Somaliland oo Somaliya ka Somaliya Badisay Qallinkii Axmed Jaamac Mire

Shantii xubnood ee Dowlada Kumeel Gaadhka ee Somalia (DKM) uga qayb galay shirkii Somaliland iyo Somaliya ku kulmeen Ingiriiska bishan June 20 iyo 21kii waxay wadeen wax maslaxad u ah Somaliya. Waxase soo baxay warar xaqiijinaya in xubin ka mid ah shantii xubnood ee Somaliland uga qayb galay shirkaasina ay waday wax maslaxadi ugu jirto Somaliya – Somaliland dibindaabyo ugu jirto.


Wararka laga heleyo xaga DKG-ka iyo ergadii Somaliland ayaan daro ayaa Somaliland ka qabsatay xubin muhiima oo ergada Somaliland ka socotay; haday noqoto doodii iyo haday noqoto go’aamadii la soo saarayba. Markhaati marag ma doonta ahina waa Qodobka 8 ee War Murtiyeed shirka ka soo baxay iyo siduu War Murtiyeedka qodobkaasi ku soo galay, oo u dhignaan sidan,


Qodobka 8 ee shirka Ingiriiska: Waxay ka qayb galayaasha shirku ku heshiiyeen inay ka wada shaqaynayaan sidii loo soo afjari lahaa marxaladda ku meel gaadhka ah ee Somaliya


Inta aynaan bayaamin cida ku soo dartay qodobkan iyo sababtay ugu soo dartay War Murtiyeedka, aan isku yara taagno cawaaqibta uu u yeelan karo qaranimada Somaliland, cidee aynuu maslaxaddeeda fulinayaase?


Qodobakani waxa uu ka dhiganyahay, marka afak diblomaasiyada la eego, aqbalaad ay Somaliland aqbashay inay ku lugleedahay waxa loo yaqaano Road Mapka amaba ay kamitahay daneeyayasha Road Mapka ee Somalia. Jeclow ama necbow waa ka macnaha uu xambaarsan yahay qodobkani. Sida waadaxa, waxa dani ugujirtaa Somaliya – Somaliland waa ku deelqaaf iyo dhabar jab.


Waxay ayaan darradu tahay inay qodobkani uu ku daray Wasiirka Arrihaha Dibedda ee Somaliland oo aynu moodaynay inuu shirka u tagay inuu matalo danaha Somaliland. Waxa labada ergeba laga xaqiijiyay in Wasiirka Khaarajiga Somaliland, Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, uu soo jeediyay in qodobkaasi lagu daro. Ariintaaki waxay amakaag ku noqotay ka qayb galayaashii kale ee shirka: kuwii Somaliland iyo kuwii DKM-kaba. Iska daa kuwii Somaliland ee kuwa Somaliya ayay afkala qaad iyo u qaadan waa ku noqotay. Sida qof kamida dadkii ergooyinku sheegay in qolada matalaysay Somaliya qaarkood yidhaahdeen, “inay soo noto DKM ahi iyo inkale iyaday[Somaliya] ayay u taalaaye, maxaa ka quseeya shirkan?”


Inay DKM-ka ahi soo noqoto iyo inaanay soo noqon ma wax Somaliland u yaaallaa? Hadaan reer Somaliland nahay, miyay inna khusaysaa? Bal xataa hadii aynu dano gaar ah ka leenahay dumitaanka DKM-ah ma inaynu heshii caalamku kormeeyayaan ku saxeexnaa mowqifkeenu siduu yahay? Ha iloobin in caalamku wali inoo arkaan inaan nahay qayb kamida wixii ahaan jiray Jamhuuriyada Somaliya, inaguna aan ku guulaysanay inaan (ilaa xad) caalamka ka dhaadhicino waxa Somaliya (qaybtii kale ee Jahmuuriyadaa khaatumaysatay) ka socdaa iyaga[Somaliya] ku kooban yahay. Si kooban hadii loo dhigo, labada sadar ee Qodobka 8aad ka kooban yahay wuxuu ka dhiganyahay Somaliland oo tidhi,”DKMka ahi waxay matashaa Jamhuuriyadii galbatay, oo anana way na matashaa; waxa Xamar ka socdana qaybaan ka nahay ee CAALAMKOW ogaada”. Waa kaas ka nuxurka siyaasiga ee qodobku.


Kolkaas su’aashu tahay Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar cidee ayuu ku matalayay shirka uu ka qayb galay? Ku darista qodobka 8-daad uu ku daray heshiika la kala saxeexday waxay xoojinaysaa shakigii laga qabay daacadnimada Wasiirka Khaarajiga markay timaado qaddiyadda gooni isku taaga Somaliland. Hadii ay shicib weynaha reer Somaliland wax ku qaadanyaan iyo haddii kaleba, in Wasiirka Arrimaha Dibedda daacadnimadiisa meel kaleba laga raadiyo maaha.


Ku darista qodobkaasi 8-daad wuxuu Wasiirka Khaariga Somaliland ka Faqashnimo badiyay wetifgii Somaliya oo u qaadan waayay hadyada sida fudud miiska loogu soo dhigay.


Ayaan darrada inna soo food saaray waa khibrad la’aanta iyo daacad darada uu Wasiirkeenna Khaarajigu u leeyahay xidhiidhyada caalamigia ah iyo hawsha uu faraha kula jiro. In kasta oo cidi u garaabayn afartii nin ee kale ee la socday inaanay ka hor iman waxa Wasiirka Arrimaha Dibaddu ku ka cay. Intaanse ogayn, malaha waxa haboon inay is waydiiyaan sida afarta xubnoodee kale madasha ku gaadheen iyo wixii arintaa ka qabsaday. Qormo kale ayaan arimahaas ku bayaamin doonaa insha allah.


Intaanan arinta ka bixinse waxa soo baxaya warar (qaarkood uu BBC Afsomaliga wasiirku ka sheegay 22 June 2012) oo sheegaya in wasiirka cid kale u sheegtay inuu qodobkan Somaliland halista ku ah ku daro War Murtiyeedka. Waxa loo badinayaa in cidaasi ahayd Mahinga. Waxa uu wasiirku ninkan uga amar qaatayna waa arin ka daba tageeda mudan.


Fadeexaddan shirka Ingiriisku waxay ka dar oo dibi dhal ka dhigtay fadeexadii iyana weji gabaxa ku noqotay Somaliland eey kala kulantay shirkii Istanbul. Waxa fadeexadaa Istanbul ay ahays iyadoo shirka ka kor ay Dowladda Somaliland qaadatay mowqif ah inaanay ka qayb geli shirkaasi Istanbul wejigisa labaad. Wasiirka Arrihama Dibadda Somaliland wuxuu ka qayb galay wejigii labaad ee shirkaa Istanbul isagoo baal maray mowqifkii rasmiga ahaa ee ka soo baxay Dowladda Somaliland ee uu iclaamiyay Wasiirka Warwaafinta Boobe Yuusuf Ducaale. Waxa taasi ta sii daran isagoo goob joog ka ahaa soo saaridii War Murtiyeedkii shirkaasi Istanbul oo qodobkiisa kowaad dhigayay in


Qodobkii 1aad ee shirkii Turkiga: Waxay ka qayb galayaasha shirku (waa kaasi uu wasiirka khaarajiga Somaliland joogaye) ay carrabka ku adkeeyay in midnimada iyo wada jirka Somaliya ay tahay muqdas oo aan Somaliya la kala qaybin karin. Somaliduna dhamaandtood waa inay ka wada shaqaystaan inay dowlad soo wada dhistaan. Shirkani Somalidu way u dhamayd.


Wixii dhacay, iyo beentee qaawanayd ee Wasiirka Arrimaha Dibadda kaga haldlay HCTV shirka dabadii waa mid laga wada dharagsan yahay.


Sidii ay uga qayb gashay shirkaa Istanbul waxay inoo caddaysay inaanay Somaliland lahayn siyaasad khaarajiyadeed oo ay caalamka kula dhaqanto. Xaalkeenu waa weji cusub waagii baryaba. Dhanka kale, arinta shirka Ingriiska ka dhacday waxay xaqiijinaysaa tuhumadii hore looga qabay Wasiirka Khaarajiga iyo in markii ugu horaysay shisheeye daba dhilifyo ku yeesheen xukuumad Somaliland intii aya Somaliland jirtay.


Hadaba qodobka 8aad ee shirka Ingisiisku wuxuu daba socdaa kiisii ka horeeyay ee Turkiga. Labadubana waxay inoo tacliiqinayaan moqfifka wasiirka arrimaha dibedda Somaliland oo sida innoo cad faqashtii baro dhaafiyay.


Shacabka Somaliland waxay arimahan isa soo taraya ee qaranimadoda dhaawacaya ka yeelayaan waa wax iyaga u yaala.


Axmed Jaamac Mire

Be Sociable, Share!

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone