Labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Soomaliya oo Heshiis Dubai ku kala saxeexday

Dubai-(saraarnews)-Madaxweynayaasha Somaliland iyo Somalia; Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa maanta si wada-jira qalinka ugu duugay affar qodob oo lagu taageeray kulammadii wadahadallada Somaliland iyo Somalia ee hore u dhexmaray wufuud ka kala socota Somaliland iyo Somali.

Madaxweynayaasha Somaliland iyo Somalia oo markii u horraysay kulan fool-ka-fool ah ku yeeshay magaalada Dubai ee isugu taga Imaaraadka Carabta ayay labada dhinac isku raaceen in la sii amba-qaado wada hadalka Somaliland iyo Somalia, islamarkaana la sii amba-qaado wadahadallada weftiyaddii labada dhinac u magacaabeen wadahadalka.

War-murtiyeed kooban oo laga soo saaray heshiiskan oo ay ku kala saxeexanyihiin Madaxweyne Silaanyo iyo Sheekh Shariif waxa uu u dhignaa sidan;

“1. Iyada oo la tixraacayo war-murtiyeedkii London iyo Istanbul ee ay beesha caalamku ku taageeraysay wada hadal dhexmara dawlada ku meel-gaadhka ah ee Somaliya (Ama Cidii Bedesha) iyo Dawlada Somaliland, si loo iftiimiyo xidhiidhka Labada Dawladood ee Mustaqbalka,

Iyada oo isla markaana laga duulayo kulankii ka dhacay Chevening House, London, Waxay Madaxweynayaasha Dawlada Federaalka Somaliya iyo Somaliland ku kulmeen Dubai 28-June-2012.

2. kulankan waxa codsiga labada Dhinac ku martigeliysay Dawlada imaaraadka Carabta (UAE)

3. ujeedada kulankani waxay ahayd in labada madaxweyne ee ka qayb galay, Madaxweyne Sheekh shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” (Somaliland) in si rasmi ah loo sii amba-qaado wada hadaladii hore u dhex maray labada dhinac ee ka soo bilaabmay, Chevening 20-21-june-2012

4. Labada Dhinac waxay isku raaceen in la sii amba-qaado wada hadalka, waxaanay ku heshiiyeen in loo ogolaado Gudiyadii ka koobnaa labada Dhinac ee ay igmadeen madaxweynayaasha (Somaliland iyo TFG) inay halkaa ka sii wadaan wada hadalka si loo bayaamiyo xidhiidhka u dhexeeya labada dhinac.”

Be Sociable, Share!

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone