Faallo: Dahabshiil Waanu Difaacaynaa !

Inkastuu dhabcaal gudhanyahoo dhadhabo kuu diido
Isagoo dharaar maqan koluu dumar wax kuu dhiibo
Dhanaad uga dhacdaba maal ku xiga waad dhadhamisaaye
Waa dhaawac kugu yaal xigtada dhaqasho diidaa.

Gabayaa hore

Nimcooyinka Ilaahay Aadmigiisa ku galadaystay cidina ma soo koobi karto waxaynuse ka xusi karnaa: Diinta islaamka, Maalka , Ubadka , Caafimaadka, Quruxda, madaxnimada,  Aqoonta iyo Garashada, Dareemayaasha iyo qaar badan oo kale oo aan la soo koobi karaynin. Waxaase intaas oo dhan daba taala xisaab aad u balaadhan oo qofka la waydiinayo waxaana ka bixi kara oo keliya qof ilaahay gargaarkiisa helay.

 

Waxa la isweydiinayaa waqtigii, Maalkii laguugu nimceeyey halkuu ku baxay, Ubadkii , aqoontii iyo garashadii eebbe ku siiyey iyo nimco kasta oo ilaahay ku siiyey inaad ugu sugnaatay ama ugu dhaqantay si illaahay Raali ka yahay.

XASADKA

Waxa Jira Xasad iyo Xaasidiin ka dhasha oo loo qaado qof nimcooyinka ilaahay lagu galadaystay, inta badana wuxuu ka yimaadaa Xasadku dadka aan iimaankooda iyo caqiidadoodu wanaagsanayn. Xasadkuna wuxuu ahaa camalka shaydaanka iyo inta raacday ilaa maalintii Ibleeysku xaasiday Nebi Adam Caleyhi salam.

Abu Hurayra waxa laga soo wariyey in nabigu yidhi SCW “iska jira xasadka waayo xasadku waxa uu cunaa Wanaagyada, sida dabku xaabada u cuno”,

Halkan ka dhegayso Muxaadaro ka hadlaysa Xasadka iyo Xaasidka oo uu ina soo gaadhsiinayo
sh. Cabdalle M. Maxamuud

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

 

Qofka loo nimceeyeyna maaha inuu ku Kibro sida ilaahay ugu galadaystay nimcadiisa una qaato inuu dadka ka sareeyo, waayo sida Rasuulkeenii Muxamad SCW ahaa inoo sheegay Janada ma galo qofka inyar oo kibir ah qalbigiisa ku jirto.

لا يدخل الجنة من كان في قلبه مثقال ذرة من كبر

 

Arinta aan u Socdo ee Shirkada DAHABSHIIL ku saabsan.

Hadaan usoo noqdo Mawduuca qoraalkayga mudooyinkii ugu danbeeyey waxaa soo baxayey Xasad balaadhan oo lagula kacayey Shirkada DAHABSHIIL iyo Mulkiilaheeda, Xasadkaas oo dhinacyo badan leh, sida mid Warbaahineed, Suugaaneed, mid Goboleed, mid qabiil iyo mid siyaasadeed intaba.

Ha badnaado ama ha yaraadee Shirkada DAHABSHIIL waa cida keliya ee kaalinta koowaad kaga jirta ee bulshadeeda wax dib ugu soo celisa iyadoo aan u eegayn deegaan iyo qabiil toona, waxayna ku mudan tahay Amaan balaadhan.

Waxa dhici karta Inaad wax ka tawdo ama ka tirsado DAHABSHIIL maamulkeeda ama xubno shaqaalaha ka mida ah taasi ku gayaysiin mayso inaad kula kacdo XASAD balaadhan laakiin adigoo ilaahay u baryaya inuu nimcadaa u siyaadiyo Aakhirana xisaabteeda u fududeeyo ayaad dhaliisha jirta ugu sheegi kartaa si kale oo ka quruxbadan inaad xaasido uguna bandhigi kartaa Gol daloolooyinka jira.
Dagaalka BUCDHCADA Internet-ka

Maalmahan u danbeeyey oo dhan waxa qaar ka mida warbaahinta XASADKA laga dheehanayey wax lagu sheegay inay yihiin xog laga jabsaday Database-ka shirkada DAHABSHIIL. Inkasta oo shirkadu sheegtay inaanay Arimuhu sida loo dhigayo ama loo buunbuuniyey ahayn hadana qofka wax ka fahmi kara aqoonta Kumbuyuutarku wuxuu dareemayaa isaga laftiisu inaanay arintu sida Budhcada internet-ka iyo XASADKU u buunbuuniyeen aanay ahayn.

  • Hadaad usii fiirsato waxaad dareemaysaa xogaha lagu baahiyey inay yihiin qaar Sanado Hore ah oo aanay ku jirin qaar cusubi.
  • Waxa kale oo aad ogaanaysaa inay badankoodu yihiin (screen capture ama screen shot) oo shaashada Kumbuyuutarka dukumentiyada laga sawiray.
  • Waxa kale oo aad ogaanaysaa in la isticmaalayo Qof ka mida shaqaalaha shirkada USER-NAME uu leeyahay oo ah MRGULED.
  • Waxaad kaloo ogaanaysaa inuu yahay MRGULED qof ka tirsan SWB oo loo soo gaabiyey Sweden Branch.
  • Waxa kale oo kuu soo baxaya Taariikhda iyo Waqtiga la isticmaalay USER NAME MRGULED inay tahay
  1. 7/10/2012, 6:05:58 PM ama Galabnimo
  2. 7/11/2012, 9:29: 18 AM ama subaxnimo.
  • Mar kalena MRGULED sida Muuqaalka ay soo geliyeen  ka muuqata wuxuu lacag bixin ka sameeyey laanta XAR 11-7-2012, waxayna noqon kartaa Raadka rasmiga ah oo Muqdisho ah.
  • Waxa kale oo kuu soo baxaya in nin la yidhaaho Macalin cali aadan uu 5-7-2012 lacag u diray Muqdisho oo shaqadu caadi ahayd.
  • Waxa kale oo aad ogaanaysaa ID-yada Kaadhadhka cadaynta ee lagu soo bandhigay inay u badan yihiin qaar laga leeyahay wadanka Sweden.
  • Waxa kale oo muuqanaya Link ay ku xidheen inuu yahay mid laga leeyahay wadanka Indooniisiya oo ku yaala barriga fog ee Aasiya laakiin uu ka diiwaangashan yahay Wadanka KANADA  website-kaas   waxa ku qoran inuu leeyahay nin lagu magacaabo Mohammad Abudhem  wuxuuna serverkiisu ku xidhan yahay GODADDY.COM, INC.  waxana  la yidhaaho http://www.animegist.com/old//Somaleaks/.  Eeg Xogta u keydsan website-kaas 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

  • Hadaad Sii baadho Ninkan Shabakada ku qoran meesha laga helo iyo sawirkiisan waxaa kuu soo baxaysa Inuu degan yahay Wadanka Jordan  Magaalada ZArqa uuna ku shaqeeyo Visual designer (My name is mohammad abudhem Here is my homepage: http://www.techgig.com/mohammadabudhem. I live in zarqa, Jordan and work as an Visual Designer/), sawirkiisu waa kan: 
  • Waxa kale oo su’aal jawaab u baahan noqonaysa sida uu Lifaaqa (Link) macluumaadkan ku soo helay shabakadii ugu Horbaahisay arintan oo ah Waagacusub.com  oo baahisay 21-7-2012 in macluumaad lagala baxay shirkada Dahabshiil, sababtoo ah waxaynu ognahay colaada gaarka ee shabakadaasi u hayso Shirkada DAHABSHIIL. waxaana dhici karta inuu yahay Isha Rasmiga ah ee ay isku xidhnaan karaan MRGULED oo wada shaqayni ka dhexayn karto.

 

  • Muuqaalka sawirka labaad waxaa ku jira sawirka screenka kombuyuuterka laga qaaday oo muujinaya windows 7 oo uu isticmaalayo qof magaciisu yahay Omer M Omer saacaduna tahay 7:36 Am , waxaana u furan facebook, Google Chrome , waxa u furan daaqad kale oo ah windows Live mesenger iyo Daaqad kale oo Magaca Dahabshiil Pvt ku qoran tahay.
  • Muuqaalka sawirka 40 iyo 41 waxay muujinayaan Biilalka telefoonada Shirkada dahabshiil direen iyo Lambaradii lala hadlay.Waxa suuragala in USERNAME la isticmaalay access ama awood u leeyahay inuu arki karo macluumaad badan oo shirkadu leedahay hadii waxani wax jira marka horeba yihiin.
  • List magacyada CLIENTS ee ay soo malmaluuqeen inkasta oo xubno Familkayga ah magacyadooda  ku jiraan List-ka waxaad arki karaysaa inay yihiin Macluumaad hore oo aanay ku jirin wax sanadka 2012 ahi kuwa ugu soo dhowaadayna yihiin May 2011.
  • Marka la isku soo xooriyo waxaas oo dhan waxaa kuu soo baxaya Xogta uu xambaarsanyahay run ha noqoto ama been ha noqotee goorta ficilkan la sameeyey inay tahay 11 July, 2012.

 

3 Siyood uun bay u muuqataa inay u dhacday arintani haday tahay mid jirta oo rasmi ah.

  • Ta koowaad oo ah Mid ka timi qofka Magaciisa la isticmaalay MRGULED oo usii kala baxaysa labo siyood oo kala ah:
  1. Inuu wax ka ogyahay falkaasi oo arintaas uu qayb ku lahaa wajigay doontaba ha ahaatee gaar ahaana qofkaas magaciisa la isticmaalay.
  2. Iyo in aanu waxba ka ogayn ee lala wareegay PC-giisa sidaasna xogta lagula baxay hadayba jirto xog maqan oo run ahi.
  • Ta labaad inay ka danbeeyaan Kooxaha Budhcada internet-ka ahi oo dhex galay Server-ka shirkada oo ay sidaasi kula wareegeen xogta, Arintaas waxaa shaki gelinaya maxay u doorteen macluumaadka dadka sweden oo keliya ee u isticmaali waayeen xogo kale iyo USER-NAME kale ama u soo dhigi waayeen Dad wadamo kale sida USA iyo UK ah kaadhadhka cadaymahooda.

Haday isticmaaleen Magacyo UK ah waxay noqon kartaa in Laamaha Yurub oo dhami hoos tagaan Laanta UK ee shirkadu ka diiwaangashan tahay oo aanay ka diiwaan gashanayn SWEDEN.

  • Ta sadexaad Waxay noqon kartaa Arin loogu talo galay in shaki baahsan lagu kala rido shirkada DAHABSHIIL iyo Macaamiisheeda si ay meesha uga baxdo kalshoonida Bulshadu ku qabto waxaana ka danbeeya cid shirkadan ay is hayaan.

Yaa ka danbayn kara arintani haday jirto.

Waxaa ka danbayn kara dhawr Qaybood oo kala noqon kara:

  1. Shaqsiyaadka warbaahinta lagu yaqaano ee Dagaalka Media Shirkada kula jira oo tibaax siiyey qoladan imika ku doodaysa inay ficilkaa geysatay si ay Shirkada ugu Shaabadeeyaan wixii ay warbaahinta hore ugu soo bandhigeen ee ay ku andacoonayeen in shirkadu xidhiidh la leedahay kooxo xagjir arintaas oo aan imika ka muuqan wixii ay soo bandhigeen haday helaana cadayn u noqon lahayd waxay ku doodi jireen, Waana sababta ay u doonayaan in DAHABSHIIL Qirato inay taageerto Kooxo Argagaxiso ah, waayo haday cadayn hayaan mabay codsadeen taase way soo bandhigi lahaayeen. Waxayna u muuqataa inay Arintaas ku guuldaraysteen oo Ilaahay xaqu meeshuu jiray u hiiliyey.
  2. Shirkadaha tartanku ka dhexeeyo oo doonaya Maadaama shirkadani noqotay ta ugu weyn dhinaca xawilaada inay Suuqa ka saaraan sidii ay suuqa uga saareen Xawaaladii Barakaat, taasina ay kelifayso inay adeegsadaan farsamooyinkan ama qaar ka tirsan Shaqaalaha Shirkada Lafteedaba.
  3. Inay yihiin kooxo shirkada ka waayey Dano dhaqaale iyo Qaar siyaasadeed oo ay lahaayeen maadaama Shirkadu ilaashanayso Danaheeda ganacsi ayna fulinayso Shuruucda caalamka u degan, hadii Shaqsiyaadka dhaca Lacagaha Budhcadbadeeda, argagixisada iyo Musuqmaasuqa Laamaha dawladuha la yidhaaho lacagahaas idiinma qarin karo waxay keeni kartaa colaadin ay shirkada u qaadaan.
  4. Inay Tahay Sagaaradii Tuuryada la kulantay oo Dar alla ay isugu beegmeen maadaama Shirkadu horumar balaadhan gaadhay oo imika Dunida caan ka noqday, sidaasna ay uga dhigteen meel ay Abaaraan.
  5.  Arin kale oo inaga maqan oo ilaahay ogyahana way noqon kartaa !

 

Siday doontaba ha ahaatee waa in sharciga la horkeeno lana ciqaabo dadka ka danbeeyey Arimaha noocan ah oo aha ficilo ka baxsan Dadnimada iyo Diinta Islaamkaba.

Shacabka Iyo Xukuumadahana waxaa la gudboon inay taageeraan koritaanka Dhaqaale ee shirkadahooda sida Dahabshiil oo kale waayo ugu yaraan waxaa Shaqo ka helaya muwaadiniin badan oo inaga ah, waxayna qayb ka tahay shaqo abuurista Dadkeena.

Isku soo xooriyoo Maadaama Ficiladani yihiin Qaar taabanaya in badan oo ka mid ah Bulshadeena xalaal quudatada ah DAHABSHIIL af iyo Adinba waanu ku difaaci doonaa, waxaanuna noqon doonaa qaar is Barbar taaga maalinta ay Adag tahay.

 

Tafatiraha Saraarnews

Be Sociable, Share!
Warning: scandir(): open_basedir restriction in effect. File(/customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/../../../../) is not within the allowed path(s): (/customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www:/customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.private:/customers/b/3/5/saraarnews.com/tmp:/customers/saraarnews.com/saraarnews.com:/var/www/diagnostics:/usr/share/php) in /customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/footer.php on line 10 Warning: scandir(/customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/../../../../): failed to open dir: Operation not permitted in /customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/footer.php on line 10 Warning: scandir(): (errno 1): Operation not permitted in /customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/footer.php on line 10 Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /customers/b/3/5/saraarnews.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/footer.php on line 12