Hargaysa(Saraarnews) Xus Baroordiiq ah oo loo sameeyey sanad guuradii koowaad ee kasoo wareegtay geeridii Xoghayihii guud ee xisbiga UDUB  alle ha u naxariistee Marxuun Maxamed Ismaaciil Bulaale ayaa maanta lagu qabtay hotel Emperial ee magaalada hargaysa

Xuskaas oo ay soo qabanqaabiyeen masuuliyiinta iyo taageerayaasha xisbiga UDUB waxa kasoo qayb galay wasiiro xildhibaano , cuqaal, abwaano iyo marti sharaf kale. Hadaba Suldaan Maxamed C/qaadir oo kamid ahaa dadkii meesha ka hadlay ayaa ugu horeyn marxuunka illahaay uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo

Sidoo kale wuxuu Suldaan Maxamed C/qaadir  xukuumada Daahir Riyaale ku dhaliilay inay fulin wayday waxay ugu balanqaaday agoontii uu ka tegay Marxuunku, Madaxweynahah waxaan ka codsanayaa inuu daynta kasoo bixiyo agoonta oo ay mar uun naga hadho albaabada lagu soo garaacayo ayuu yidhi suldaan Maxamed C/qaadir

Waxaa kaloo uu suldaanku intaa ku daray dadku waxay u dhimanayaan oo ay u dhibaatoonayaan inay nolol wanaagsan ku noolaadaan Xisbiga UDUB-na wuu gabay kaalintii kaga haboonayd iyo wixii uu u qabanlahaa agoonta uu ka tegay marxuunku, cid aan wadan  waxba kasoo noqon ayaa loo magacaaba xilalka.

Submitted By Afgaabsnm

Popularity: 1% [?]

You Should Also Check Out This Post:

More Active Posts: