Faallo: Wershada Sibidhka ee Berbera (Berbera Cement Factory) By Eng. Mohamud Qoorubaxay
Waxaan salaam qiimo iyo qaayo badan u dirayaa dhammaanba shacabka reer SL ee akhriyey maqaalkaygii ku saabsanaa cinwaanka sare. Waxaan mid gaar ah u dirayaa dhalinyaro badan oo xiisanaysay maqaalkaas oo ila soo xidhiidhay ina waydiistay inaan warar mugleh uga soo diro sida sibdihka loo sameeyo iyo qalabka lagu sameeyoba.
Waxaan salaam aad iyo aad u mugweyn u dirayaa dhalinyarada hagta website-yada soo qoray maqaalkaygii. Waxaanan ka codsanayaa inay qoraan maqaalada ummadda wax u faa’iidaynaya if iyo akhiroba. http://www.caynabanews.com/view.php?id=13683
Waxaa jiray niman badan oo hadalo turxaan leh ii soo diray oo igu lamaanaayey qabiil aanan kaba hadal iguna sheegay mid aanan waxba aqoon. Mowduucu wuxuu ahaa sida sibidhka loo sameeyo iyo meelaha SL laga samayn karo oo keliya.
Sidaan kor ku sheegay dhalinyaro badan oo dhedig iyo laboodba leh oo jooga caalamka ayaa iga codsaday warar dheeraada. Waxaana la igala soo xidhiidhay meelo badan sida SL, USA, UK, South Africa, Kuwait, Qatar iyo meelo kale oo badan. Sidaas darteed bacdamay iga soo codsadeen dhalinyaro badani, waxaan doonayaa inaanan idinkaga bakhaylin ee aan la wadaago aqoonta yare een u leeyahay sida sibidhka loo sameeyo.
Sidaad ka akhrideen website yada maqaalkayii hore waxaan kaga hadlay noocyada sibidhka iyo mid waliba wuxuu ka kooban yahay. Haddaba waxaan dhawr maqaal oo taxane ah idiinku soo gurbin doonaa nooca keliya ee hadda SL laga samayn karo iyo sida loo sameeyo. Waxaanna idin la wadaagii doona talaabooyinka la qaado oo dhan (the cement production processes) marka sibidhka noocan ah la samaynayo.
Sibidhka waxaa laga sameeya dhagax iyo ciid(dhoobo) iyo waxyaabo kale oo lagu hagaajiyo ama lagu milxiyo sida raashinka loo milxiyo si sibidhka quality fiican lehi usoo baxo.
Haddaba intaynaan dhex gelin sibidh samaynta aynu wax ka ogaano dhaqaxa qudhiisa. Aynuna ka jawaabno dhowr su’aalood oo dhagaxa ku saabsan.
- Imisa nooc oo dhagxaan ah baa jirta?
- Maxay kala yihiin ama u qaybsamaan
- Waxaan jira saddex nooc (three basic groups ama saddex qabiilo oo dhagxaan ah) oo dhagax caadi ah caalamka oo dhan (kama hadlayo macdane ogow). Macdantu maaha dhagax (Mineral can be organic like Coal, or inorganic). Hadase kama hadli doono macdanta. haddii kale buuraha ayaa lagu dareeri doonnaa (lol). Wararka ku saabsan macdanta, meelaha petrolka ama Natural Gas-ka laga helo mar kale ayeynu faalayn doonnaa Insha Allah.
Saddexda nooc ee dhagaxaantu waa kala qabiilo ama kala group waxay wadaagaan in dhulka laga wada helo (found them in or on the earth)iyo weliba in markay process dheer maraan millions ofyears ay is bedelaan.
Waxaanna lagu gartaa astaamaha ay ku kala duwan yihiin oo ay xukunto siday u samaysmeen.
Waana saddex qabiil ee soo socda;
- Igneous Rocks .
- Sedimentary Rocks .
- Metamorphic Rocks .
Bal aynu abla ablayno sida mid waliba u samaysmo. Waxaase ogataa inaan aqoonta dhagaxa maqaalo kooban oo sidan oo kale ah lagu dhammayn Karin ee jaamacado loo galo.
- Igneous Rocks (Fire rocks); waa dhagax madow oo aad u gubtay waxaa uu ka soo baxaa dhulka guntiisa (the core of the earth) isagoo dareere ah oo macaadino badan oo la gubtayna la socdaan (Magma and minerals). Cadaadiska dhulka hoostiise darteed buu isagoo nafla caari ah u soo cararayaa dhulka horkiisa, halkaas markuu dhulka horkiisa u soo dhowaado ee xaraaradiisu ama temperature kiisu dego uu bilaabo inuu qaboobo. Qaar ka mid ah ayaa markaas dhulka korkiisa soo gaadha (volcano) , qaarna dhulka hoostiisa oo aan sidaas u dheerayn buu ku qaboobaa oo dhagax ku noqdaa.
Igneous rocks wuxuu ka kooban labo lafood ama labo habar qabiilo oo kala ah intrusive (dhulka hoostiisa ku qaboobay) and extrusive (dhulka korkisa soo gaadhay nafla caarigii). Waxaana lagu kala saaraa surface texture ama sinnaanta dushiisa (Smoothness of rock surfaces). Intrusive has large texture. Tusaale ahaan dhagaxa Granite rocks wuxuu qaboobaa tartiib sidaas awgeed wuxuu yeesha rough texture ama dusha oo aan sinayn (not smooth). Extrusive wuxuu soo gaadha dhulka korkiisa wuxuuna leeyahay fine texture sida dhagax volcano (dhagax lisin mindiyaha lagu afeeyo) oo kale.
Igneous rocks waxaa laga helaa meelo badan oo caalamkan kamid ah gaar ahaa meelaha volcano (lava) ka jirto. Dalkeenna waxaa laga dhinaca galbeedka sida buuraha Djibouti iyo galbeedka fog ee SL. Waana loo yaqaano intrusive ka waayo volcanaha dhulkiinu ma soo bixin ama malihin laakiin dhulka qabaailka Canfarta degto ayaa ee dhinaca Ethiopia ayaa lagaa helaa active Volcanoes.
Dhagaxa igneous rocks waxaa badanaa loo isticmaalaa dhismaha wadooyinka waayo si sahlan uma xoqmo ama la salaaxmo. Dhismaha dhismayaasha shubka ah. Wadanka Qatar dhagaxa ugu badan eeloo isticmaalo dhismaha waa noocan gabbro la dhaho oo laga keeno Fujayra (UAE). Ogow lisinkii aynu mindiyaha ku soofayn jiray wuxuu ahaa igneous rocks.
Waxa ugu mihiimsan sida loofahmo dhagaxan ama lagu hayb sooco;
- Waxaa lagu kala saaraa texture (surface smoothness) ama composition (wuxuu ka kooban yahay)
- Kuma jiro lafo ama hadhaaga xayawaanka waayo dhulka hoostiisa uu dhagaxani ka yimi xayaan kuma noolaan karaan kulayl dartees.
- Acidka lama falgasho (Rarely reacts with acid)
- Malaha layers ama lakabo is dul saaran oo kala mida ah (has no layers stacked like pancakes) sida marka Laxooxda la isdul saar saaro oo kale.
- Waxaa ku qasan dhowr nooc oo macaadino kala duwan
- Midabkisu waa madow ama midab dameeraad (light grey)
- Macaadinta ku jirta waa widh widhaa markay qorax ama laydh qabto
- Marar qaarkood waxaa lagu arkaa dilaacyo (fissures)
- Waa fine grained (extrusive) ama coarse grained (intrusive)
Shaxdan hoose waxay ku tusaysaa qaar ka mid ah dhagaxan ugu muhiimsan Igneous rocks;
Nooca Igneous rocks
| Magaca | Sawir | Midab | Qabiilkiisa ama sidu u samayso ama texture |
| Granite /dhagax lisin | Pink/Gray(midab dameer) | Intrusive (rough surfaces) | |
| Gabbro | Dark Gray to Black | Intrusive | |
| Rhyolite | Light Pink or Gray | Extrusive | |
| Basalt | Dark Gray to Black | Extrusive | |
| Obsidian | Usually Dark Colored | Extrusive | |
| Scoria | Dark Colored | Extrusive |
- Sedimentary Rocks
Dhagaxa labaad waa nooca ugu muhiimsan lagana samaeeyo sibidhka.
Wuxuuna ku samaysmaa dhulka korkiisa malaayiin sannadood. Dabaylaha, barafka iyo biyaha ayaa xoqa dhulka korkiisa oo dhaqaajiya dhaxaanta ciida, hadhaaga xayawaanka oo isugu geeya meelaha godan sida dooxooyinka, webiyada, buuraha meelaha dooxyadda ah iwm.
Waxaa loo yaqaan erosion and sedimentation processes. Intay socdaan waxay isu dulfulaan lakabyo kala duwan, marar qaarna waxaa samaysto hal lakab (layer) midab keliya ama nooc keliya ah sidaad ku aragto markaad qoto god dheer in uu yahay lakabo kala mida ah. Ama sidaad ku aragtid buuraha Sheikh ee dadku sibidh Ilaahiya u haytsaan.
Waxaa kaloo dhacda in loo kala saaro lakabyo kaladuwan sida lakab ciid ah, mid dhoobo ah mid siltz ah iwm. Xusuuso meelaha biyuhu fadhiistaan ee baliyada ama dooxooyinka, markay qalalaan waxaad ku arkaysaa dhoobo lakabo ah oo qalashay oo dil-dilaacda oo aad saxanno moodid kuwaas oo aad jilicsan oo markaad qaato markiiba kala daadata. Taasi waa layer dhoobo ah oo samaysmayey (MUDSTONE). Marka mid kale dulfuulo ee aad la isugu cadaadiyo sannado badan waxaa samaysmayo dhagaxa loo yaqaan {Dhagax dhoobeed} (Mudstone).
Dhaxani wuxuu u kala baxaa dhawr qabiilo waxaanna laga helaa koone kasta oo dalkeena ka mid ah.
Waxaanna lagu gartaa astaamahan soo socda;
- Waxaa lagu saraaraa texture and composition
- Waxaa ka buuxa fossils ama hadhaaga xayaanka iyo dhirta
- Wuxuu la falgalaa acidka markiiba
- Wuxuu u samaysmaa lakabyo kala sareeya oo ah siman (flat) ama qalooca(curved layers)
- Waxaa isku haya macaadinta biyaha ku milantay (cemented layers by desolved minerals in water)
- Midabo farabdan baa laga helaa dhagxaantan
- Xabuubka uu ka samaysan yahay way kala duwan yihiin(Particle size may be the same or vary) iyadoo ku xidhan process-ka samayntiisa.
- Usually has pores between pieces
- May have cross-bedding, mud cracks, worm burrows, raindrop impressions
Sedimentary rocks wuxuu ka kooban yahay:
- Dhagax nuuradeed (Lime stone- remember kan)
- Dhagax ciideed(sand stone- remember kan)
- Dhagax dhoobeed(mudstone- remember kan)
- Conglomerate( isku qas kuwa sare)
Midkastana waxaa hoos yimaada dhagax walba sub clan ah. Dhamaantoodna way ka buuxan SL
Tusaale ahaan mudstone (dhagax dhoobeed) ka waxaa hoose yimaada;
- Slate
- Schist
- Shale
Etc.
Shaxda dhagaanta ugu muhiimsan waa sidan:
Sadimentary Rocks
| Magaca | Sawir | Midab | Qabiilkiisa ama sidu u samayso ama texture |
| Sandstone | Red or Gray | Sand grains cemented together | |
| Limestone | White to Gray | Calcite and sometimes fossils | |
| Shale | Dark Gray | Compacted mud | |
| Conglomerate | Different Colors | Rounded cobbles and pebbles cemented together |
- Dhagax nuuradeed (Lime stone): Waa dhagaxa ugu badan eelaga sameeyo nuuradda dhismayaasha loo isticmaalo. Waana haddii aad garanaysid mid jilicsan oo taxaa biyaha ku milma dhalinyarda reer miyiguna intay biyaha ku radisayaan bay timaha ku cadaystaan. Sidoo kale haddii la rabo in nuuraad laga dhigo waa la gubaa ka dibna biyaha lagu radiyaa si looga sameeyo stucko guryahay lagu salaaxo. Asal ahaan dhagaxani waa calcite iyo lafo xayaan oo isku dhegay.
Dhagaxan waad ku aragtaa meelo badan oo dalkeenna kamid ah wuxuuna ku badan gobollada SL ee didibku ku badan yahay.
- Sandstone ama gagax ciideedku wuxuu samaysan yahay ciid. Waa dhagax jilicsan oo gacanta waa lagu qori karaa qaabkii la rabo waa dhagax aan sidaas u adkayn waxaana laga helaa buureheenna oo dhan tusaalena waxaakuugu filan dhagax cas-cas ee guryaha lagu qurxiyo magaalooyinka waa weyn sida Hargeisa iyo Burco.
- Mudstone waa dhagax dhoobeed waxaanna laga helaa dalkeenna gaaraha buurha gacan libaax, dhulkan saraar loo yaqaan, waxaa kale oo laga Togdheer, Odweyna iyo dhulalka galbeedka ee beeraha laga qoto intaan ogahay.
Dhagaxan waxaa ka sii hoos baxa ama ka sii farcama kuwa loo yaqaan shale, stale, schist iwm.
Waxaa jiray inan(wiil) ii soo qoray e-mail iguna sheegay in schist yahay Igneous rock. Taasi sax maaha dhagaxa schist waa bah habar sedementary oo ka sii yahay Mudstone waxaynu isku DNA yihiin Slate(metamorphic), shale iwm.
Waxaan idin xasuusinayaa in lakabyadda kala sareera ee aad ku aragtaan buuraha Sheekh ay yihiin lakabyo sedimantary ah oo lakab waliba la dhigan waqti mucayin ah. Tusaale ahaan waxa arkaysaa lakab ciid ah oo sandstone noqon doonna, mid dhoobo ah oo mudstone noqon doonna, iwm. Dhagaxa Limestone wuxuu badana ku samaysmaa meelaha ah dooxooyinka, lagaha ama biyo mareenada ama ahaan jiray berrigii hore. Waxaadna ogaataa in cimriga dhagaxa marka laga hadlayo laga hadlayo millions of years.Tusaale ahaan in dhagax samaysmaa oo ciid ka yimaado oo uu dhagax ciideede noqdo waxay qaataa 1-4million sannadood. Sidaas awgeed ha u malayn in dhagax samaysma aad arki karto mudo gaaban oo nolosha qof u dhigan (60 years or so). Fekerka odhanaya dhagaxa buuraha Golis sidooday ku yihiin sibidh waa feker aan sax ahayn kumana dhisnayn wax aqoon ah ama cilmitoona.
C) Metamorphic Rocks.
Dhagaxa sadexaad ee dunida jiraa waa metamorphic (change +form). Dhagaxani wuxuu kayimaadaa marka dhagax horey u jiray aasmo ama lakabyo kale oo deposits ahi dul fulaan sannado badan oo caddaadiska iyo kulaylka dhulka hoostiisa ayaa ka bedela dhagaxa asalkiisii hore oo hadduu ahaa igneous rock wuxuu maraa process kulayl iyo dhalaalin kumanaan sanno ka bacdi wuu is bedelaa.
Tusaale ahaan marka la aaso dhagax loo yaqaan Dhagax ciideed (sandstone) oo ah sedimanory rock markuu gubto sanado badan wuxuu isu bedelaa quartz,Lime stone ama dhagax nuuraadeed oo isaguna sedimantory rock ah wuxuu isu bedelaa Marble. Sidoo kale dhagaxa shale (Mudstone ah) wuxuu isu bedelaa slate.
Dhagaxan sidii kuwii hore wuxuu leeyahay astaamo lagu hayb sooco ama lagu sargooyo oo ah;
- Hadhaaga noolaha oo ku yar (5%)
- Acid (aysiidha) oo uu lafalgalo
- Nooca kala duwan oo macdanna oo ku qasan
- Wuxuu leeyahay lakabyo wirwirqa ama dhallaala
- Wax daloola ama jeex jeexyo laguma arko badanaa.
Shaxda dhagaanta ugu muhiimsan waa sidan
Metamorphic Rocks
| Magaca | Sawir | Midab | Qabiilkiisa ama sidu u samayso ama texture |
| Gneiss | Mid dameerood | Lakabyo leh | |
| Marble | Midab fudud oo cadaan u dhow | Malaha lakabyo | |
| Quartzite |
Midab fudud oo cadaan u dhow,casuusna leh |
Malaha lakabyo | |
| Slate | Midab mareereed ama madow | Lakabyo ka samaysan |
Waxaa fiira ah mudan in dhagxaantu ay leeyihiin nolol wareegta ama life cycle sida xayaanka oo kale (rock life cycle) taas oo qaadata malaayin sannadood.Tusaale;
Xaraarada dhulka hoose ayaa ka dhigta ama dhaalisa macdanta iyo dhagxaanta (mantle) hoose kuwaas baa caddaadis iyo kulayl dartiisa dhulka korkiisa usoo baxa (Magma) sida Volcanaha (lava)oo kale dabadeedna qabooba oo noqda igneous rocks. Igneous rocks ayaa buuraha (volcano)ka soo dhaca oo wadiya (valleys) fadhiisa waxaa riixa biyaha iyo dabaylaha iskunna garaaca oo waxaa samaysma jajab yar yar kuwaas waxaa isku dhejiya macdan dhulka laga helo sameeyana lakabyo isuna bedela sedimentory rocks kuwaas baa lakabyadu sii kordhaana dhagaxii baa aasma kulayl baa sii kordha culayska lakabyada darteed waxay u bedelaan Metamorphic rocks malaayiin sanadeed kulaylkaa sii kordha wuu dhallaalaa wuxuu noqdaa volcano. Sidaas bayna ku socotaa nolosha dhagxaantu taasoo qaadata dariiqdani malaayiin sannadood ah.
Tusaale haddii aynu maanta dixda Hargeisa/Burco tagno waxaynu ku arkaynaa dhagax dixeedyo wada malaasan oo wareegsan oo aan habayaraatee koone fiiqan lahayn.Waxaad fahmaysaa in biyuhu markay dixdu socoto ay dhagxaantan meelo fog ka soo qadeen isku garaaceen dabadeedna koonayaashii ka jebiya isaga dhanna ay ka dhigaan dhax wadan malaasan, waana ay reer Burco dhahaan (Tuuryo wacane).
Biyaha, dabaylaha iyo barafku waa waxa qaabka dhulka iyo dhagaxaantaba kaantaroola oo sameeya. Waa awood Rabbaani ah oo cibrad lagu qaadan karo.
Intaas yar ee dulka xaadiska ah ku dhaafta dhagxaante dhulkeenna.
Waxaa kaloo fiicannaan lahayd innaynu ciida maqaal gaaban kaqoro laakiin waxaan ku dhaafataa sualahan soo socda.
Ha ka soo jawaabto suaalahan cidii taqaan!!!
- Sababta ciida HAWDKEENU U cas tahay ama dharka inooga casaysaa markaynu miyiga tagno????????????. Ma aragtay maryaha reer miyigeenna oo aad moodid in la aslay, waa maxay sababtu?. Yaa sibaaqay Ciida dalkeenna. Dhulal inala mid ahi majiraan dunida?
- Maxaa ciidaha, Guban iyo keebuhu kaga duwan yihiin ta hawdkeena? Waa macdanaha ku jira ciideena cas? Ma la soo bixi karaa??? Maxayse faaido ledahay?
- Maxaa sababay in dhirta qaarka baxaan dhulka hawd oo qudha ee ay ugu dhintaan Guban iyo Buurlayda?
- Waa Maxay sababta bilaha Juun, July & august ay dabayluhu uga dhacaan SL. Maxayse Burco ay uga dabaylo badan tahay Sheekh oo kale.
- Maxaa sababa dabaylaha waa weyn ee wareega ee lagu arko dhulkeena? Ma dhabaa Jibaa wada? Waayo dhabayluhu (Twisted) uga dhici waayeen buuralayda ee uga dhacaan dhulka banaan?Waayo ay dabalayuhu u bedelaan jihada ay u socdaan?
- Waayo roobku uu marwalba inoogaga yimaadaa waqooyi?
IYO ONE DOLLAR QUESTION?
- MACDANO NOOCE AH BAA LAGA HELAA SOMALILAND?
Jawaabaha aan u dhaafo reer SL.
Maqaalka dambe waxaan kaga hadli doonnaa sida loo sameeyo sibidhka, min bidaaya ilaa nihaaya iyo dhagaxa saxa ah ee laga sameeyo.
Waxaan soo raacin doonnaa sawiro talaabo- talaabo ah oo ku tusaya warshadii oo shaqaynaysa iyo qaybeheeda.
From quary to clinker. From clinker to cement production.
Waxaynu kaloo eegi doonnaa shaqooyinka laga helo iyo Infrustructure-laga dhiso iyo weliba sida looga dhiso!!!!!!!!!!
Salaama alaykum
Eng. Maxmud Maxamed Nur Qoorubaxay
Consultant Civil Engineer with Qatar Petroleum
Doha, Qatar



