Caynaba (Saraarnews.com), Wararka naga soo gaadhay gobolka Saraar gaar ahaana magaalada Caynaba ayaa sheegay in goor-dhawayd darawlkii xoghayaha guud ee xisbiga UDUB uu dilay askari kar tirsan guutada 12-aad ee ciidanka qaranka oo ku sugnaa Caynaba.

Ilo aad ugu dhuun daloola dilka loo gastay marxuumka dhintay ayaa sidaasi u xaqiijiyey Saraarnews dhawr daqiiqadood ka hor.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in askariga dhintay uu ahaa askarta ciidanka qaranka somaliland gaar ahaan qaybta 12-aad ee aaga bari,  Askariga oo lagu Magacaabi Jiray Mujaahid Mataan  Mahdi Beeli eeday ayaa ka mid ahaan jiray Ururkii SNM ee dalka Xoreeyey una dhashay Degaanka Balidhiig ee Gobolka Togdheer,  Marxuumka ayaa Imika ahaa Taliyaha Sahanka ee Qaybta 12′aad ee Ciidanmada Qaranka  ilaa hada ma jiraan warar dheerada oo ku saabsan sababaha dilka uu gastay darwalka xoghayaha UDUB.

Xisbiga UDUB ayaa dhawrkii maalmood ee ina soo dhaafiyey safar kala duwan ku maraayey gobolada Bariga gaar ahaana gobolka Sool iyo Cayn oo ay hada joogaan.

Safaradaasi ayaa lagu sheegay in yihin olole qarsoon oo uu xisbiga UDUB bilaabay, hase ahaatee ilaa hada koomishanka doorashooyinka ayaan arrintaasi ka hadal.

Wixii war ah ee ka soo kardha sababta keentay dilkan foosha xun kala soco shabkada wararka ee Saraarnews

Hargeysa/Somaliland

Reported by Ibraahim Abdirahman Qaasim

(Qaasim)

Qaasin05@hotmail.com

Popularity: 1% [?]

You Should Also Check Out This Post:

More Active Posts: