Caynaba(Saraarnews) Wefti uu hogaaminayo Xoghaya Guud ee Xisibga UDUB  Jaamac Yaasin Faarax oo baryahanba olole sharci darro ah ka waday guud ahaan gobolada ayaa maanta ku sugan magaalada Caynaba ee xarunta Gobolka Saraar, Iyadoo aan wali la gaadhin wakhtigii sharciga ahaa ee komishanka doorashooyinku fasixi lahaa ololaha doorashooyinka.

Weftiga Xisibiga UDUB oo socdaal kusoo maray gobolo iyo degmooyin badan oo dalka kamid ah ayaan ilaa iyo hadda la kulmin wax soo dhoweyn ah taasina waa sababta keentay in warbaahinta dawladu biisho oo isugu jira TV-ga UDUB iyo mareegaha internetku ay ka aamusaan.

Sidoo kale waxay wararka ay shabakada Saraarnews.com ka helayso magaalada Caynabo sheegayaan in masuuliyiin ka tirsan xisbiga UDUB ay qorshaynayaan sidii ay ugu rari lahaayeen magaalada Caynaba xarunta dhexe ee Xisbiga UDUB.

Xisbiga UDUB oo aan markii horeba rajo fiican ka qabin rabitaanka dadweynaha ayaa quus weyn iska taagay todobaadkii hore markii shacbi weynaha  Hargaysa iyo Burco si aan hore loo arag isugu soo baxeen soo dhoweynta gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muj:  Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo)

Submitted By Afgaabsnm

Popularity: 1% [?]

You Should Also Check Out This Post:

More Active Posts: