Faallo: Maxa hortaagan maalgashiga warshadaha ee dalkeena (qaybtii 2aad)

Cadadkii 6aad , Taarikh 24/7/201


Waxan marka hore halkan uga mahadinaya dhamaan dadkii ila soo xidhiidhay igana codsaday inan qoraalka sii wado, taasaana imika igu dhiiri gelisay inan qoraalkan qaybtiisii labaad aan soo qoro.  Waxan kale oo aan halkan uga mahadcelinaya warbaahintii qaadatay qoraalkayga kaasoo uu ugu horeyo wargeska Haatif, iyo websityada kale ee kala ah Saraarnews iyo Oodweynes news.
Hadaan inta in yar ku darsadu, waxan doonay inaan in yar oo warbixin ah ka siiyo aniga rag maalin dhawayd laha qoraala dad soo qoreen, kuwa waxan leeyahay horta anigu waxan ka qora arrimaha mandaqada Geeska Africa.   Magaaladan aan deganahay baan shirkad uga shaqeya.  Waxa kale oo aan qoraalo aan lee yahay  iyo qaarkale oo (MP) mudanaha magaaladan u fadhiya Golaha Wakiilada ee UK Mr. Laarcaster aanu si wada jir ah u qornayba ay ku soo baxeen labada Jariiradood ee kala ah MKNEWS iyo Citizen newspaper oo labaduba  ka soo baxa magaladan aan deganahay. Qoraalkaygi ugu danbeyay wuxu ku soo bixi doona Jariiradan la yidhahdo MKNEWS wiiga soo socda ee arbaacada. Waxanan marwalaba jariirada u diraa articles hadaad u baahantiina waan idin soo siin websitkooda.

Sidiisaba hadduu wadan doonayo inuu horumaro waxa horumariya wa siyaasada dawlada marka majaraha wadanka haysa iyo shacabkaba.  Wadankeenu wuxu ku jira dalka ugu horeya dhinaca Dimuqraadiyada qaaradan Africa iyo waliba Bariga dhexe oo aanay ku jirin dawlada Israail iyo Turkiga oo labaduba mudo dheer ay ahaayeen  dawlada ku talax tegay Democratiga.  Somaliland waxa lagu amaana inay aad ugu horumartay dhinaca Democracy iyo isutanasulka marka dawladaha Africa loo eego , kuwaaso iyagu marwalba qori caaradi wax ku doona.  Taasina waa ilaahay mahadii waxana waliba maanta hogaaminaya Madaxweyne aqoon Jamacadeed dhaqaale ka soo qaatay dalkan UK in badana ku shaqeeyay cilmigii u bartay taasina khibrad dheeraad u siisay hawsh u qabanayo.
Marka uu wadanku isbedel sameyo kolay qaar badan oo maamuladii hore faaiido ku qabay iyo qaar feker kala qaba labadaba way jirayaan kolay markay dawlad cusubi meesha timaado.  Laakin waxa markhaati u doonto ah in dawladan ay diyaar u tahay inay u sahasho qofkasta oo wadankan maalgashanaaya ha ahaado, muwaadin ama ajaaniba.  Taasi horta waa furaha koowaad ee dhiirigeliya maalgelinta.
Horta aan iftiimiya inta meelo kala la isku qaadayo maxaa u baahan in la maalgeliyo, hadaan in yar ka idhaa rayi’gayga , waxaynu odhan karna meelaha horta ugu horeya ee u baahan in la maalgeliyo waxa ka mid ah :

  1. Dhuxul dhagaxa oo wadankeena dawladu dhawr sheegtay inay dhoo- bantahay, lana ogaaday.  Marka ma waxa la waayo 6 ama 10 taajir oo shirkadooba markaana warshada sida ku sameya inkastaba baaxadeedu marka hore ha yeelate.

  2. Sibidhka , istambarka, rinjiga iyo saqafayada casriga.  Kuwaasoo dhan waxa (raw material) koodu buuxan buuraha sheekh ee Berbera u dhaw.

  3. Warshada Kaluunka samaysa.

  4. Warshada milixda oo aan waxba ku baxayn baa ka mid ah kaaso waliba ethiopia laga iibin doono.

  5. Warshadaha ku taxaluqa raashinka sida tamandhada iyo wixii la mid aha lama soo koobi karo, oo waxa la soo dhoofiyo badankoodu qaar badan wadanka laga samaynkara.

  6. Warshada kabaha iyadoo saanta xoolaha laga faaiidaysanayo aynu dhoofino.

Maadama waxa soo dhan deg deg loogu baahanyahay.  Hadana dadku iyo dawladuba waa inay ogaadaan in warshadaha aan soo sheegay badankoodu ay u baahantahay shirkado oo ah dad isu tagay oo maal qabeena aha ayaa samaynkara waayo tani awoodi mulkiile keligii ordaaya way ka awoodbadantahay.
Bi shardi , laakin qaybta kowaad, iyo tan labaad oo kala ah sibidhka iyo Dhagaxa duhushu kuwaa dhagaxaanta ama ciida laga samaynayo shirkada ama qof maal qabeen gaari mayeelan karo oo dadkoo dhan baa wada leh rawmaterilka lagu samaynayo waxaas.  Shirkada waa ogolyahay inay maalgashi sameyaan laakin waa inay ogaadaan in ganacsiga noocaasi ay dalku leeyahay waana ugu yaraan waa in ay dawladu ku yeelata ila 25% faaiidada meesha ka soo baxaysa wax ku yeelata maamulkana ka qayqaadata (Joinventure).

Hadaba tusaalaha aan soo sheegnay ,waamaxay faaiidada laga heli kara haddii labada qaybood aan soo sheegnay loogu horeysiiyo maalgelintooda, waxay ilatahay hadaan fekerkayga soo koobo sidan soo socota :

 

  1. Warshada Sibidhku horta aad bay u baaxad weyntahay , raw materialkana halkaasoo ku jira oo meel kale oo wax laga raadinayo majiraan waxyabaaha qaar mooyane.  Waxa horta marka hore somaliland u baaqan doonta lacag badan oo dibada u bixi jirtay, dad badan baa shaqa ka helayaa ha ugu horeyaan dhalinyarada tahriibka qabanaysa. Iyadoo waliba loo dhoofin karo dawlada jiiraan ka ah, dadka gaadiidleeda iyaguna shaqo ka heli doona.

  2. Warshada Dhagax dhuxusha iyadu horta shaqana way abuuri karta oo dadbadan baa shaqo ka helaaya , dhaqaalahana way kobcinaysa sidoo kale. Hadaba faaiidada ugu weyn ay keenaysa waxa weeye iyadoo (environment) ama ba’yada dhulka inoo dhawrta, halkaana dhir danbo oo la jari doona aanay jiri doonin.  Nabaad guurkan maanta Somaliland ka dhigay dhulkoodi Saxraagana (nabaadguur) halkaasu ku dhamaanaya, dabadeedna roobabkii soo jiidanjireen dhirtu ayaa dib u soo noqon doono dhulkuna intii nabaad guurka ka baxo ayuu barwaaqo isu bedeli doona haduu ala yidha.

  3. Warshada kaluunku waa la mid oo kaluunku baduu ka buuxa wuxu u baahanyahay uun in laga shaqaysto oo dadka shaqa loo abuuro.

Waxan aan idin soo bandhigay wax aan iska idhi maaha  waa wax aan anigu baadhitaan

aan ku sameyay isla markaana academigayga aqooneed ee  ganacasiga iyo suuqgeenta a

aan u leeyahay intuba waxay ileeyihin tijaarta somaliland isku tagu way ku adagtahay oo

Waxay doorbidaan inay mulkiile keligii shaqaysta uun noqdaan.  Tusaale madoonaya inan

Cidna farta ku fiiqo ee waxa maanta Hargeisa Ganacsi waaweyn oo dhan maalqabeenada

Iska lihi waxay badankoodu yihin keli keli, shaki kuma jiro haday shirkaan inay kuwa aan

Sheegay oo dhan ay samaykari lahaayeen.

 

Hadaba marxaladan ay maanta gashay waa horumarin.  Marka waxa loo bahanyahay inay

Tijaartu bedelaan Buskulkii, dacaskii iyo badeecadii dibada laga keeni jiray oo ay wadanka

Gudihiisa warshada u abuuran si dhaqaalahu u kordho , lacagta dibada qabanaysaan inoo

baaqato.  Baadhitaan ay sameysay Wasaarada Ganacsiga ee Somaliland waxay sheegtay in

alaabada raashinka iyo wixii kaleba ay dibada ka keenan lagu qiyaasay ila 97% , taasoo

qof kasto  maqlaa arrinta uu ka naxaayo waayo lacagtii wadanka oo banaanka loo

diraayo taasina faqri uun bay inoo horseedi doonta hadaan laga tashan.

Si kastaba ha ahaate way jiraan tijaar dadaalaysa , tusaale ahaan shirkada samaysay

Warshada caanaha ee Darasalam taasu ka xigta Hargeisa dhinaca galbeedka.

Runtii waa warshad casriya, beerahii loo’da waaweyn oo xoolaha lagu xananeyo leh

Iyo waliba loo beeray caws ay daaqaan loo’du intaasoo ay u dheertahay ceelalal gaara oo

waraabiyana loo xoolah iyo daaqababa waa wax lagu farxo oo ku dayso muda.  Warshada

waxa iska leh ilah afar nin oo wax isku darsaday.  Maanta dad badana shaqay u

abuurtay lacagti dibada loo diri lahaana way baajisay.  Sido kale warshada Coco cola

ee laga furay Hargeisana waa la mid.  Waxa isna runta aad u dadaala Dahabshiil Group oo

iyadu kaga hormartay tijaartii kale inay iyadu faaiidaday hesho dadka dib ugu celisa, sida

Briijkii Burco, midloo daku maraana way u samaysay waxay ka geystaa ka qaybqaadash-

Dhismayaasha guud sida isbitaalada, Jaamacada, wadooyinka iyo wixii la mid ahba.

Waxana ugu danbeyay stadium kii ku bada cagta ee Hargeisa ay ka dhistay dhawan.

Waxay mudantahay ku dayashsho waxay umada u qabanayso.

 

Ninka ku murmaayo sidan aanu ku jogno, ayaan tusaale yar siinaya dadka reer somaliland

Waxay u hayaameen dalkan UK waqti hore dadkii qaxootiga ee ugu badna markii hore

Reer somaliland bay ahaayeen.  Ila waqtiga ila maanta ganacsi la taaban karo ay halkan

Ama Europ ku leeyihin majirto makhaayad kasta, dukaan, Taxi companies waxaasoo dhan

Koonfurta somaliya waxanay ku gaadheen is amin iyo isku kalsoni qof walba uu jecelyahay

Inay wada faaiidan dhamaantoodba.  Kuli hudheelada raashinka ee madaxda somaliland

Lagu marti qaado iyaga iska leh.

 

Soo jeedin

Waxan u soo jeedin laha maalqabeenada Somaliland inay iska daayo ganacsiga

Keligii oo ay shirkado samaystaan, si warshadu u sameeyan.  Waxa kaloo horta aan

oo lahaa waxa mudan in horta imika lagu bilaabo warshada samaysa dhuxul

dhagaxa waayo taasi baay’dii oo sii dabar go’say ayay joojinaysa.  Maxaad

xoola dhoofisaan oo iibisaan, saw kan xoolihi maanta dhex jooga dhulkii

oo saxraa noqday taasoo waliba roob la’an u sii dheertahay.

 

Ugu danbayntii waxan hadalkayga ku soo gunaanadaya waar caalamka ayaa

Shirkado ku horumaray , ee wixii hore u shaqaynwaayay waa la bedela ee

Caalamka la jaanqaada dhulkiinana horumariya.  Bal eeg Japanba markay

Technologida bilaabaysa waxay ka faaiidaystay horumarkii Europta uu Garmalku

uu ugu horeye.

 

Nabadgelyo.

Waxa qoray.

Adan Jama Kahin

Master of Business & Marketing Management

University of Bedfordshire , UK

       Postgraduate Business & Management

      Norwegian School of Management

      Oslo, Norway.

Be Sociable, Share!