Faallo(Saraarnews) Taariikhdu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah nolosha ummad kasta, waa xusuusiyaha wixii la soo maray, dhib iyo wanaagba, waana tusmada looga shidaal qaato dejinta yoolalka iyo barnaamijyada siyaasadeed, dhaqaaleed, difaaceed, iyo bulsheed ee ay ummadi hiigsanayso mustaqbalka dhow iyo ka fogba. Taariikhdu waxay mudantahay in lagu xisaabtamo markasta lana xasuusto noocyada waayaheeda kala geddisan si looga hortago ku celinta taariikh xun oo la soo maray ama loo sii ambaqaado taariikh wanaagsan oo waxqabad. Ummadda Somaliland waxay soo martay taariikh halis ah oo xuskeedu maguurto yahay intii u dhaxaysay 1982-1991 xilligaas oo Taliskii Siyaad Barre ee Somalia ummadda Somaliland ku soo qaaday dagaallo culus oo la damacsanaa in lagu qaran iyo degaanba guuriyo Beelaha Dhexe ee dalka arrintaas oo ay caddaynayso Warqaddii Geerida (letter of Death) ee General Morgan u kala diray soddagii Siyaad Barre, Wasiirkii Gashaandhigga, General Adan Gabyow oo ahaa General qaxooti ah kuna dhashay Kenya, iyo Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Axmed Sulemaan Dafle, markii taariikhdu ahayd January 23, 1987 taas oo uu ku talinayo in dhulka Beelaha Dhexe ee Somaliland la dejiyo dadka kale siiba qaxootigii Somali Galbeed, figradaasuna waatii dhalisay in Beelaha Dhexe si islaamnimada iyo aadamnimada ka baxsan laga dhigo wax la qaxiyo, wax la xasuuqo, wax la xidho iyo wax la gabagabeeyo isla markaana la burburiyo magaalooyinkooda iyo tuulooyinkooda lana boobo hantidooda siiba sannadihii 1987, 1988 iyo 1989. Halistaa weyn ee soo foodsaartay ummadda iyo dhulka waxaa ka badbaadshay halyeeyadii iyo geesiyadii Ururkii Hubaysnaa ee SNM bishii January 1991.
Doorashadii madaxtooyada ee dalka laga qabtay bishii April 2003 marnaba la filayn in Daahir Riyaale Kaahin oo si weyn ula safnaa Taliskii Moxamed Siyaad Barre ilaa maalintii uu dhacay laguna eedaynayay dembiyo culus loo doorto madaxweynaha dalka dabadeedna laga sugo inuu dacaad ugu adeego dadka, dawladnimada, iyo qaranimada Somaliland. Waxaa kale oo aan iyadana la filayn in kelitalisnimo dambe oo weliba huwan qaran-dumisnimo ummaddu sii daawato oo aan laga hortegin waqtiga ku habboonaa lana diidin in marba mudada loo kordhiyo. Weli taariikhda adduunka laguma hayo dal kuwii laga xorreeyay markiiba gacanta loo gesho lagana sugo cadaalad, horumar iyo aqoonsi. Maxay ummadda Somaliland iskaga dhigtay sida neef adhi ah oo kalgacal awgeed u leefaya gacantii gawricilahayd? Dib-u-heshiisiinta ummadda waxay ahayd in la soo afjaro dagaalladii sokeeye lana walaaloobo si wadajir ahna loo hirgesho nabadgelyada iyo dawladnimada dalka ee ma ahayn in madaxweynaha dalka loo doorto eedaysane aan nacayb iyo xumaan ka bogsan. Doorashadii Daahir Riyaale waxay ahayd gefweyn oo laga galay taariikhda iyo qaranimada Somaliland waxaana halkaas ka cad in ummadda Somaliland aanay qiimayn taariikhdeeda, halgankeeda, halyeeyadeeda, iyo geesiyadeeda sida ummadaha adduunaka, nolosheeduna ku salaysantahay laab-la-kac aanay kala aqoon nasteexeeda iyo cadowgeeda. Ummadi haddii aanay taariikhdeeda xusuusan kuna hawlgelin ama aanay diidin wixii jiritaankeeda iyo sharafteeda halis ku ah kama baxdo dhibaato iyo khatar. Haddii aan taariikhda, dawladnimada, iyo qaranimada laga ilaalin qabyaalad iyo cidda wax u dhimaysa waxaa laga dhaxlaa nabadgelyoxumo iyo burbur qofka, qoyska, beesha, iyo ummadda wada saameeya.
Doorashada Daahir Riyaale waxaa ummaddu dhabarka u jeedisay kuna wacadfutray Halgankii Hubaysnaa ee SNM oo dadka iyo dalka ka badbaadiyay Taliskii Siyaad Barre. Halyeeyadii iyo geesiyadii qubay noloshii iyo barwaaqadii ay ku jireen ee muddo ku dhow 10 sano duurka ku jiray, ciidda seexday, harraad iyo gaajadana u adkaystay si ummadooda iyo dalkooda ay uga samatabaxshaan halistii weyneyd ee soo foodsaartay jiritaankooda ayaa markeliya inta la illaaway laga doortay kuwii laga badbaadshay. Haddii ay maanta qabriyada ka soo bixilahaayeen geesiyadii ummadda u shahiiday oo oggaanlahaayeen in kuwii geeridooda ka mas`uulka ka ahaa ay dalka ka tashaan maanta dhibaato kalena ku hayaan murugo ayay qabriga kula noqonlahaayeen. Ciidda, dhagaxa, dhirta, iyo geedaha ayaa ummadyahay idanka ooyaya abaal-ka-dhaca aad ku samayseen kuwii awgiin u shahiiday iyo kuwa noolba ee Halgankii SNM oo idanka oo daawanaya uu maalinkasta la dagaallamayo Hadhaagii Afweyne ee aad xukunka dalka gacanta u geliseen. Waxaa habboon in la is-weydiiyo su`aasha ah: Maxaa dadka iyo dalku ku dambayn lahaayeen haddii aanu jirin Halgankii Hubaysnaa ee SNM? Siyaasadda qaabka hoggaaminta dal axsaabtu waa ku kala aragti duwantahay laakiin wadaninimada, iyo qaranimada la iskuma khilaafo waayo waa qaran-jab waana arrinta baabi`isay Somalia.
Si loo wiiqo dawladnimada iyo aqoonsiga Somaliland wuxuu Daahir Riyaale xukuumaddiisa ka buuxiyay hadhaagii Taliskii Siyaad Barre iyo damiirlaawaal laaluush ku nool ah oo dadka, dalka, iyo dawladnimada midna aan dan ka lahayn. Ummadda Somaliland cidi kuma habaarin dhibaatada uu ku hayo Maamulka Daahir Riyaale ee iyada ayaa isku habaartay markii ay Daahir Riyaale u dooratay madaxweynaha dalka dhabarkana u jeedisay geesiyadii ka badbaadshay khatartii jiritaankooda soo wajahday. Sannadkii 2007 waxaa Daahir Riyaale xabsiga u taxaabay Moxamed Xaashi oo ka mid ahaa halyeeyadii aasaasay Ururkii SNM, Dr. Gaboose iyo Jamaal Caydiid. Daahir Riyaale waxa uu xadhigan ka lahaa laba ujeedo oo kala ahaa inuu ku dhawaaco sharaftii Halgankii SNM iyo inuu ku bahdilo ummadda Somaliland oo aan ka damqan. Daahir Riyaale maantana Moxamed Xaashi ayuu rabaa inuu xidho marlabaad, Axmed Moxamed Siilaanyo oo ahaa Guddoomiyihii ugu mudada dheeraa ee Ururkii SNM ahna musharraxa madaxweynaha Xisbiga Kulmiye waxa uu amar ku bixiyay inaanu dalka soo gelin karin. Waxaa muuqata hadda in ummaddu fahamtay oo dareentay gefkeedii weynaa ee ay ku dooratay Daahir Riyaale iyo ka aamusiddii ay ka aamustay dhibaatooyinka uu dalka u geystay kuna wado weli. Waxaa cad in Daahir Riyaale isku kiciyay MAROODI HURDA oo aanu marna cadhadiisa iyo cartankiisa ka badbaadayn wixii ka dambeeya hadda. Kooxda iyo saxaafadda iyagu la safan Daahir Riyaale ee taageera ama u ololeeya inuu xukunka ku soo noqdo waxay dagaal cad kula jiraan dawladnimada, qaranimada, iyo aqoonsiga Somaliland.
Sida lala wada socdo waxaa Daahir Riyaale laalay Dastuurka iyo shuruucda dalka; waxa uu isku boobay awoodihii fulinta, garsoorka, iyo sharci-dejinta dalka; waxa uu horjoogsaday dhismaha iyo derajada Ciidanka Qaranka; waxa uu boob ku wiiqay dhaqaalihii dalka taas oo keentay in Somaliland noqoto maanta dalka ugu musuqmaasuq badan adduunka; waxa uu dhawrjeer horjoogsaday doorashada madaxweynaha; waxa uu dalka ka dhisay guddiyo nabadgelyo la mid kuwii Siyaad Barre kuwaas oo ku xadgudba xuquuqda muwaadiniinta Somaliland; waxa uu ku xadgudbay xuquuqda insaanka isaga oo siyaasiyiin caan ah oo helyeeyo ah, weriyayaal, iyo dadweyne dhallinyaro u badan xabsiga u taxaabay sabab la`aan; waxa amarkiisa lagu dilay, dhaawacay laguna xidhay dad rayid ah oo si salmiya u banaanbaxayay; waxa uu waxbadan isku dayay inuu iska horkeeno beelaha Somaliland; waxa uu shaqada qaranka ka horjoogsaday Golaha Wakiilada ee sharci-dejinta dalka arrintaas oo aan addunka ka dhicin; waxa uu waxbadan khalkhalgeliyay nabadgelyada dalka; waxa uu jebiyay heshiisyo heer qaran iyo heer caalamba ah; waxa uu Xisbiga Udub u bedalay Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Somaliyeed ee Siyaad Barre; waxa uu qas ka dhexriday Golaha Guurtida si uu u helo muddo kordhin dambe; waxa uu aflagaado u geystay halyeeydada dalka, iyo waxgaradkaba taas oo muujinaysa inuu yahay shakhsi ka qaawan maamuuska dawladnimo iyo madaxnimo. Intaas oo dhan waxa uu kas ugu wiiqay sumcaddii Somaliland si aan loo aqoonsan dalka isla markaana aanay u hanaqaadin dawladnimada iyo qaranimada Somaliland. Dhammaan arrimahan oo ah dembiyo culus, khiyaamo-qaran, iyo qaran-dumisnimo lagu mijaxaabinayo jiritaanka Somaliland waxaa Daahir Riyaale la maleega cadow sokeeye iyo cadow shisheeye.
Marka la eego dhibaatooyinka dalka ka dhacay mudadii Daahir Riyaale talada hayay waxay muujinaysaa in siyaasadda kelitalisnimada ee uu ku dhaqmo Daahir Riyaale ay ku salaysantahay qaran-dumisnimo ka soo horjeeda qaranimada iyo aqoonsiga Somaliland una adeegaysa Somalia iyo Jabuuti waana arrinta ka dambaysa la dagaallanka doorashada madaxweynaha iyo jebinta heshiisyada. Marka la derso dhibaatooyinkan badan ee uu Maamulka Daahir Riyaale ka geystay dalka iyo waxa uu maaganyahay waxaa adag ama aan suurtogal ahayn inay dalka ka dhacdo doorasho madaxweyne oo nadiif ah lana qabto waqtiga loogu talagalay. Si ay doorashada madaxweynaha uga hortagaan waxay Daahir Riyaale iyo Xisbiga Udub maleegayaan inay buuq iyo khilaaf ka abuuraan hawlaha iyo go`aamada Guddiga Doorashada ee la xidhiidha diyaarinta Serverka Diiwaangelinta iyo mudaynta waqtiga doorashadaa, iyo inay khalkhal nabadgelyo ka abuuraan dalka si ay ugu andacoodaan, caalamkana u tusaan in Somaliland aan doorasho laga qabankarin nabadgelyoxumo awgeed. Shirarka Garaadada Beesha Sool ayaa la rumaysanyahay inay ka dambeeyaan Daahir Riyaale iyo Ismaaciil Geellaha Jabuuti si loo fashiliyo doorashada madaxweynaha. Haddii arrintaas rumowdo, waxaa waajib muqaddas ah in Daahir Riyaale iyo xukunkiisa lagu rido KACDOON DADWEYNE oo qorshaysan oo ay hoggaaminayaan Axsaabta Mucaaradka, Xoogagga Is-bedeldoonka ah, Ururada Bukshada iyo Ciidamada Dalka si dadka iyo dalka loo badbaadiyo. Axsaabta Mucaaradka ah waxaa ku habboon markaas inay deg deg u soo dhisaan Dawlad-Ku-Meel Gaadh ah oo dalka dhakhso u gaadhsiisa doorasho madaxweyne.
Ibrahim Hassan Gagale
Taariikh: February 4, 2010
Email: ibrahim_hg@yahoo.com
Popularity: 1% [?]
You Should Also Check Out This Post:
- Heesaha Ciida: Alla Maanta ayaanta codkii Maxamed S. Tubeec
- Waraysi qaybtii 1'aad Ali Mahdi Hussen xubin Xisbiga Ucid
- Zakat Al-Fitr and Eid By Ahmed Arwo
- Heestii Madax-Weynoow Waa Qalinkii:Abwan Baruud
- Siday Xukuumadda Cusubi Iskaga Caabiyi Doontaa Warmaha Loo Afaysanayo Iyo Mucaaradka Kala Jaadjaadka Ah




