Khaatumo wax jira maaha mana joogaan Buuhoodle, Ciidanka Somaliland nala weeraro Gudoomiye xigeenka 2 ee Puntland.

Buuhoodle(saraarnews) Gudoomiye kuxigeenka Golaha wakiilada Majeerteeniya  Xuseen Yaasiin Xaaji Diiriye iyo xubno la socda ayaa  soo gaadhay magaalada Buuhoodle ee xadka Somaliland iyo Itoobiya dhexmaro.


Wuxuu ka hadlay xaalada magaalada Buuhoodle oo ay dhawaan ka dheceen dagaalo u dhaxeeya sidii u dhigay Maamulka Puntland  iyo ciidamada Qaranka  Somaliland, Waxa uu sheegay In Maamulka Puntland uu awood buuxda ku leeyahay Magaalada xag ciidan xag siyaadeed iyo waliba Bulshada.

Ugu danbeyntiina Gudoomiyaha xigeenka Baarlamaanka Majeerteeniya ayaa ka hadlay arimaha Khaatumo Seeg oo uu sheegay inay awoodooda soo bandhigaan hadii ay awood hayaan Waxa uuna bulshada Buuhoodle ugu Baaqay inay weerar ku qaadaan ciidamada qaranka somaliland ee fadhiisimada ku leh Duleedka Buuhoodle.

 


Be Sociable, Share!

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone