Xukuumada Siilaanyo Oo Ku Hungowday Booqasho Uu Dalka Ku Yimaado Ra’iisalwasare Ku Xigeenka Turkigu Iyo Shacabka Oo Dood Adag Ka Yeeshay Hadalada Madaxdooda

Hargeysa (saraarnews) Xukuumada Somaliland ayaa hore u shaacisay in wafti uu hogaaminayo Raysalwasare ku xigeenka Dalka Turkigu booqan doono Somaliland,16,07,2012,Booqashadaasi oo uu Turkiga laga filaayay in uu ku dhawaaqo mashaariic horumarineed oo laga hirgaliyo Somaliland.

Dhawaaqa booqashada oo waftigii Somaliland ee ka qaybgalay wadahadalkii Somalia Iyo Maamulka Siilaanyo ee ka arimiya Somaliland ay saxaafada u sheegeen,in ay la kulmeen Raysalwasare ku xigeenka Turkiga oo si rasmiya uga aqbalay in uu Booqdo magaalada Hargeysa ayaa beenawday,Kadib markii waftiga raysalwasaare ku xigeenka Turkiga Bakir Bozdag ay booqdeen caasimada Somalia ee Muqdisho ay halkaasina ku sugnaayeen Labo maalmood.lana filayayey in ay tagaan Somaliland ayaa suurtoobin,

Kadib markii waftigaasi ka laabteen magaalada Muqdisho oo ay uga kuurgaleen mashaariicda horumarineed ee dalka Turkigu ka wado Somalia.

Suuqyada Magaalooyinka Somaliland ayaa si weyn looga hadalhayaa arinta waftiga Turkiga ,taasi oo wasiirada Siilaanyo hore warbixintoodii Shirka Turkiga natiijadiisii ku darsaday in Somaliland uu booqandoono Raysalwasare ku xigeenka Turkiga Bakir Bozdag,Dadweynaha Somaliland oo khaatiyaan ka taagan hadalada aan natiijada keenin ee sida dhibta yar looga faafiyo saxaafada ayaa siweyn cadho uga muujiyayay beenta qaawan ee Wasiirkooga arimaha dibadu Maxamed Cabdilaahi uu dhawrjeer ku celceliyay waftigaasi in ay soo gaadhi doonaan Somaliland 16.7,2012 balse hada la ogaaday in waftigu kaliya ay sheegeen in Somalia ay booqanayan iyagoo ukala saarin Somaliland dal gaar ah,balse Muqdisho booqashadeeda ay ka dhigan tahay dhankooga  in Somalia oo dhan ay danahooga ka fuliyeen,

Dadweynaha Somaliland oo la qabsaday hadalada raadka lahayn ee hogaamiyayaashooda iyo xukuumada Siilaanyo ee la fahansanayn halka ay wax u wado ayaa  si wayn ugu baraarugsan wararka isburinaya ee wasiirada uu ka mid yahay wasiirka arimaha dibadu.

Be Sociable, Share!

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone