cidina uma maqna ceelna uma qodna Qallinkii Abdisalam Salayman

Marka hore allaah ayaa mahad oo dhan iskaleh, rasuulkeenii muxamadna nabad iyo naxariisi korkiisa alle haka yeelo.
intaasi ka dib.
waxaan halkan iyagana ugu mahad celinayaa hawl wadeenada QaranNews.
oo u shaqeeya si hufan oo aynu odhan karno waa saxaafad xor ah runta iyo dantana ka hadasha.
Hadaba hadii aan u gonda dego qormadan cinwaankeedu kor ku xusan yahay,
Waxaan rabaa in aan shacabka reer S/land u bayaamiyo wax ay shacab iyo siyaasiba ku mashquuleen oo ah ujeedada maamulka siilaanyo oo sida runtii ah aad moodid in sida wax u socdaan dadku ku wareereen horteeda iyo dabadeediina kala garan waayeen ilaa hadana calaacal iyo war ka daaya mooyee aan wax cad oo la taaban karo lagu hayn.
tuhunku wuxuu noqday mid iska soo daba dhacaya fadeexadaha daakhiliga ah ayaa iyaguna maalinba maalinta ka dambaysa iyagu ah kuwo noqday tuba tu’ ku iloow.
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa (Doqoni qufacday meel laga gaadheyna ma oga)
Hadaba kadib markii aan baadhitaan badan ku sameeyey sababta ay isu waafiqi la’yihiin siilaanyo iyo waftiyadiisu marka ay dalka ka baxayaan waxay umada u sheegaan iyo waxa ay la shir tagaan.
Hadaba bal akhristoow ku soo dhawoow xaqiiqada.
sida aynu wada ogsoonahay xigmad ayaa odhanaysa (Nooloow adiga oo xaqiiqada og)
sidaasi darteed shacabka waxaan ku boorinayaa in ay ku baraarugaan runta wixii horena ay ku bedeshaan waaqica dhabta ah ee jira si ay ula jaan qaadaan dadyowga ku hareeraysan ee la deggan dalka.
waxaa ah wax laga fiican yahay in ummad iska dhami weydo wado ay qaado iyada oo aan waayin wax garad iyo waayo arag ku shaqaynaya rabitaanka shacabka.
Hadaba aan isku soo xooriyee meesha ay iska qaban la’dahay hadaan iftiimiyo.
a-ugu horaynba waxaa meesha ka maqan madax dooneysa in S/land noqoto dal ka go’a soomaali weyn.
b-waxaa cad in aanay jirin aduunyo kale oo iyana dooneysa in ay soomaaliya ka go’do S/land.
c- kuwa caawimada bixiyaa waxay wax ku siiyaan S/land in ay yihiin meel ka mid ah soomaaliya xaqna ay u leeyihiin in la siiyo waxa soomaalida la siinayo qaybtooda.
d-dawladaha marka ay u tagaan madaxda S/land waxa lagu yidhaahdaa wax kala go’ la yiraahdo ma ogolin anagana nagumaba xidhna ee dan ma idiin tahay in aanu idinka caawino caafimaadka, waxbarashada, iyo amaanka?
e-taas ayaa waxay sababtaa in madaxda S/land iyada oo iyadu xaqiiqada og shacabkooda ay ku maaweeliyaan mudo ka badan 20 sano wax aanay waxba ka soo naaso cadayn.
taas oo macnaheedu yahay ma aha tan siilaanyo oo keliya balse waa laga soo bilaabo Alle ha u naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal ilaa iyo tan maanta ee siilaanyo iyagu waxay ahaayeen kuwo og in ay S/land marnaba helin labaatankaas sano wax mar keliya ku yidhaahda ama kala hadla aqoonsi balse ay mar walba la kulmi jireen hadalo kuwaas ka duwan oo ay ka mid yihiin anagu soomaaliya ayaanu naqaanaa waxa aanu idinku caawineynaana waa magaca soomaalinimada hadii aad taas ku qanci weydaana jawaabtiinu waxay noqoneysaa in aanu joojino caawimada aanu idin siino.
kadibna waxay madaxdu ku qasbantahay in ay sidaasi yeelaan iyaga oo dhoolacadeynayana waxay aqbalaan wax kasta oo kaga yimaada kuwa caawiya.
waxaynu odhan karnaa madaxda soomaali land waxay ku sifoobayaan maahmaahdii soomaaliyeed ee odhaneysey,
(hal laba midigoodle dheelmay dhanna uma fayooba),
Waayo shacabkuna waxay ka sugayaan Aqoonsigii ama ictiraafkii oo ku dabo dheeraaday.
aduunyaduna waxay u soo dhiibtaa wax taas ka duwan.
kadibna waxaa qasab noqotay in siilaanyo iyo wasiiradiisu ay yeeshaan laba weji oo kala jeeda oo midna ay ku qaabilaan caalamka iyo runta ,midna ay ku qaabilaan shacabka ka sugaya ictiraafkii ay 20ka sano iyo ka badan ka dhursugayeen.
Haatan oo la soo gaadhey xiligii ay gabadhu tidhi (dharka waxaan ku qariyaba dhaaftay marada sheekadu)
waxaa laysa soo hor fadhiistay meeshii runtu uga bilaaban lahayd shacabka reer S/land.
welina waxaad moodaa in madaxdii ay ka hadlayaan wixii aadan muuse diley.
Hadaba aan soo kufiyee waxaan ku baraarujinayaa shacabka S/land in ay ogaadaan in waxa madaxdu doorashada u geleysey, waxa xisbiyada loo badinayey,
waxa loo tartamayey in aanu ahayn in ictiraaf la doono balse ay xaqiiqadu ahayd ama tahay in nin walbaaba ku dadaalayo in isaga oo xilka haya la gaadho xiligii soomaaliweyn wax lala qaybsan lahaa isaguna noqdo kan ku gorgortama dhulka iyo shacabka beenta lagu maaweelinayey waqtiga badan.
hadal iyo guntii iyo gebogebadii.
shacabku wuxuu mudan yahay in uu helo xuquuqdiisa ama siilaanyo ha xukumo ama sakiin ha xukumee.
sida caafimaadka, waxbarashada, amaanka, biyaha, IWM.
Madaxduna waxay mudan yihiin ugu yaraan in ay shacabka u muujiyaan in la galay marxalad adag marka dhinac laga eego,
marka dhanka kale laga eegana ay soo dhawaatey xilligii dhan uun loo dhici lahaa si dadku u helaan wado ay u maraan aayahooda oo aan mugdi iyo muran kujirin.
waxaan raali gelin ka bixinayaa wixii gef ah ee iga dhacay.
Be Sociable, Share!

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone