Hargeysa-(Saraarnews)-Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Munaasibad ballaadhan oo uu xisbigiisu u qabtay hal-door aad u fara badan oo isugu jira qeybaha kala duwan ee bulshada waxa uu xog-waran dhammaystiran ka bixiyeydhawr ah oo ay ka mid nuxurka iyo muhiimadasocdaalkii uu dhawaan ku tegay dalka Maraykana iyo mawqifka xisbigiisa ee ku wajahan marxalada uu waqtigan dalku marayo.

munaasibadan oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa waxa kaso qeyb-galay Siyaasiyiin ka tirsan Saddexda xisbi Qaran, Urur Siyaasadeedka UDHIS, Madax-dhaqameedyo iyo dadweyne kale ayaa soo dhaweyn xamaasad leh oo ka qeyb-galayaashu kusoo dhaweeyeen Axmed-Siilaanyo, waxa uu sheegay masuulliyiintii reer Maraykan ee uu la kulmay waxyaabaha ugu waa weyn ee uu kala hadlay inay ka mid ahaayeen sidii shacabka iyo xukuummadda Maraykanka loogu qancin lahaa inay u arkaan Somaliland wadan cagihiisa ku taagan, kana madax bannaan Soomaaliya inteeda kale iyo sidii Qarankan looga taageeri lahaa qabyo-tirka haykalka dawlad-nimo iyo adeegyada aasaasiga ee arrimaha bulshada.
“Masuuliyiinta Dawlada Mareykanka waxaan kala hadlay in Somaliland laga taageero dhinacyada dhaqaalaha iyo farsamadda ee hireglinta hannaanka doorashada madaxtooyadda ee fooda inagu soo haysa, sidii Somaliland loogu ogolaan lahaa ka mid noqoshada ururada caalamiga ah .”

Waxyaabaha kale ee uu sheegay Siilaanyo inay ka wada hadleen Maraykanka waxaa uu xusay inuu ka codsaday sidii Somaliland loogu ogolaan lahaa ka mid noqoshada ururada caalamiga ah iyo sidii looga caawin lahaa dhinaca tacliinta. oo ay fursado waxbarasho oo bilaasha u heli lahaayeen dhallinyarada Somaliland.
Guddoomiye Siilaanyo waxa uu si weyn u dhalliilay hannaanka maamul ee madaxweyne Rayale oo uu ku sifeeyey mid taag daran oo tabcaana, islamarkaana wakhtigoodu gabaabsi yahay “Maamulka Maanta jiraa waa tabcaan wakhti koobana wuu u hadhay, daallaadhacooda iyo dambaabidhadoodu waxba u joojin mayno” sidaa waxa yidhi Axmed Siilaanyo oo qaab duur xul ah uga jawaabayay qaabka uu xisbigiisu uu waajahayo dacaayadaha qaar ka mid ah wasiiradda xukuummadu ka faafiyaan.
Dhanka kale, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE waxa uu hambalyo u diray ciidanka qaranka Somaliland, gaar ahaan wuxu ugu hambalyeeyey munaasibadda 16aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii ciidanka qaranka, oo maanta ku beegnayd, isagoo Siilaanyo wax laga xummaado ku tilmaamay inaan illaa hadda loo sammayn darajooyinkii ay kala lahaayeen, islamarkaana wuxu ballanqaaday inay siin doonaan xuquuqda dadka iyo dalka ay ka mudanyihiin ciidanku.

Muuqaallada xusuustu ku dheehnayd ee sida weyn u dareen geliyey ka soo qaybgalayaashii munaasibadaas, ayaa waxa ka mid ahaa markii siyaasiga weyn Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ay boqollaal qof fadhiga uga kaceen markii uu soo galay madashaas, islamarkana lagu soo dhaweeyey sacab iyo weedho loogu muujiyey taageero. taasoo laga dheehan karayay digniin amma farriin ku socota xukuumadda oo dhawaanahan la hadal-hayey inay xadhig la damacsantahay Eng. Xaashi.
Source Golisnews.com
Submitted By Afgaabsnm
Popularity: 1% [?]
You Should Also Check Out This Post:
- Waraysi qaybtii 1'aad Ali Mahdi Hussen xubin Xisbiga Ucid
- Zakat Al-Fitr and Eid By Ahmed Arwo
- Heestii Madax-Weynoow Waa Qalinkii:Abwan Baruud
- Siday Xukuumadda Cusubi Iskaga Caabiyi Doontaa Warmaha Loo Afaysanayo Iyo Mucaaradka Kala Jaadjaadka Ah
- Sidee Loo Xakamayn Karaa Been-abuurka Saxaafadda? Qore: Qaasim Haybe Qaalib