Gabay La Magac Baxay Guurdoon BY Abwaan Axmed Claahi Maxamud

Gabay La Magac Baxay Guurdoon
BY Abwaan Axmed Claahi Maxamud
Axmed Fartaag Doha Qatar 2012/2/26 

Gaadhiwaayay gabadhaan jeclaa gobolkay joogtaaye
Gabal dhiciyo waagii beryaan goobayaa waliye

Guuraha habeennimo ayaan guuxayaa waliye
Gaadiidka qaarkood ayaan guusha kuu dhaline
Malaa gaadhigaygaa xumaa oo gaabshay socodkiiye

Guutooyin xaasida waxaa geeshash igu meersan
Inkastooy garaacaan kuwaa gudinta ii qaatay
Geedkaygu wuu adag yahoo waa midaan gu,ine

Garba duub darbaa ii xidhoon goostay xadhigiiye
Inkastooy i gaadaan hadana lay gagabin waaye

Godobtaydu ruuxay gashaba waanka soo gayne
Gashi weeye tayduye hadhow baan ka soo gur iye
Guushana anaa heli markaan samirka gaaxshaaye

Garoobtii haday tahay carmali waanka gaabsadaye
Gayigana hablaa kacay waxaa gaari igu xeeran

Dookhayga gaarka ah adaan guudka kuu sudhaye
Guurdoon hadaad tahay heblaay caashaqaad garane
Geedaha jacaylkaan Ubaxa kaaga soo guriye
Goortaan is aragno ayaan gacanta kaa siine
Godolkiisa waad heli markaan gacolo hoorshaaye

Gayaan iyo xigaal baynu nahay labada geesoode
Hadaan guurtidaadii u tago gacalka reerkiina
Geel iyo gamaan faras hadaan golaha soo taago
Gabatiga hadii aan baxshiyo guunyadii yaradka

Gacalkiyo sokeeyaa hadaan goob isagu keeno
Sida gob iyo cadkeed hadaan garashaday baano
Meherkaaga gaarka ah hadaan gooni u xariiqo
G uurkiyo arooskana adaan kuu galbinayaaye
Gaafwayn inaan kuu dhigaan so go,aansadaye

Gaboow baa jiroo waqtigu wuu is gurayaaye
Guriguun hadii aad fadhido guunimaa xigiye
Ana gabaydaydii badnaa goosan baa hadhaye
Guubaabo iyo hees waxan ku soo gooyay
Gabadh-yahay adaan kaa helee gocolo may raaci?

Be Sociable, Share!

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone