War degdega: Dagaal u dhexeeya Beellaha Qayaad iyo Barkad ee dhulbahante oo Docmo ka soconaya

Docmo(saraarnews) Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhintay tiro ka badanina way ku dhawaacantay ka dib markii Dagaalka beelleed aad u culus oo u dhexeeya Beelaha Barkad iyo Qayaad ee dhulbahante ka biloowday Deegaanka Docmo oo ay wada degaan, wararka aan ka helayno Degmada Widhwidh ayaa xaqiijinaya in ku dagaalkaasi yahay mid aad u culus welina aanu istaagin..


Dagalkana ayaa sida lagu soo waramayo salka ku hayo khilaafka ay horseedeen Kooxda Khaatumo seeg oo waxtarkeedii noqday dhuibaataynta beellaha wada dhashay ama oodwadaagta ah, dagaalkani waxaa ka horeeyey  dilal hore u dhexmaray labada Beelood ee Barkad iyo Qayaad, mana jiraan ilaa iyo haatan wax dedaal nabadeed ah oo lagu dhex dhexaadinayo dirirtan Colaadeed ee soo kala dhex gashay Beelahan walaalaha ah .

Dhaawacyada dagaalkaas ka dhashay ayaa la sheegayaa inaan la gaadhsiinin goobaha caafimaadka welina ay yaaliin goobihii lagu dagaalamay.

Be Sociable, Share!

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone