Xukuumada Siilaanyo oo ogolaatay qorshihii Federaalka ee Garxajis lagula dagaalamay shacbigana lagu laayey 1994-1995
London(saraarnews) Xukuumada Siilaanyo ayaa ogolaatay qorsihii Federaalka (han baqtiyey) ee lagula dagaalamay beel ka mida beelaha reer somaliland. Qorshahan ayaa dhigaya qodobo doora in Soomaaliya lagala midoobo sida Arimaha Debeda, Gaashaandhiga (budhcadbadeeda iyo Argagixisada) iyo in Xuduudaha meesha laga saaro u dhaxayn kara Somaliland iyo Soomaliya, si dawlada Soomaaliya qorshayaasheeda uga fushato gudaha wadanka Somaliland. Xuduudaha hala isu furo waxay la mid tahay Somaliya ha lala midoobo.
Waxana sheekada iyo Go’aamada shirkaasi ku soo ururtay Federaal la mid ah ka Puntland, Xubin iyo xeeb iyo Galmudug oo kale ula shaqeeyaan Dawlada TFG-da. Waxaaba ka sii daran waxa la leeyahay hala raaco shirkii Turkiga ee qodobkiisa koobaad Midnimada Somalia muqadaska ka dhigayey. Mana jirto meel haba yaraatee lagaga qoray qadiyada somaliland qodobada heshiiskan.
Qodobadaasi waxay u dhigan yihiin sidan:
1. In wada shaqayni ay dhex marto somaliland iyo Somalia iyadoo laga duulaayo shirarkii London iyo Turkiga.
4. In labada dhinac ay samaystaan guddi farsamo oo sii anba qaada wada hadalada
5. In caalamku ka shaqeeyo gargaarka labada waddan, waa Somaliland iyo dawladda ku meel gaadhka ah.
7. In la sameeyo isku socod dhinaca xuduudaha ah mustaqbalka dhaw.
8. In khubaro dhanka qaanuunka, dhaqaalaha iyo ammaanka u yeedhaan labada dhinacba.
Arin kale oo u fiirsasho leh ayaa ah waftiga dhinaca somalia Waxaa hogaaminayey Wasiirka Arimaha Gudaha maadama dawlada sheekh shariif u arkaysay in laga wada hadlayo Arimaha Gudaha dalka Soomaaliya, Halka Dhinaca Somaliland uu hogaaminayey ka Arimaha debeda.
Qodobka Khuseeya kulanka labada madaxweyne waxba kama duwana kii Faroole iyo Sheekh shariif Garoowe ku dhex maray, sababtoo ah laba madaxweyne waxay saxeexaan arimo gudigooda farsamo soo dhamaystireen ee uma kulmaan Arimo weli qabyo ku jira.
Qodobka ugu danbeeya TFG ha kabaxdo ku meelgaadhnimada ma ahayn mid waxba ka quseeyaan Somaliland, haday weligeed kala guur ku jirayso iyo haday ka baxayso toona.
Isku soo xooriyoo sheekadan iyo go’aamadani ay maanta saxeexeen wuxuu ka liitaa hadalkii cadaa ee uu jeediyey Wasiirka Arimaha debeda Wadanka Turkiga ee uu yidhi Somaliland waxaanu isku deyi doonaa inay hesho Maamul hoosaad la mid ah ka Sinjibaar (Zinjibar) haysato.



