URURKA WADDANI OO KA FURAY WADANKA INGRIISKA WARBAAHIN LAGA DHEGAYSAN KARO ADUUNKA OO DHAN

URURKA WADDANI OO KA FURAY WADANKA INGRIISKA WARBAAHIN LAGA DHEGAYSAN KARO ADUUNKA OO DHAN IYO XAFIISKA DIIWAANGELINTA TAAGEERAYAASHA URURKA WADDANI.
Waxaa farxad weyn u ah umada reer Somaliland in Ururka Waddani ku guulaysto inuu ka furo wadanka UK warbaahinta la iska maqlo nooca Raadyaha/Idaacada ah, taasoo laga dhegaysan karo dhamaan aduunka oo dhan Gudo iyo Dibadba warbaahintani waxay waxtar weyn ka geysan doontaa wararka gudaha wadanka iyo dibadiisaba, waxayna ka haqabtiri doontaa shacabka reer Somaliland inay helaan wararkii ugu dambeeyey oo xaqiiqada ku salaysan.
Idaacadan ayaa ka soo warami doonta dhamaan Gobolada, Degmooyinka, tuulooyinka iyo taako walba oo ka mida wadanka Somaliland iyo weliba meelo badan oo aduunka ka mid ah iyadoo la adeegsanayo weriyayaal Idaacadani ka hawlgelin doonto goobahaas, sidaas waxaa yidhi Agaasimaha ahna mulkiilaha Idaacadan Mudane Mohamed Ali Hassan (Sudi). Mohamed oo u waramayey taageerayaal badan oo ka soo qayb galay xafladan daahfurka ayaa sharaxaad ka bixiyey idaacadan oo uu sheegay in dhowaan ay bilaabi doonto hawlgalkeeda si faseex ahna looga dhegaysan doono meel walba oo aduunka ka mida, iyadoo laga dhegaysan karayo Raadyayaasha, Computerska iyo Mobile phones-kaba, sidoo kalena laga dhegaysan doono Taleefishinada xili aan fogayn taasoo hada gacanta lagu hayo. Idaacadan ayaa leh qayb loogu talo galay in lagu xidho Gawaadhida taasoo si toosa warka uga soo tebin karta goobwalba oo gudaha wadanka ka mida, arintan oo qayb libaaxleh ka qaadan doonta xiliga ololaha doorashooyinka lagu jiro, kuwaasi waxay ahaayeen erayadii Agaasimaha Idaacadan Mr Sudi.
Warbaahintani waxay u shaqayn doontaa dhamaanba bulshada Somaliland, waxayna soo gudbin doontaa wararka iyo Barnaamijyo aad loo jeclaysan doono oo ay ka mid yihiin Barnaamijyo Diini ahi. Waxaan shaki ku jirin in Warbaahintani waxtar weyn iyo isku-xidhba u noqon doonto bulshada Gudaha iyo Eheladooda iyo Asxaabtooda ku nool Dibadaha.
Gudoomiyaha Ururka Waddani UK, Mudane Mustafe Ismail kenedy oo xafladan hadalo kooban ka jeediyey ayaa u mahadceliyey milkiilaha Idaacadan Mudane Mohamed Sudi, sida xilkasnimada leh ee uu shacabka reer Somaliland isula garab taagay inay ka dhergaan wararka gudaha iyo dibada oo xaqiiqada ku salaysan, waxuuna ka dhawaajiyey in ay furista Idaacadani ka mid tahay guulaha uu soo hooyey Ururka Waddani iyo Taageerayaashiisu mudadii yarayd ee uu jiray.
Xubno badan oo Ururka Waddani ka tirsan ayaa iyaguna goobta ka hadlay dhamaantoodna u hambalyeeyey guushan uu gaaray xiligan kooban Ururka Waddani. Xubnihii goobta ka hadlay oo badnaa Waxaan ka xusi karaa Gudoomiye kuxigeenka UK mudane Saleebaan Faarax, Gudoomiyaha London Mudane Mohamed Yusuf, Marwo Kaltuun Ibrahim, Mudane Abokor Ciise, Mudane Mustafe Cabdullahi iyo Xoghayaha Ururka ee UK mudane Hasan Husein (Nabaado), dhamaantood xubnahani waxay ka dhawaajiyeen kaalinta warbaahintani ka qaadan doonto in la helo warar joogto ah oo lagu kalsoonaan karo waxayna u mahadceliyeen Mulkiilaha Idaacadan Mudane Mohamed Ali.
Kulankan oo uu xidhiidhinayey Afhayeenka bUrurka Waddani UK, Mudane Qasim Aadan Saleebaan ayaa waxaa xusid mudan in kulankan ay xubno badani ka cadeeyeen goobta inay ku soo biireen Ururka Waddani oo ay kalsoonidoodii siiyeen, xubnahan oo goobta erayo qiimo badan ka jeediyey ayaa waxaa xubnahaas ka mid ahaa. Mudane Ismail Salah Yassin , Mudane Ismail Yusuf, Marwo Nasiim Mohamed Daahir, Mudane A/rahman Mohamed, Mudane Keyse Ahmed Farah iyo Mudane Mohamud Mohamed Suleiman. Xubnahan ayaa dhamaantood si qiimo badan loogu soo dhoweeyey Ururka Waddani loogan mahadceliyey kalsoonidooda ay Ururkan siiyeen.
Waxaa sidoo kale jiray xubno badan oo iyaguna goobtan ka hadlay oo dhamaantood ka soo jeediyey talo, tusaalayn, hambalyayn iyo sidii loo dardargelin lahaa hawlaha Ururka horyaala iyagoo dhamaantoodba cadeeyey in Ururka Waddani ku socdo dariiq siyaasadeed niyo horumarineed oo aad u qurux badan. Idaacadan ayaa sida loo qorsheeyey hawada soo geli doonta dhamaadka Bisha Ramadaan hadii Allaha awooda lihi ogolaado.  Idaacadan oo loo bixiyey (KOOR Media) si kumeelgaadh ah ayaa shacabka reer Somaliland laga codsanayaa inay ka qaybqaataan Magac bixinta  Idaacadan Cusub. Xafladan ayaa ku soo gabagabowday jawi farxadeed oo aad u wanaagsan.
Afhayeenka Ururka Waddani UK
Qasim Aadan Saleebaan
Be Sociable, Share!

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone