aan istaahilin in la aqoonsado isla mar ahaantaana lagu wiiqayo si loo hor joogsado doorasho xor ah oo xalaal ah oo ka dhacda waddanka.

Haddaba saraakiisha ka tirsan dawladda Somaliland ee lagu laayay Laas Caanood waxa la filayey inay dawladdu af iyo addinba ku difaacdo oo daryeel fiicanna ay u fidiso qoysaskii ay ka baxeen. Daryeel ay u fidiso iska daaye, madaxweynuhu arrintaas halista ah ee khatarta joogtada ah ku haysa amniga qaranka (National Security) iskumuu dhibin inuu ka hadlo balse barkimada ayuu dheeraystay oo mar qudha afkiisa hadal lagama hayo mar uu Siilanyo eedayn uu u soo jeediyey iska difaacayey mooyaane. Waxaad ogaataa nimankan saraakiisha ah ee la dilay inay yihiin rag u shaqaynayey maamulkiisa.

Riyaale ka sugi mayno inuu aqbalo masuuliyadda dilalkaas ka dhacay meesha balse waxa laga la’yahay inuu ka hadlo.

Haddaba markuu madaxweynuhu difaaci waayo oo uu ka hadli waayo dilalka lagu hayo saraakiishii dawladdiisa, waa ayo cidda uu mas’uul ka yahay? Yuu u fadhiyaa kursiga? Miyeynu odhan karnaa dawladdu way fahmi kari weyday intaa aynnu garanay. Ma odhan karno way garan kari waayeen, laakiin ujeeddo ayey uga dan leeyihiin oo waanay doonayn inay ka hadlaan.

Waxa laga yaabaa kuwa dawladda qaladaadkeeda difaacaa inay yidhaahdaan raxan wasiiro ah ayaa loo diray oo arrinka ku dhex jirta laakiin su’aashu weli waxa weeye muxuu madaxweynuhu arrinkan uga hadli la’yahay?

Taliyaha saldhiga bileyska ee bariga Laascaanood oo jimce dhaweyto yimi masjid ku yaalla Laas Caanood ayaa ka dhex sheegay masjidka inuu yahay nin carruur iyo xaas leh kana baqanyo in la dilo, wuxuu intaa ku daray in saraakiishii hore ee la dilayna ay dawladdu ku lug lahayd. Dawladdu eedaynta baaxaddaas leh kamay jawaabin.

Waxa iyaguna sidoo kale dawladda ku eedeeyey dilalkaas jilibka uu ka soo jeedo mid ka mid ah saraakiishii la dilay oo tilmaamay inay dawladdu ka dambeysay dilka sarkaalkaas beeshooda ka soo jeeday.

Su’aasha meesha haddaba ku jirtaa waxa weeye waa maxay wuxuu masuulkii ugu sarreeyey waddanku uu isaga jiifo ee uu barkinta u dheeraystay. Arrintaas dhawr wax ayey mid ahaan noqon kartaa:

ü In sida uu sheegay sarkaalkaas iyo odayaasha jilibka mid ka mid ah saraakiishii la dilay inay dawladda tahay kuwa dilka ka dambeeyaa waayo dawladdu may beenayn illaa immika arrintaas. Sidaa awgeed waxa loo qaadan karaa inay dawladdu masuul ka tahay dilalkaas. Waxa arrintaas sii xoojinaya in dawladdu walxaha qarxa ay dhawr meelood dhigtay oo waddanka ka mid ah sida beesha caalamka iyo siyaasiin sareba ay rumeysan yihiin.

ü In aanu Riyaale garanayn gebi ahaanba waxa ay tahay masuuliyadda madaxweynanimo oo markuu ogaaday inay dadku naceen sida uu isaga qudhiisu afkiisa ka qirtay warsaxaafadeedkii ugu dambeeyey ee uu qabtay uu mabda’iisu yahay “geedyahow haddii ay xabagi kugu taalana kaa goostay, haddii kalena kaa dhqaaqay”.

ü Inuu damacsanyahay inuu Somaliland madaxa isugu dhufto sida uu immikaba u adeegsanayo wasiiradiisa qaar ka mid ah oo uu doonayo in middida la iska aslo, isaguna ka dhex siibto haddii ay u suuragasho iyo inuu damacsanyahay inaan Somaliland la aqoonsan oo uu ka dhigo meel xasilooni darro ka jirto maadaama aanu rajo dambe ka qabin shacabka uu sheegay inay naceen.

Haddii uu madaxweynuhu ogaaday oo uu ka qirtay afkiisa inay shacabka reer Somaliland naceen waa ayo cidda uu rajada ka sugayaa inay doortaan? Miyaanay sharaftu ku jirin haddii lagu nacay inaad bustahaaga ka qaadato oo aad is-casisho? Qorshaha uu damacsanyahay Daahir Riyaale weli may garan dadku.

Jamaal Madar

adammadar@yahoo.com

Popularity: 1% [?]

You Should Also Check Out This Post:

More Active Posts: